Hamiga iyo higsigu waa huga siyaasiga(WQ: Mustafe Cabdi)

Akhristeyaal sida aad la socotaan waxa wakhtigan ka dhex muuqda xukuumadda Somaliland ee tallada haysa oo uu dhaw yahay muddo xileedkeedu, Siyaasiyiin curdin ah oo la odhankaro waa kuwa dhaxlaya maskaxda iyo magaca siyaasi ee Madaxweynenaha hawalgabka ah ee hadda tallada haya Axmed Maxamed Maxamuud โ€œSiilanyoโ€ oo ah siyaasi ruug cadaaya wakhti dheerna ku soo dhex jiray siyaasada.

Aan u daadago Siyaasiga Curdinka ah ee aan rabo in aan maanta qalinka ku iftiimiyo oo ah Maxamuud Xaashi Cabdi Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda horena u ahaan jiray Wasiirkii hore ee Duulista. Maxamuud Xaashiย  ka hor Xukuumadda Kulmiye waxa uu ka mid ahaa Golaha Wakiilada Somaliland, isaga oo 1991kii ahaa Siyaasiyiintii Dada-yared ee SNM oo markii dalka la soo galay qabtay xilalka waddanka, wakhtigaas oo Maxamuud uu ahaa Maayarka Burco, mudadii uu xilka hayey waxa uu ka qayb ahaa qabsoomidii shirkii la soo noqoshada Madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee 18kii May 1991-kii, Maxamuud wakhtigaasi waxa uu hirgaliyey kala danbayntii Magaalada iyo horumar uu gaadhsiiyey.

Isagoo markii dambena ka mid noqday Golahii Wakiilada ee Somaliland halkaas oo uu muddo ku jiray kana mid ahaa xubnihi ugu cadcadaa Golahaasi, isla markaana hoggaamin jiray xubnahii mucaaridka ahaa.

Xaashia ayaa markii dambe ka mid noqday Aas-aasayaashii Xisbiga Kulmye inagoo odhan karana waxa uu ahaa shaqsiga labaad marka Madaxweyne Siilaanyo laga yimaado, ee dadaalka iyo tacabka badan galiyey in ururkii Kulmiye uu noqdo Xisbiga Qaran. Waxa uu Kulmiye ka noqday Guddoomiyihii Ole-olaha ee Golabada barri.

Sannadii 2004-tii ayaa Maxamuud Xaashi u guuray dalka Ingiirska halkaasi uu uu waxbarasho u tagay, kana sii ambaqaaday Ole-olihii xisbiga Kulmiye iyo abaabulkiisii.

Maxamuud Xaashi waxa uu ka mid noqday Xukuumada Kulmiye markii ay talada waddanka qabatay isaga oo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud โ€œSiilanyoโ€ u magcaabay Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka, waxa uu tagay Wasaaradaasi, isagoo arrimo badan ka hirgaliyeym waxa ugu mudan Darajada Wasaarada Duulista oo ahayd C oo uu Wasiir Maxamuud ku guulaystay in uu ka dhigo B, halka sidoo kalena dhisme yar oo afar xafiis ka kooban uu kula wareegay, markii dambena wareejiyey dhisme laba dabaq ah oo 22 xafiis ka kooban, waxa kale oo uu Wasiir Maxamuud xaqiijiyey in Madaarka Cigaal oo ahaa Derejada 2-aad ee heerka Qiimaynta Qaramada Midoobay ee Madaaradu, uu gaadhsiiyo Derejada 10-aad, isagoo si wayn sare ugu qaaday qaybaha kala duwan ee Madaar laga rabo, sida Amaanka, Bad qabka iyo Adeega.

Sadexdaasi arrimood oo xaqiijintoodu ay suuro galisay in Diyaarado Caalami ahi ay Madaarka Cigaal ka soo dagaan sida Fly Dubai iyo Ethiopian Airlines, Waxa uu Wasiirku gacanta ku hayey Nashqad Terminal Casriya oo lagu qiyaas in ay ku kacayso ilaa 25 Milayan oo Doolar, halkiina uu wali kala wado hirgalintiisa Wasiirka Cusub ee Duulista.

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kale hirgaliyey Xadaynta Dhulka Madaaradda Saddexda ah ee Hargeysa, Berbera iyo Burco, oo dhulkoodu uu khatar ku jiray, waxaanu Wasaarada duulista ka tagay isagoo wada xadaynta Madaarka Boorama.

Wax qabadka baaxadaas leh, ayuu Wasiir Xaashi ku noqday Jawharada Golaha Wasiirada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isagoo taasna ku helay kalsoonida Madaxweynaha Qaranka Axmed Maxamed Siilaanyo, oo dabayaqaadii 2015-ka u dalacsiiyey in uu noqdo Wasiirka Madaxtooyadda, ama Kaaliyaha gaar ah ee Madaxweynaha.

Akhristo dib u milicso arrimahan, qiyaas dadaalka iyo kartida uu masuulkani xaqiijiyey qiimee dadka burushka wasakhda ah sita dhaleecaynta ay sheegaan iyo xaqiiqda horteena taala ee aan qaar carabaabay.

Mustafe Cabdi

Cmustafe99@gmail.com