Wadaad bal warran? (WQ: Khadar Faarax Siciid)

Dhalliinyaro dhiirran oo wadaadada si aad ah ugu wayraxsan ayaan inbadan qoraaladooda daalacday. Sidaa si lamid ah kuwo  iyana difaaca wadaadada  weer cas u xidhay ayaan warkooda gorfeeay. Aniga qudhaydu qolada dambe ayaan ku jiraa oo mashruuca wadaad hiifka waan ka soo horjeedaa, laba sababood daraadood.

  • Wadaadada oo badanaa aan dhalliishooda si dhexdhexaadnimo ah loo soo bandhigin, tiiyoo qaar badan oo wadaad hiifayaasha ka mid ah doodahooda loo arki karo kuwo nacayb iyo naxli huwan oo yool wadaadka ka shisheeya yaboohinaya.
  • Ereyga WADAAD ma aha mid leh qeexitaan lagu midaysan yahay sidaa darteedna waxa soo guda gelaya Buuniyada lagu kalsoon yahay ee bulshadu daacadnimada iyo samo-talisnimada uga marag kacayaan. Kuwaas oo iyaguna mudan in xagaxagashada xaq-darrada ah laga mooso.

Taasi iyada oo ay jirto hadana turxaamaha jira waa in laga tibaax bixiyaa oo aan indhaha laga taraarsiin. Been ma aha in ay badan yihiin bayd gaabyo bawsi ah oo  isbida, qawlaysato quraanka ku qadhaabta, iyo danaystayaal diinta duunyo ku raadsadaa.

Xadiis Nebiyeedkan hoose waxa uu sugayaa in wadaadada kuwo aan waysa qabini ku dhex walaaqan yihiin. Suubanaha (Magan iyo Maamuusba Rabbi ha u hibeeyee) waxa laga soo tebiyay in uu yidhi,

“Munaafiqiinta ugu badan ee ummadaydu waxa ay ku dhexjiraan kuwooda wadaada ah”.

Hadaba qormadan aan ladhka uga dhigay “wadaad bal warran?” waxa waraysi  is dhaafsan doona wadaad iyo Ruux kale oo wardoon ah, kaas oo  u guntaday in uu u kuur galo guud ahaan xaal nololeedka wadaadkeenna. Wadeeyg wardoon ka ah waxa lagu magacaabaa Sir-doox.

Qormadu dhinaca turxaamaha ayay ku tuntuunsanaysaa. Qaabka ay u dhacaysaana waa waydiin iyo warcelin.

Sir-doox: Wadaad bal warran?

Wadaad: Warramay oo wax san ayaan sheegaye maxaad waddaa?

Sir-doox: Xageed ku deg degsantahay?  Kutubtan badan bal aan kula sii qaado e qaar keen.

Wadaad: Waar malcaamaddii ayaan saaka ka habsaamay oo aan u degdegayaaye, adiga maxaa kuu daran ee aad iga doonaysaa?

Sir-doox: Walaal sirta wadaadada in aad wax iiga sheegto ayaan rabaaye ma ku raacaa?

Wadaad: Hahaha waar sirdoonada isma raacno e xageed iga soo sariiratay. Ma basaas muslim bi’is ah ayaad  tahay? Adeer awal horeba habsan ayaan ahaaye orod hawlahaagii qabso ha isii habsaamine.

Sir-doox: Hawlahaygu waa baadhista arrimaha bulshada oo waxa aan oddorosaa sirta ka dambaysa  dadku in  ay u noolaadaan sida ay hadda u noolyihiin.

Wadaad: Waxa aad daraasaysaa sabata ay dadku ugu noolyihiin qaabka ay u noolyihiin! Cajab, weedhaas maqalkeeduba waa ii kow…

Sir-doox: Haa waa sidaa, dadku in ay u noolaadaan qaabka ay hadda u noolyihiin waa in la daraaseyaa kadibna dalabta iyo dib-dhacu halka uu kayimi la helaa, dabeed dawgii dawaynteeda loo mari lahaa la iswaydiiyaa. Aniguna taas ayaan marti kaaga ahay in aad iga caawisee ma kartaa?.

Wadaad:  war ba adaa la yimi, waar arrinkaasi waa mid wanaagsane hadda yaryarkii ayaan ka werwersanahay oo in cabaar ah haddii ay madaxayga arki wayaan qalalaase ayay kicinayaane bal barri ayay malcaamaddu fasax tahaye isu keen keen, anaa siraha wadaadada kuu kala saafayee.

Sir-doox: mahadsanid in badan oo badan. Wadaad wanaagsan ayaad tahaye Alle haku wanaajiyo.

Berridii la balansanaa ayaa Sir-doox malcaamaddii wadaadka soo beegsaday. Wadaadkii oo wardiyaaya ayaa masale uu salaaddii labaalayda ahayd ee barqonimo ku tukaday ku dul fadhiya.

Sir-doox: Wasalaamu calaykum wadaad.

Wadaad : Calaykuma salaam, soo dhowow sirdooxe, kuraastaa kadinka taalla ina fadhiisi aynu kala faa’iidaysannee.

Sir-doox: Shalay haasaawihii wacnaa kadib waynagii kala hulleelaye, wacaal maxaad igu biirin maanta?

Wadaad: Sirihii wadaadada ayaan si kooban kuugu sheegayaa dhegtaada waynayso, wixii aan kuu sheego na weelee, hana iga war-sheekoon oo ha odhan hebel ayaan wax ka soo qaaday.

Sir -doox: Oo maxaa i waalay ee aan kaaga warsheekoonayaa. warbixinta aad i siiso ayuun baan  bulsha waynta u bandhigayaa, kolkaa iyagaa inteeda fiican na bogaadin doona inteeda bugta na wadaadada ka wacyi gelin doona si ay uga waantoobaan.

Wadaad: Wadaad ninka la yidhaahdo kaaga warramaye wanaagiisu horta ma yaree aad ayuu u badanyahay. Quraanka waa uu qudhqudhiyaa, xadiiskana waa uu xifdiyaa, bulsha wayntana waa uu waaniyaa. Wadaadku wardiguu badiyaa, waxbixinta na ugu yaraan waa uu boorriyaa. Wadaad Alle ha inoo daayee daroogada waa uu ka diqoodaa, deelqaafkana kuma dheereeyo. Qabyaaladda iyada wax buu ka qadhiidhaa! Xanta na xatooyo aan buurrayn in uu kusameeyo ayaan u malaynayaa. Lakiin duuduub ahaan marka loo eego ee aan lakala horma hormayn duulku waa biri-magaydo.

Sir-doox: Oo sowdigan dun-xaxriir ah ka wada dhigay waa ku sidee? Dhalliilba malaa uma haysid?

Wadaad: Ha degdegin ha degdegin, dawliskii ceebta ayaan iminka kuu darayaaye fadhiiso ninyohow lama fududaadee.

Wadaadku xirfadaha waa uu ka xajiimoodaa oo xiise badan uma hayo. Adigu weli miyaad dhaayaha saartay Wadaad  xoogsanaya oo hawlaha adag ee bulshadu qabato la qaybsaya?

Sir-doox:  Mayee wadaad maryo cadcad xidhan oo xarrago la tiicaaya ayaan arkaaa!. Xarragada oo xad dhaaftay ka ahaydaa iyo wax kale ka ahaydaa mooyiye, qaarbaa salliyada masaajida ba in ay sanka saaraan aan u quudhin oo cimaamad cadran iska xejiya.

Wadaad: Miyaad garanaysaa sababta aad u arki wayday wadaad xammaal ah oo tunkiisa raranaaya, mid kariye ah oo kijo hudheel ku jira, mid tumaal ah oo biro toostoosinaya, mid wastaad ah filooyinka qabyada ah fuushan, mid falaa ah oo firigiisa aasanaya, ama mid  kuuli ah oo dhididku kilkilada ka da’aayo?

Sir-doox: Weligayba ma arag wadaad muruq maal ahe horta duulka ma wada maskax maal baa oo aqoon ayay ku shaqaystaan mise waa wada ganacsato?

Wadaad: Wax kale ma ahee wadaadka bariis kiisu waa uu  iska bisil yahay oo islaanta baradhada iibisi iyo dallaalka waayaha kakan qaba iyo kaariga baabuurta kireeya ayaa ka kafaala qaatay?

Sir-doox: Kuma fahmin! Wadaadadu inta aan ogahay ma tuugsadaan!

Wadaad: Kuma odhan waa ay baryootamaan balse badan koodu waa barayaal diimeed oo xarumo ciyaalka quraanka lagu qaybsiiyo ayay furtaan, kadibna baahidooda waxa ay u bandhigaan dadka ubadka u keena ee jecel in ay caruurtooda quraanka ku ababiyaan. Yeelkadeede haday masaariifta uun ka qaadi lahayeen waxba ma ay ahaateene waxa ay ka sameeyaan maaliyad ballaadhan oo qaarkood gaadiid, ganacsiyo iyo guryo ayay ka samaystaan. Midkasta oo dugsi diimeed kabaxa iyo mid wal oo masjid kutub ku marsadaa ba isaga oo aan wax badan ba fahamsanayn ayuu u faydanayaa sidii uu dugsi quraan yar oo uu nolol maalmeedda ka helo u furan lahaa.

Malaha masaladaa oo keliya ayaan ku dheeraadaye aan weli isla iyada uun hoos ugu yara gonda dego.

Sir-dooxoow  maxaad kala socotaa Habka wax barineed ee Wadaad?

Sir-doox: Wax iiga sheeg iyana.

Wadaad: Nidamka wax barrida iyo barbaarinta ubadku ma aha mid fudud oo cid waliba fulin karto. Wadaad da’ yar, aqoon yar oo welibana waayo aragnimo ka aradan intee in le’eg oo qaladaad ah ayaa uu kala kulmi karaa ilmaha loo gacan geliyaa?

Sir-doox: Qof aan aqoon u lahay hanaanka baridda iyo barbaarinta, caruurta loo geeyaa waa kuwo la ambiyay. Keliya waxa ay baranayaan waa axmaqnimo iyo doqonimo isku dahaadhan.

Wadaad: Dugsi quraanada dadka haystaa iyaga oo aan awalba tacliin fiican iyo tababar buuxa midna haysan ayay weliba tii masaariif ku raadintuna ugu biirtay. Halkaana waxa ka dhashay dhaqamada nacasnimada ah ee caruurta lagula kaco.

Qol yar aan kabadnay 4m x 4m ayaa ciyaal boqol ku dhaw sida adhiga lagu amuugaa, … hadalkii isagoo sii wata ayuu Sir-doox oo murugo ku dhaashtay hadalkii boobay,

“Taasi wax barid ma aha e caafimaadkooda ayaaba halis la gelinayaaye.”

Wadaad: Ciyaal kii qolka ku cabudhsanaa iyo isagii ayaa isla xuurtoobaya oo marba mid ayuu fiilo koronteed xasaw leh feedhaha kaga jiidayaa, maxaa yeelay bajinta, laynta iyo buquujinta ayuu miciinsanayaa si ay sawaxanka uga yareeyaan.!

Sir-doox: Karbaashku diinta halkuu ka soo galaa, illeen malcaamad kasta oo aad ag marto ciyaal ayaa ka dhex cabaadayee?

Wadaad: Jidh dilka maqaareed iyo bahdilka maskaxeed ee wadaadadu ka caan bexeen meel ay kala yimaaddeen la garanmaayo.

Nebigeennii suubbanaa nnk Carruur badan ayaa uu barbaariyay, garaacid iskaba daa oo weligii ilme ma uu guhaamin, ma uu canaan, ma uu ciqaabin, mana uu cabbudhin.

Anas kii ina maalig ayaa laga soo tebiyay in uu yidhi “ Nebiga ayaan wehelkiisa ahaa oo u adeegi jiray muddo 10 gu’ ah, weligii wax aan sameeyay (gef) maxaad u samaysay ima odhan, wax i seegayna maxay kuu seegeen ima odhan”

Wadaadkii oo si u daallan ayaa hadalkii sii watay oo yidhi “ dhaalliilo badan oo aan jeclaa in aan wax kaaga sheego ayaa jira oo ay ka mid yihin;

  • Xifaaltanka gaamuray ee wadaadada dhexdooda ku xididaystay.
  • Aqoonta, dhaqanka iyo suugaanta dadka soomaaliyeed oo ay barashadooda dayriyeen, tiiyoo aad arkayso wadaad diiwaanno gabayada carbeed ka mid ah xafidsan se aan hal gabay oo soomaali ah xifdisanay. Qaarkood marka ay wax waaninayaan afsoomali iyo afcarabi midna kuma hadlaan oo wax jacbur carabi la soomaliyeey aan ku tilmaami karo ayay la shiryimaadaan.
  • Wakhtiga sheekada iyo meherado faddhiisaga lagu bixiyo oo si xun xun loo caadaystay, fadhi ku diriryo dadban oo kuwii qaad ruugta ka yara duwana lagu gorfeeyo iyo kuwo kale, balse u bixi maayo kuwaase adigaa iskaa u baadhidoona.

Sir-doox: Mahadi ha kuu sugnaato oo samuhu kuma seego wadaadkayga baxsanaayoow beryo kale Rabbi ha ina kulansiiyo.

Waraysigiina halkaas ayuu ku idlaaday.

Ilaah baa aqoon badan.

Khadar Faarax Siciid

Email:Dalmartogdheer@gmail.com

FC: Khadar faarax siciid

Burco, Somaliland