Wadahadalka Somalia Iyo Somaliland (WQ: Maxamed Da’uud)

Shanta Somali weyn, kama ay soo maaxan maanka Somalida. Waa hubaal! Waxaa curiyay Ernest Bevin Wasiiral Khaarajiga Boqortooyadii Ingiriiska (145-1951). Ingiriiska ayaa jabiyay Talyaanigii haystay Somalia 1945kii. Waxa markaas Ingiriiska hoos yimid badi dhulkii Somalidu degi jirtay. Wuxuu doonay inuu mideeyo Somali oo wada hoos timaadda boqortooyadiisa.. Waxaa Awoodda ‘Vito’ saaray Ruushka oo diiday danaysigaas Ingiriiska. Waxaa kale oo diiday Reer Somalia oo jeclaysanayay Talyaanigii inuu ku soo noqdo, sidii dhacday 1950kii. Sidoo kalana waxaa diiday Ogadenia oo jeclaystay Itoobia. Waxaa keliya oo oggolaa Reer Somaliland.

Doonistaas Somaliland ee Somali Weyn, waxaa sii xoojiyay markii la ogaaday 1954kii in si qarsoodi ah uu Ingiriisku 1897kii Itoobiya ku siiyay dhulkoodii uu ula baxay Ingiriisku ‘Reserved Area’. Taas oo sababtay, xoog biirsi, inay Reer Somaliland isku tuuraan Somalia, indho liíii dhego liìii, oo ay la midoobaan bilaa shardi. Halka Reer Somalia aanay uba jeedin midnimo oo ay gudahooda isku haysteen. Siyaad Barre oo ababiyay Farmaajaha jooga ayaa saxeexay inay Dawladdii Somalidu ka tanaasisho NFD ta Kenya iyo Ogadenia ta Itoobia. Waxii ka dhacay Somalia iyo waxa joogana waa la wada og yahay.

Nimankaas hagaya Somalia ee Talyaanigu rabbeeyay waxaan kaga gamàaa:

“In kastoo dur-dur iyo uu dabbaal galo, doofaar abidkii ma daahiro”.