09-09-2019, subaxnimo horre oo Isniin ah ayaa deegaanka Cali Jaamac, oo 35km koonfur galbeed ka xigga magaalada Gaashaamo, waxa carruur yaryar ku soo weerarray nooc ka mid ah haadda, kaas oo dadkii goobjooggayaasha ahaa ay ku sheeggeen in uu ahaa Baqaye. Carruurta yaryar ee Baqayuhu soo weerarray, ayaa isla markiiba mid ka mid ah uu cunnay Baqayihii, isaga oo ilbidhiqsigiiba inta uu dhuunta kala gooyay, dhabannadana ka cunnay indhahana kala soo baxay!
Dhacdadaas la yaabka leh inta aynaan gelin, bal horta aynnu ka warranno Baqayuhu waa haad caynkee ah, itaal ahaanna waa sidee iyo midab ahaanba. Inta aan ka aqaanno Baqayuhu maaha haadda kuwa sidaas u sii xoogga badan leh, laakiin waa shinbir masaa’iib ah. Midabka uu doonaba ha lahaado e, Baqayuhu kurka horre waa cadyahay mar walba, af qoolaaban, oo halis badanna waa uu leeyahay.
Milay aan ku qiyaasaayo 2005-tii meelahaas, aniga oo joogga waqooyiga Hargaysa, gaar ahaanna buurta loo yaqaanno Kiish-Waraabe, oo dawga cad ee Qoryaale ka hoosaysa, ayaa maalin maalmaha ka mid ah daanyeer kayntaas iska qadhaabsannaaya uu Baqaye soo weerarray. Waxa yaab lahayd, ana aan indhahayga ku daawannaayay, in dhammaanba daanyeerkii uu dhalaha hoosta marsaday. Wax uu ku weehdaba, ugu danbayntii dhal yar ayuu kala boodday Baqayihii Daanyeerkii.
Hawada sare inta uu la galo, ayuu kolba soo daynnaayay; mase rabo in uu dhulka kaga soo dhaco e, hadba dhexda ayuu haddana ka qabsannaayay: Daanyeerka oo marka uu soo tuuro dhashaba hoos yaacaayay awagii!! Geedka Baahiyaalaha la yidhaahdo, iyo sogsogta oo buurta ku badan ayuu hadba daanyeerkii dhashii u fuullaa, gabiib dhan ayaannu daawanayna waxa meesha ka dhacaayay, ugu danbayntii se, dhashii yarayd dhulka ayay kaga soo dhacday Baqayihii, mase hubo in ay noolayd iyo in ay dhimatay.
Dhacdo kale oo bahalkaas aan anigu uga soo jooggay, deegaanka Geed-deeble la yidhaahdo annaka oo naalla, ayuu orgi roon oo aad u shishlaa bahalkaasi naga cunnay. Waxan xusuustaa in xoolaha, sakaarada, bakaylaha iyo wixii uu dilaayo ee aan xamaarato ahayn, uu labada baal judhaba indhaha kala dhaco; waxa kale oo aan xusuustaa in orgigaa uu naga cunnay, kolkiiba isaga oo aan wax kalaba ku samayn, labada indhood kala baxay, halkaas garabka iyo luquntu iska galaanna ka fadhay.
Haddaba, intaasi waa iga ogaysiin iyo bahalkaasi intaan uga soo jooggaye, aan u soo daadago maqaalkeennan iyo wixii aan rabo in aan idinkula wadaaggo. 09-09-2019 markii ay dhacdadani Cali Jaamac ka dhacday, laba cisho ka dib ayay bulshada inta badan reer magaalka ahi ogaatay. Dhalinyarta baraha bulshada ku xidhiidhaa hawgu door roonaato e, hal mar ayuu warkani gees ka gees dhulka soomaalida intiisa badan ku fidhay.
Waligeedba ayaa kolka ay dhacdo dhacdo lagu kala aragti duwanaan jiraye, waxa isla maalmahaasba xooggaystay warkan Baqayaha. Xamaasadda iyo xiisaha baraha bulshadu ku xidhiidho uu arrinkani ku yeeshay, ayaa saamaxday in qofba uu aragti ku cabirro yaabka. Kaaga darane, intaasi uunni maaha waxa sheekada cirka ku shareerraye, waxa sii socday weerarkii uu Baqayuhu dadka deegaannadaas qaarkood ku halgaadaayay. Buunbuuninta oo soomaalida dhexdeeda ku badan, ayaa markiiba sheekadii Baqayaha la huwiyay. “Ana xaluu i sigay, saaka ayuu dheg i xalluufay, halkan ayaa lagu sheeggay, waxbaa kayntan duullaayay….” wararkaas ayaa laysla dhex qaaday.
Halkaas kolka ay sheeko marayso, ayaa rag dhalinyaro ahi isku dacaayadeeyeen bahalkii. “Xirsi Cismaan oo keliyaata ayuu Baqayuhu cunnayaa” ayaa si kaftan ah loo faafiyay. Sheekada oo caynkaas ah, aniga laftaydanina aan xusuustay gabay nin Sheekhaash ahi uu beri qolo Ciidagale ah ku habaarraayay, gabaygaas oo meerisyadiisa ay ka mid yihiin:
Gorgorkay sidiisii lashaa, oonad garannaynne
Awliyo guhaad culus la timid, gaadhka kaa qabatay
Goor iyo alayl bahal giblani, guray dhallaankiinna..
Gabaygan oo abwaankii lahaa uu ku habaarraayay qoladaas Ciidagale, ayaan xusuus ku galay, kolkaas ayaan is idhi ‘Aar malaha qolada Xirsi Cismaan godob aan la ogayn ayay galeen?!!’ Niyaddana ku qabtay sheekadaas, haddana dadka lamaan wadaaggin. Waxa se sheeko taas ka duwan xusuustay nin lagu nagacaabo Axmed-Nuur Guruuje. Axmed-Nuur waxa cajiib ahayd xagga uu ka fikirray. Alaylahee, malaha culimadii iyo awliyadii ayaan waayadan la siyaarannoo, bahalkuba xaggaas ayuu idinkala haystaa ayuu is yidhi. Hadal kaftan ah, dulucdiisuna sidaas ahayd ayuu bulshada la wadaaggay Axmed.
Xaajo kolka ay halkaas taagantahay, ayaa dharaartii danbi shinbir lagu dilay deegaanka Xalxalis. Kaftan iyo xifaalo hor leh ayaa mar labaad hawada isku shareerray. ‘aar nimankii dhammaa ee Xirsi Cismaan, ma hadda ayay xuurihii samada xiimaayayna baqo awgeed laayeen, oo inta ay walibana iskugu habar wacdeen, ay warkana miidhiyaha ku soo laliyeen?!’ bulshadii ayaa hadallo caynkaas ah is dhaafsatay. Waxaana sii laba jibbaarmay dacaayadihii baraha bulshada haystay.
Tiiyoo xaalku halkaas maraayo, ayuu ninka Axmed-Nuur Guruuje la yidhaahdaa sheekadaba u kala rarayoo, tix gabay ah ayuu mariyay!! Oo miyaa meeshaba tix laga filannaayay?!! Warku hawraar iyo kaftan ha jooggo e, mar haddii uu haasaawe-maaseed galo, saw xaaladdu xikmad iyo xikaayo u guuri mayso. Bagga e, saw ninna kaftanka laga bursan maayo, ninna dabuubta maansada libta ku badsan maayo. Waa gad lagu yaqaannaye, Axmed rag kale oo hal-abuur ah ayaa si toos ah iyo si dadbanba ugu jawaabbi doonna. Malahayga e qaar ka xusuusatay, amba adiguba ka mid ahaydde, Axmed-Nuur waxa uu tiriyay tix qurux badan, kaftanna abuurtay, maalmo koobanna mawjadihii siyaasadda lagaga nastay.
Haddaba, inta aanan tixda idinku jalbeebin, waa kuma Axmed-Nuur, kaftanba ha ahaato e, aragti ahaanna sidee ayuu u dhiggay sheekadii Baqayaha. Aan kaaga warramo e, Axmed hayb ahaan waa nin Habaryoonis ah, kana sii ah Isaxaaq. Dun ahaan uma aqaanno e, se dul ahaan waa nin u kaftan badan. Axmed waa garyaqaan muddo badan ka soo shaqaynnaayay arrimaha garsoorka, waana nin bulshaawi ah, oo asxaab badanni kaftankiisa iyo hawaallo-warran kiisaba ay ku xidhantahay. Gabaygii koowaad, ee silsiladdan Baqayaha ama Gorgorku ay ka bilaabantayna, waxa mariyay Axmed-Nuur.
Inkaste oo Axmed-Nuur marinnaayo gabay aad mooddo in marka horre uu Habaryoonis gaar ahaanna Xirsi Cismaan ku maaggaayo, oo uu leeyahay ‘waar ma raggii Ingiriis dhuunta caddeeyay, ee giib dilay, ee gumaystihii ciillay, ayaa maanta inta ay Xuur dileen walibana mashiriq iyo maqrib xaajadaas kaga faannaaya’ Haddana, Axmed gabayga dhan kale ayuu u barbarinnayaayoo, xagga ugu danbaysa kolka uu maraayo, ayuu xuurtii la dilayba ka dhiggayaa basaasad uu Ruushku soo dirtay, dabadeedna nimankaas Xirsi cismaan ay ummadda ka qabteen.
Malahayga wuxuu xusuustay gabaygii Xasan Tarrabi lahaa:
“Cadawgaannu kaga dayrannahay, curubta reer Sheekhe”
U maleeyay in uu meeriskaasi hubuq ku soo yidhiye, kol kaliya ayuu sheekadiiba xagga kale inta uu u geddiyo, lib iyo liibaan aan Habaryoonis mooyaanne cid kale fasheen uu ka dhiggay. Xad iyo xudduud aannu cir, dhul, bad, iyo berriba gaadhka ka haynno, in cadaw iska daaya aanay Xuuri soo geli karin idan la’aan ogaada, ayuu ku bantookhayaa. Ruush, Maraykan iyo Xabashi wadar ahaantoodba inta uu caawa warku gaadho, saw midba tacliinta uu ka barto cibradaas aashii ula toosi maayo, ayuu leehay. Halkaas kolka uu maraayo, ayuu xusuusanayaa qoladii Habarxabuush, oo ay iskugu ood xiggaan. Kaftanka inta uu xaggooda u soo giraangiriyo, ayuu leeyahay ‘qoladaas walaalahayo ahi iminka bahashaas soomay dili kareen’!! Waxba yaan hadalka calaalinne, aan tixda ka wada boganno waa tane:
Ingiriiska nimankii xarbiga, kala xishoon waayey
Nimankii xafiisyada daldalay, xulifaddii joogtay
Nimankii cashuurtii xumayd, laalay xadhiggeeda
Giib iyo raggii xawda jaray, janannadii xaaqmay
Ma hadday xanfalay soo dileen, samada xiimaysa
Ma xasuuq shimbirro laayaybaa, lagu xifaalooday
Gaashaamiyo miyaa faan xal-xallis, xagarka loo ootay
Xiiran iyo miyey soo galeen, xooggi laba Muuse
Gumbuur iyo miyey xaydanyiin, xiinka reer sugulle
Isaxaaq miyuu wada xuliyo, Ciidagale xiise
Ma gadhwaynta xeebaha jirtaa, badi kusoo xoontay
xog-ogaalka saw Ruushankii, caawa xigan maayo
Saw maraykan xeeshaa farshaxan, xadi aqoon maayo ,
Xabashiduna saw yaabistaa, ku xadfanaanmayso
Xuduuduhuba way xidhan yihiin, tan iyo xaafuunne
Xuur danbaan arlada soo galayn, Maxamed Xiisoowe
Malaa Habarxabuush baan shimibirro, ku xaragooteenne
Saw xaqiiqo habaryoonis haad, waran kumay xaabin!!
Guruuje
Sheekadu kolka ay halkaas marayso, ayuu saacado gudahood ku soo galayaa nin la yidhaahdo Cabdisamad maxamuud ismaaciil oo ku magacdheer (Saahid) C/Samad waxa uu judhaba dibaaqayaa Guruuje, isaga oo maansadiisiina ka helay sallaan uu ka fuuli karo, kaas oo u noqday kolka uu leeyahay:
“Malaa Habarxabuush baan shimibirro, ku xarragooteenne”
Kolkaas ayuu C/Samed leeyahay ‘waar nimankiinnaas Habaryoonis weligiinba faan aan jirin ayaad ku bantookhdaanne, haddii reer Sheekh Isaxaaq guud ahaantoodba ay cid la diriraan, amaba iyaga dhexdoodu is qabtaan, walee ninka ay Habarxabuush kulmaan ayuunbaa culayska dagaalka, iyo holaca baaruuddooda dareemi kara’ ayuu leeyahay, isaga oo C/samed na qoladii Habarxabuusheed dhankooda taash ugu xidhaaya; wuxuu yidhi:
Xaraf baan sidii aad u tidhi, xiin yar kaa odhanne
Xeradiisa faan waa horaad, qayd ku xidhateenne
Xumbadiyo libaaxyayntu waa, xarakadiinniiye
Xaqiiqada se reer shiikh hadduu, xoladku qiiqaabo
Oo ay xasaraduu dhacaan, xiito dirirteeda
Ninkay baha xabuusheed kulmaan, xaalku ku adkaaye….
Kaftan xeeladaysan, oo haddana xikmadaysan inta uu jilweeyo C/Samed, ayuu sheekadii Baqayaha iyo warkii meesha yaallayba ilduufayaa, halkaasna uu ka sii daba jabacsanayaa Guruuje iyo qoladii habaryoonis, isaga oo aan ilaa dhaammaadka ammaanta ba xabuushana u kala nasanaynnin!!
C/Samed hayb ahaan waa Habarjeclo oo reer Daahir ah. C/Samed waa hal-abuur tix curiye ah, waana aqoonyahan hadda ku nool magaalada Burco. Xifaalaha iyo kaftanka sheekada isaga oo xadhig adag ka garaacay, korna u sii qaaday xaradhaaminta haltabinta dhacdada waayadanba socotay, ayuu yidhi:
Xaajada warkeedii baxeed, haatan xaradhaamin
Ee aad xuskeedii arlada wada xajiimaysey
Eed xero gar duur iyo sanaag, xuur isugu geysey
Xoogooda nimankaad durtee, xaradhay ceebtooda
Xinjirtaa’ Ismaaciil isxaaq, xanafta aad yeeshay
Anigoon xisaab kaaga celin, xidhe na kuu daayey
Xaraf baan sidii aad u tidhi, xiin yar kaa odhanne
Xeradiisa faan waa horaad, qayd ku xidhateenne
Xumbadiyo libaaxyayntu waa, xarakadiinniiye
Xaqiiqadase reer shiikh hadduu, xoladku qiiqaabo
Oo ay xasaraduu dhacaan, xiito dirirteeda
Ninkay baha xabuusheed kulmaan, xaalku ku adkaaye
Rag xantiisa waa wada ogyee, xaadhe madax gaabe
Xabad iyo dil baan lagu cillayn, xaadir dirireede
Xeerkii rag way marin jireen, mana xaqiiraanne
Kun jeer bay wanaag kaa xukuman, kugu xariiqeenne
Oo ay guurti kugu xaadirsheen, gabay xariirtiiye
Haddaad ka xistidoo liid is tidhi, kuma xajiimoonne
Xasdigii qalbi kaa jiraad, xaydday buqulkiise
Xaf ka siisan tookhaagii aan, xoolo kugu joogin
Xantiyo subagse layskuma khaldee, uunku kala xiis
Cabdisamad maxamuud ismaaciil (saahid)
C/Samed-Saahid ninka la yidhaahdaa haddii uu halkaas ka fad kudiyay, waxa haddana meesha soo galay nin la yidhaahdo C/Xakiin Muuse Cali oo ku magac-dheer (Kurlibaax) C/Xakiin waxa uu ku soo halqabsanayaa ninkii sheekadaba bilaabay ee Guruuje. Gabayga horre ee Guruuje tiriyay ayay ka muuqatay in uu ku yar ciiraayo kolka horre qoladaas reer Xalxaliseed ee xuurta dilay, C/Xakiinna qoladaas reer Xalxaliseed ayuu difaacayaa, Guruujana waxa uu ku leeyahay:
“Waar ninyahaw adduunyadu sidii horre maaha. Haddiiba Alle kuu roonyahayeey iminka wax waliba waa is beddeleen. Nimankaas Xalxalis dega ee Xirsi Cismaanna, haddii aannay shinbirtaas dili lahayn, xaalku meel halisa ayuu gaadhi lahaa. Bad iyo beriba niman ku xeeran iyaga oo ah, xagga kalana ay Xabashi ku hor taaganyihiin, haddiiba ay haddana Shinbirro isku soo bahaystaan, dee nimankaas hawshoodu ma yara” ayuu C/Xakiin tixda ku leeyahay.
Si farshaxan leh, maad iyo qosolna aanu ka maqnayn, ayuu tixda si hoose kaftanka ugu dhiggayaa beelaha qaar. Ma sheeggin reerka e, se inta uu deegaan ahaan u carrabaabo, ayuu odhannayaa:
Xayawaanka duulaa ka daran, xoogga waarsada e
Haddii aan halkaa lagu xanibin, hororkan xiimaaya
Xaraf nimanka yaalluu guryaha, ugu xaroon laaye
Carruurtuu ka soo xaabsan laa, xaafadaha qaare”
Xifaalaha iyo heerkii kaftanka inta uu kor u qaaday, ayuu sheeggayaa in Xirsi Cismaan mudanyihiin in la bogaadiyo, sababta oo ah, bahashaas hawada duulaysa haddii aan Alle iyaga u bixin, in aannay reer Sheekh Isaxaaq in badan oo ka mid ahi uba itaal hesheen iska dhicinteeda ayuu carrabka ku dhufanayaa. Waxa kale oo uu sheeggayaa in waayadan xataa shinbirihii is xulafaysteen, oo dacaayaddii beelaha ee Jeegaanta oo kale, sidoodii ay xeer jajab samaysteen. Waa yaabbe, ku yeh; Xuur iyo Gallaydhkii waxa ay noqdeen sidii laba xigto ah. Laayaankii halakada badnaa ee Gorgorna, waxa uu gacanta haystaa miskiintii Xuunsho la odhan jiray!! Sidaas ayay waliba xidhiidh dhawna ku yeeshaan Tukihii, kolkaas shinbirihii wanaagsanaan jiray haddii ay sidaas u dugaaggoobaan, waa gar iyo daw in buntukha loo cabbaysto ayuu leeyahay.
Cabdixakiim Muuse Cali oo ah ninkan aynnu ka warramaynaa, waxa uu muddo ku dhaw 20 Sano Bare iyo maamuleba ka soo ahaa dugsiyada Somaliland, gaar ahaanna kuwa Burco iyo Hargeysa. Ustaad C/Xakiin hadda waxa uu jooggaa dalka Turkiga, halkaas ayaanu tixdan ka soo giraangiriyay. Hayb ahaanna waa nin Habaryoonis ah, oo Xirsi Cismaan ah, waana sababta keentay in xaladda xifaalaha iyo murtida uu kor u sii qaado, uguna halgaadtamo ninkii Guruuje, oo inta uu u jilib dhiggo walibana uu gaashaanka ugu daruurro. Waxba yaan ku sii dheeraannine, C/Xakiin Waxu yidhi:
Gurruujow xal baad raadisaa, xaakim baa tahay
Nimankaa xaguugiyo fadhiya, Xagarka ooddiisa
Kuwa xeebta joogiyo kuwaa, herer xadraynaaya
Cadawgay ku xeernaan jireen, tan xaataaye
Xarbigiyo dagaalkaad ogayd, Xabashi soo dhaafye
Maantana shinbiro xiimayaa, xeeb ka soo kacaye
Xuurtaad arkaysee la dilay, waa xisaab kale e
Xayawaanka duulaa ka daran, xoogga waarsada e
Haddii aan halkaa lagu xannibin, hororkan xiimaaya
Xaraf nimanka yaalluu guryaha, ugu xaroon laaye
Caruurtuu ka soo xaabsan laa, xaafadaha qaare
Xadka uu ka soo galay raggaa, xidhay ha eedaynin
Balse haddaan xaqiiq ugu kaftamo, xarafka suugaanta
Shinbirihii xasarad bay barteen, xin iyo duullaane
Xeerbay samaysteen sidii, xulufo jeegaane
Xuurtiyo galaydhkaad tiqiin, waa xigtoo kale e
Gorgorkiina xuunshuu wataa, iyo xadaafiire
Xannaan bay wadaagaan tukaha, xeelad iyo baaqe
Shinbirkii xariir ahi hadduu, xin u dugaagoobo
Xaramkaaba qaar lagu dilaa, waa xadiisiya e
Hadday xuurtu noocaas ahayd, ubadna xaw goysay
In la dilo xal baa loo arkee, yaa na xamanaayay??.
C/Kariin Kur Libaax
Maxaa dhici doonna?!
La soco qaybaha soo socda.
W/Q: Cabdikariin-Xikmaawi