Markii uu Burhaan Bey maqlay in uu Khadiif Ismaaciil bixiyey Berbera oo uu gacanta uuga galin doono marsada yar ee Buloxaarna aad buu uuga damqay arinkaasi, waxaanu si toosa uu la saftey Faransiis, isogoo Burhaan Bey ku doodaya In uu Faransiis Ingiriiska xaq uuga leeyahay Zaylac iyo Berbera oo Faransiis la siiyo.
Burhaan Bey, arinkaa si uu uuga dhabeeyo waxa uu qaadey talaabo horleh isagoo garab weyn ka helaya wakiilkii Faransiisku u fhadiyey Zaylac. Wakiil kaa Zaylac u fadhiyey Faransiiska iyagoo isgarabsanaaya waxa aay heshiisyo la saxeexdeen dadka qaar ka mida Beelihii dagaanka ahaa ee xeebta deganaa.
Beelihii heshiiskaas uu gadhwadeenka ka ahaa Burhaan Bey, Faransiiska la saxeexdayna waxaa ka mid ahaa Beesha reer xareed ee Jibriil Abokor odayaal kamida oo uu hogaaminaya Chief Caaqil Sharmaarke amebase ku canna oo loo yaqaano (Xagaadheere). Waxaa kale oo ka mida Beesha Reer Geedi-Shirdoon oo ka mida (Baho-Gadabuursi), waxaana sido kale heshiiska Faransiiska lala galay ka mid ahaa Jilibo ka soo Jeeday Beesha Gadabuursiga iyo kuwa Ciisaha ee Waqooyiga dega.
Markii uu Ingiriis ka war helay beelihii heshiiska la galey isaga 1884-1886 in aay jufooyin ka midi hadana heshiis kale oo kan la mida aay la galeen Faransiis oo uu gadhwadeen ka yahay heshiiskan Burhaan Bey waxa uu Ingiriis weerar qaawan oo geedna loogu soo gaan ku qaadey beelihii heshiiskaasi la galey Farasiiska. Beesha ugu daran ee uu weerar-ka cududa melateri uu Ingiriis ku qaaday waxa aay ahaayd Beesha reer Xareed oo uu ku weeraray dooxada biji iyo buurta wadno gaw ee markuu mari kari waayeen ciidamadiisii uu Captain Mercer Hunter uu u bixiya labadaasi buurood (Fucking iyo Bastard). Xagaadhhere iyo Ingiriis cadow daahii goโay baay noqdeen oo xagaadheere waxa uu god galay iyagoo Ingiriiska maryo dhiig leh kala furtey oo aaney marnaba heshiis la haayn..
La Soco Qormooyinka Dambe
Diyaarintii
Khadar Jaambiir Egeh