Waddamada Adduunka Ugu Khatarta Badnaa Sannadkii 2019 (WQ: Khalid Mahad Osman “Curaagte”)

Sannad walba Mac’hadka Nabadda  iyo Dhaqaalaha adduunku wuxuu soo saara warbixin diiradda lagu saarayo heerka halisnimo (GPI) ee 163 waddan oo lagu tilmaamo in 99% dadka adduunka ku nooli ku dhaqan yihiin.

Sidoo kale sanadihii la soo dhaafay ilaa hadda wax isbadal wayn ah oo xaga darajadda khatarnimada la xidhiidhaa ma uusan dhicin, tusaale waddaamadii saddexdii sanno ee u dambeeyay ugu khatar-sanaa ayuun baa hoggaanka sidii u haya .Hadaba , marka la darsayo heerka khatarnimmadan halbeegyada lagu cabiro ama dhinacyada laga qiyaaso waxa sal u ah dhannanka khatarta siyaasaddeed,khilaafyada  gudaha ee keeni kara dhimasho iyo heerka dilalka ka dhaca waddamadan.

Sidoo kale dhinacyo gaar ah ayaa loo eegaa  si gooniya iyadoo la arkay sababta darajodan soo galisan waddamadan , waana saddexdan dhinac;

1. Amaanka Waddanka iyo Xasiloonidiisa

2. Khilaafyada iyo kacdoonyada ka dhex alloosan dal.

3. Iyo Ciidamaynta oo ah heegan gelinta  ciidamadan ee waddan heegan galiyo ciidamadiisa si ay u waajahaan cadaw gudeed.

Si kastaba ha ahaatee , waxaa sannadihii inasoo dhaafay ee 2017kii ilaa 2019 kii  laysla qaatay inay 10 waddan ee adduunka ugu khatarta badan ama ugu halisaysan xaga amniga iyo xasiloonidu yihiin kuwan hoos ku taxan ,waxaanay u kala sareeyaan siday liiska ugu kala horeeyaan .Taas macnaheedu waa ka lambarka koobaad ku xusan ayaa ugu khatarsan ,kuwa kale ee ku sii xigaana saas ayay ugu sii xigaan tiiyoo lagu salaynayo midkastaba lambarka uu liiskan kaga jiro.

1. Syria

2.Afghanistan

3.South Sudan

4.Iraq

5.Somalia

6.Yemen

7.Libya

8.Democratic Republic of Congo

9.Central African Republic

10.Russia

Ugu daambayntii waddamadani waa kuwa ugu nabadda yar leh adduunka , taasoo keenaysa in gabi ahaanba ay meesha ka baxdo xaaladda caadi-ahaansha ee nolosha dadka ku dhaqan iyo kuwa u socdaalaba.

WQ: Khalid Mahad Osman “Curaagte”