Shirka ay bishiiba hal mar wada yeeshaan hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee wada shaqaynta la leh wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ayaa maanta ku qabsoomay xarunta horumarinta manaahijta ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ayaa lagaga hadlay qodobo muhiim ah oo wax lagaga qabanayo waxbarashada jamhuuriyadda Somaliland.
Shirkan oo uu guddoominayey agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Md.Axmed Abokor Maxamed ayaa lagaga dooday qodobo ay ka mid ahaayeen; Siyaasadda xarumaha barbaarinta caruurta (KG), Sanduuqa horumarinta waxbarashada Jamhuuriyadda Somaliland oo hindisihiisa iyo qaab dhismeedka uu yeelan doono oo lagu soo bandhigay shirku intii uu socday.
Fakarka Sanduuqa horumarinta waxbarashada Somaliland oo uu leeyahay wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Md.Axmed Maxamed Diiriye ayaa sida qorshuhu yahay, waxa sanduuqan la iskugu keeni doonaa dhammaan lacagaha ka kala yimaadaa daneeyayaasha waxbarashada sida; hay’adaha caalamiga ah, UN-ka, ganacsatada Somaliland iyo miisaaniyada waxbarashada qaranka.
Qorshaha sanduuqan lagu abuurayo oo aan weli la soo gebogabaynin ayaa loo samayn doonaa kulamo iyo doodo kale oo lagu sii lafaguri doono.
Sidoo kale, qodobadii shirkaa lagaga dooday waxa ka mid ahaa; nuxurka qorshayaashii ka soo baxay shirkii qorshe-sannadeedka ee 2020-ka, qaybta kaga wajahan hay’daha caalamiga ah iyo kuwa UN-kaba. shirkaas oo ay wasaaradda waxbarashadu todobaadkii hore ku qabatay hudheelka Kaah ee magaalada Hargaysa.
Dhanka kale, waxa shirkaa lagu soo bandhigay, guulihii laga gaadhay hawlaha mashaariicda waxbarasho ee ay ka wada shaqeeyaan hay’adaha caalamiga ah iyo wasaaradda waxbarashadu iyo waxyaabihii dib u dhac ku yimi hawlahaas.
Agaasimaha wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Md.Axmed Abokor Maxamed shirkaas oo xidhay ayaa kula dardaarmay ka soo qaybgalayaasha sidii halkaa looga sii anbaqaadi lahaa, hawlaha waxbarasho ee ay ka wada shaqeeyaan hay’adaha caalamiga ah iyo wasaaradda waxbarashadu.