Diyaarad nooca rakaabka qaada oo ku burburtay waddanka Afghanistan

Sida ay sheegeen saraakiil sare oo reer Afghanistan ah diyaarad nooca rakaabka qaada oo laga leeyahay waddanka Afghanistan ayaa ku burburtay gobolka bariga Ghazni ee dalkaasi.

“Diyaarad nooceedu yahay Boeing oo ay leedahay shirkadda Ariana Afghanistan Airline, ayaa ku burburtay aagga Sado Khel ee degmada Deh Yak ee gobolka Ghazni ” Arif Noori, afhayeenka xafiiska gobolka Ghazni , ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Faahfaahin ku saabsan khasaaraha lama soo sheegin

Xigasho: Aljazeera