Abwaanka wayn ee Maxamed Irahim Warsame ” Hadraawi ” ayaa tuducyadan hore ugu sifeeyey hirdanka hogaanka Somalida iyo ujeedada uu daaran yahay , waxaana uu yidhi Abwaanku:
waxa laysku dilayaa
in xumaa la doorshiyo
xil daryeeliddiisiyo
dad-u-hiilin maahee
geenyada dakaanka ah
anna aan dul-buuxshoo
dalaโsado kolkaygoo
daadka aan ku dhafee
iiga soo deg weeyaan.
Tuducyadani waxa ay si wanaagsan u sifaynayaan sida aynaan isbadel mug leh oo siyaasadeed iyo dariiq horumar aanu inoogu muuqan , sababtuna waxa ay tahay kuwa maanta dibada ka jooga taladu in ay kursiga doonayaan mooyaane ma muuqato wax ay kaga duwan yihiin kuw maanta fadhiya , kaaga darane dad cusubna maaha e waa kuwii shalay ka kacay kuraasta ee dadku soo barteen.
Haddaba marka aynu rabno in aynu helno xukuumad wanaagsan oo sharci iyo kaladambayn , barnaamij iyo wadashaqayn leh , fulinaysana balanqaadyadii ay dadka u sameeyeen waa in aynu seeska ka soo bilownaa oo isweydiinaa xukuumadan horta xagay ka timid ?
Xukuumad waliba waxa ay ka timaadaa xisbi intii dalku u guuray nidaamka ururada siyaasada iyo axsaabta badan , waxaana ay u eekaataa ama u shaqeysaa qaabkii uu xisbigaasi ahaa , hadii uu yahay mid dimuqaradiyadu biyo dhigtay oo afkaarta iyo aaraada la wareejiyo lagagana dhaqmo talo wadaag iyo waxii sax ah oo la isla qaato , waxaa aynu helaynaa xukuumad ku soo bislaatay xisbiga gudihiisa oo wadata qorshe shiilan.
Laakiin hadii axsaabteenu tahay tolaay yaa reer hebelaay iyo kaabado kursiga uun lagu fuulo oo dadka ku jiraa aanay wax badan isweydiin amaba ay yihiin dad kalifan oo reernimo ku diran ama dhaqaale ku diran ma helayno waxa aynu rabno ee wanaagsan , halka ay sartu ka qudhuntay ee waxa inaga xumi fadhiyo ee aynu garan laanahayna waa halkaasi .
Si haddaba aynu uga bad-baadno nidaamyada noocan ah waxa aynu u baahanahay in axsaabta qaranku noqdaan qaar dadku leeyihiin oo aan qolo iyo qof midna u afduubnayn dhaqaalena lagu afduubi karin , gudahoogana ay ka jirto doodo , iyo afkaaro la isweydaarsadaa si wax sax ahi uga soo baxaan , waxyaabaha lagu bineynayo ee umadu ku midoobaysaana ay yihiin aragtiyo iyo mabaadii qofwaliba dantiisa iyo ta dalku uga dhex muuqan karto.
Arimahani waxa ay ka mid yihiin ujeedooyinkii loo samaystay amaba dalku u qaatay nidaamka ururada iyo axsaabta badan , loogumana talo galin in xisbigu yeesho sumad qabiil iyo sansaan deegaan kali ahi danihiisa ku gaadho , waaba sida aynu maanta u habeysanahaye , qaabkani waxa uu macnihii iyo milgihii ka qaadayaa quruxdii iyo qiimihii uu lahaa hanaanka dimuqaradiga ah ee dalka u yaallaa , waxaanu uu dib inoogu celinayaa nidaam qabali iyo shir-beeleed aan waxba dhaamin.
Habka dimuqaradiga ah ee dalku qaatay waa mid loogu talogalay in uu muwaadin kasta oo han iyo himilo lehi ku soo bixi karo isaga oo qofku galaya xisbi ama urur si aragtidiisa iyo aqoonta uu xambaarsan yahay uu ugaga soo gudbo isaga oo aan abtirsiin iyo aduunyo midna lagu xidhayn , si loo helo hogaamiyaha ugu haboon ee dalkan iyo dadkan wadi kara , waana nidaam maamul iyo isdoorasho oo la isticmaalo aduunka ka ugu casrisan cahdigan aynu ku jirno.
Haddaba inta aynu seeska iska soo hagaajinayno oo aynu helayno axsaab siyaasadeed oo dhisan oo dadku ku midaysan aragtiyo iyo mabaadii , axsaab iyo ururo leh hiigsi fog iyo qorshe siyaasadeedyo waxa aynu ahaanaynaa sida aynu maanta nahay , waxaana inoo talinaya kaabe qabiilada , kuwa lacagta haysta iyo inta reernimada laabta ku garaacata , mana waayayaan in iska daba socota oo aan waxba ku diidin oo ay ku shaqeystaan , haseyeeshee waxa lumaya masiirkii iyo mustaqbalkii umadani halganada dhaadheer ugu soo jirtay boqol iyo dheeraadkii sanadood ee ugu dambeeyey.
Markaa waxa aynu u baahanahay in dib loogu noqdo dhismaha axsaabta siyaasadeed ee dalka ka jira si loo kobciyo dimuqaradiyada oo ay uga dhisnaadaan ilaa tuulo walba oo dalka ah , taladuna uga timaado hoosta ee aanay dusha uun kaga iman , maanta xisbiyadu waxa ay dalka ka jiraan inta ololeyaasha doorashada oo kaliya marka doorasho dhacdo hogaanka xisbiga iyo in kooban ayuun baa ka soo hadha xisbigii dhamaa , arimahani oo ay sababaan daadejin la’aan maamul iyo dhaqaale yaraani ayaa curyaamiyey xisbiyadii Somaliland ee shacabku rejada ka filayey.
Waxa kale oo iyaduna dhibaatooyin hor leh noqday shacbigana rejo la’aanta ku riday waa in axsaabta iyo hogaamiyeyaasha tartamayaa aanay lahayn qorsheyaal iyo mabaadii kala duwan oo lagu kala xusho isla markaana ay yihiin uun dad kursiga uun u ordaya , waana sababta ilaa maanta aan looga hayn hogaamiyeyaal curin iyo aragtiyo siyaasiya umada ula yimaada ee mid waliba marka uu kursiga tago ugu dul fikirayo waxii ay la noqotana ku kacayo.
Si haddaba aynu uga bad-baadno qaabka iyo hababka noocan ah waa in la helaa dad bisil oo garashadoodu ka sarayso wax kasta oo maanta noqday xayndaab lagu jilaabto sida qabiilka iyo dhaqaalaha oo u adkaysta in ay isbadel dhalin karaan ay u aayaan dadkooga dambe , mana aha wax adag ee waxa ay u baahan tahay uun adkaysi , is aamin iyo ku dhac , waxaana aan rajeynayaa in dhowaan Somaliland lagaga dhawaaqi doono ururo dhawr ah oo ka qayb gali doona tartanka doorashada 2022 insha Allah kuwaasi oo aan ka rajo qabno in ka duwanaan doonaan axsaabta siyaasada ee maanta jirta.
Waxa aan qoraalkayga ku soo gebo-gabaynayaa tuducyo dhiirigalin ah oo uu Alle ha u naxariisto e Abwaankii weynaa ee Cabdilaahi Suldaan Timacade lahaa , oo tilmaamaya in waxa wanaagsan ee aynu rabno tacab iyo hawl loo maro ;
Lama helo wadaadoow
Waxa aan cidi ku hawshoone
Naftaa loo hintaaqaa
Waxaad hiigso leedahaye !
waxa aanan leeyahay dadka reer Somaliland ha quusanina waxa aynu samaysan karnaa dawlada aduunka ugu wanaagsan ugu horumarsan ee iyada la hiigsado , taasina inaga ayuun bay inagu xidhan tahay waana aynu samaysan karnaa oo waa hubaal.
Muhamed Dhimbiil
Tell: +252634429221
Email: hormood@hotmail.com