Dilkii Soleimani iyo Eeraan Doorashadeeda (WQ: Axmed Cabdi Aadan)

Reer Burco marka uu laydhku tago waxa ay dhahaan: Oow. Marka uu soo noqdana waxa ay dhahaan: Oow. Kaalintaa ayaa ay dadka intiisa badan sebenkan ku jiraan. Dilkii Qassem Sulaymani inyar baa dadka wali baadi doon ugu jirta sababaha keenay! Dad badan baa ogaa saaxiibtinimada ka dhaxaysay Qassem iyo Maraykanka.

Fatima Ahmad Alsmad waa haweenay ku takhasustay Eeran, waxa ayna ka tirsan tahay xarun siyaasadda lagu rogrogo oo ay leedahay Aljazeera. Haddeer – dhawr saac ka hor – ayaa ay dabka kasoo qaaday aragti ay qabto oo ku aaday dilkii Sulaymani. Fatima hal mar baa ay shukaanta fikirkaaga leexinaysaa!

Fatima qoraalkeeda oo dheer, hoosna aan idinku dhaafi doono lifaaqiisa, waxa ay leedahay “dilka Sulaymani waxa aynnu ka eegnay uun caawaqib xumada u ku reebi karo Barri Dhexe iyo xidhiidhka ka dhexeeya Eeraan iyo Maraykanka balse, waxa aan la isba waydiin dilka jananku raadka uu ku yeelan doono Eeraan gudaheeda”.

Jananka waa aad ka war hayseen wuxuu hoggaan u ahaa Ciidamada Illaalada Kacaanka Eeraan oo marka Af Ingiriisi losoo gaabiyo la yidiaa IRGC. Ciidamadaa bilawgii Ayatullah Ruxallah wuu ka fogeeyey siyaasadda in ay soo galaan balse, Ayatullah Khomeine ayaa soo dhawaystay oo siyaasadda ka siiyey kalmad in ay ku yeeshaan.

Siyaasadda kuma ay koobnaan ee IRGC waxa ay gacanta ku dhigeen dhaqaalaha, Psychology-ga, Sociology-ga iyo siyaasadda waddankaba. Waagii Khatami uu xukunka hayayna muruqooda ayaa ay toos u kala fidiyeen. Maalin dhawaydna waxa dhacday Tehran in ay ku kalmaan Ayatullah, Bashar Al Asad iyo Soleimani taas oo sababtay in uu shaqada iskaga tago wasiirkii khaarajiga ee Eeran.

Haddaba bisha soo socota, waxa loo dareerayaa doorashadii baarlamaanka iyo tii aqalka sare ( aqalka sare shaqaddiisa waxa ka mid ah in ay soo xulaan Ayatulllah cusub) doorashadii madaxtinimada ayaa iyana loo balansan yahay 2021ka.

Hada waxa madaxweyne ah Ruxaani oo ah qunyar socod u janjeedha dhanka galbeedka. Heshiisyo door ah oo lagaga baxayo cunaqabatayda ayuu la galay Galbeedka, isaga oo hamigiisu ahaa galbeedku in ay ka taakuleeyaan damaciisa ku aadan in uu bedelo Ayatullaha hadda jooga oo wakhti xaadikan dhul yaal ah, cimrigiisuna gaadhay 80.

Soleimani dhankiisa waxa suuqa lasoo galiyey – intii aanu xijaaban – in uu noqon karo madaxweynaha dambe ee Eeran. Haddii aanu isagu qaadan madaxweyni-nimada, waxa iska cadayd in uu saamayn ku leeyahay maxsuulka doorashooyinka barlamaanka iyo ta madaxtinimada ee la filayo bisha soo socota iyo 2021 sida ay u kala horeeyaan

Abaabulka kala riixashada saddexda aqal ayaa wakhtigan Eeran cirka maraya, waxa isna aan hunguri ka dhammaan Ebrahim Raisi oo ahaa ninkii madaxtinimada lagaga adkaay 2017, laftiisu isha wuxuu ku hayaa kursiga Ayatullaha.

https://www.aljazeera.com/…/mystification-qassem-soleimani-…