War-celin Abwaaneed (WQ: Khadar Faarax Siciid)

 

Waxa aan waydiiyay, “Ma walaalkay ayaan sokaysiistaa, mise saaxiibkay?”

Waxa uu iigu jawaabay, “Sokaysiiso walaalkaa marka uu noqdo saxiibkaa, saaxiibkaana sokaysiiso marka uu noqdo walaalkaa” 

Waxa aan waydiiyay, “Ma xoolaha ayaa sedroon, mise aqoonta?”

Waxa uu iigu jawaabay, “Xoolahaaga tasoobidda ayaad ka jirtaa, aqoontaaduna tawsoobidda ayay kaa jirtaa.” 

Waxa aan waydiiyay, “waa kuma murtiiluhu?”

Waxa uu iigu jawaabay, “Murtiiluhu maaha ruuxa mar kasta kuu muxaadareeya, ama kuu maadeeya; murtiiluhu waa qofka aad yaalaaba kala kulanto waydiimaha maancariska ah, culays maskaxeedna ku saara si aad cilmi baadh u samayso.”

 Waxa aan waydiiyay, “Maxay ayaa aan ka digtoonaadaa?”

Waxa uu iigu jawaabay, “Hiifid agoomeed, hoorsi gacmeed iyo habaar waalid ka digtoonow.” 

Waxa aan waydiiyay, “Xidhiidhkayga Eebbe sidee u xoojiyaa?”

Waxa uu iigu jawaabay, “Salaaddaada silic ka dhawr, uurkaaga booli ka dhawr, xubinkaagana xaaraanta ka dhawr”. 

Waxa aan waydiiyay, “Horta xorriyad maxay ayaa aad u taqaan?”

Waxa uu iigu jawaabay, “Xorriyaddu maaha samaynta waxii aad doonto; xorriyaddu waa samaynta falalka suubban adiga oo ka ilays qaadanaya kaaha waxyiga, canaanta dadkana dhegba aan u dhigayn”. 

Waxa aan waydiiyay, “Abwaanoow, adyad iyo deelqaaf ba waa la ii la yimaaddaa, sidee uga falceliyaa?”

Waxa uu iigu jawaabay, “Qofka jidhaan dhagax ku ridaa waxa uu sugaa  sanqadha-dha  dhagaxu ku samayndoono sagxadda jidhaanta, sidaa oo kale qofka ku canjarafaynayaana waxa uu kaa sugayaa deelqaafcelin, haddaba afkaaga xidho oo ha u juuqin, si ay u ogaadaan in  baliyada qaarkood leeyihiin gun aroorsan oo aan saqadhcelin teedaba la maqli karin”. 

Waxa aan waydiiyay, “Cadawgayga sidee u jebiyaa?”

Waxa uu iigu jawaabay, “Nacabkaaga xasuuq kuma xaaqi kartid; burinta mabaadi’dooda ayuun baad ku leg’di kartaa”. 

Waxa aan waydiiyay, “Maxay ayaa aan isku baantaa?”

Waxa uu iigu jawaabay, “Rog-rogidda baalalka kutubta nafciga leh isku baano”. 

Waxa aan waydiiyay, “Mar-marka aan cidloodo dhankee ayaa aan u caymadaa?”

Waxa uu iigu jawaabay, “Wardigaaga wehesho, hadalka Eebbena si dhuuxid le ugu fiirfiirso ma cidloon doontide”.

 Waxa aan waydiiyay, “Dadka maxay ayaa aan la wadaagaa, maxay ayaanan se la wadaagin?”

Waxa uu iigu jawaabay, “Weji furnaantaada iyo wax ka mid ah maalkaaga dadka la wadaag, dhibatooyinkaaga in aan la wadaagto se ka dheerow”. 

Waxa aan waydiiyay, “Dadku hadalkayga waa ay dhibsadaan e, Maxay ku dhacday?!”

Waxa uu iigu jawaabay, “Erayadu waa lebbiska aynu ku marriinno afkaarteenna, sidaa darteed waxa qumman afkaarteenna in aynaan ugu lebbisin maryo lufad ah ­­­­­-afkaarta fiican ee lagu soo gudbiyay erayo tayaysan dadku ma tuuro!”

Waxa aan waydiiyay, “Saxiibbada qaar ayaa eray keli ah isku seega, dhibaatadaa sidee looga hortegi karaa?”

Waxa uu iigu jawaabay, “Hadalka xun ayaad u odhan kartaa si asluubaysan, mid suubbanna in aad si sillan o dhehdo iyana way suurawdaa, haddaba, fursad siman sii ka fekeridda hadalka aad odhanayso, iyo sida aad u odhanayso labadaba.” 

Halkaa ha inoo joogto maanta.

 

Khadar Faarax Siciid

Khadar.1324@gmail.com