War-saxaafadeedkii Wariye Muniin ee Sandule iyo dan-dalool (WQ: Drs. Hoodo Yuusuf)

Waxa aad ii soo jiidatay qaabka foosha xun ee Wariye Muniir loo xidhay iyo siraha dahsoon ee uu kashifay.

Wariye Muniir wuxuu nasiib u yeeshay in uu joogo waddan uu awooda xabsiga muwaadinka uu  amri karo Maayor magaalo, Guddoomiye Degmo, Guddoomiye Gobol, Agaasime Waaxeed, Wasiir  ama Wasiir-Ku-Xigeen. Wariye Muniir waxa kale oo uu nasiib u helay in uu joogo waddan Guddoomiye Xisbi bedeli karo Suldaan Guud, Marwooyin maamulaan Madaxtooyadda, Hablaha & Wiilasha  si dhibyar  diinta looga beddeli karo.

Wariye Muniir wuxuu nasiib u yeeshay in lagu qasbo in uu Xisbi taageero haddii kale xabsiga loo taxaabo. Wariye Muniir wuxuu iftiimiyay shaxda xisbigga Kulmiye ee doorashooyinka March, 2017, oo ku sargo’an qaab qabiil iyo qoqob. Wuxuu tilmaamay in Beesha Bariga Burco ay “Sandule iyo Sandalool” ku tahay taageeradda  Kulmiye, Beelaha Sool iyo Sanaag yihiin “ Maqane  bilaa Miisaan ah “, Beelaha koonfur Hargeysa iyo Galbeedka Burco yihiin “Col aan codkooda loo Baahnayn“. Subeer iyo Samaroon muu  shaacin   laakinse waxa la filayaa in ay qayb ka yihiin “Sandule Sandalool”.

Waa siyaasad guracan oo salal-madow.  Guddoomiye Muuse Biixi wuxuu Somaliland  ku celinyaa casri madow  “dark ages” waxaanu kaftan ku xidhayaa  dimuqraadiyadii uu Madaxwayne Riyaale dhidibka u taagay. Balse bulshada Somaliland ka yeelimayso, filinamaayo in uu cod ka helaayo bahwaynta “ Sandule iyo sandalool”

 

Drs Hoodo Yusuf, London, Uk.

yhoodo@yahoo.com.