Booliska magaalada Munich ee dalka Jarmalka ayaa sheegaya in nin dabley ahi toogasho ku dilay sagaal qof oo uu ku sugnaa meel lagu dukaameysto.
Ninkan weerarka gaystay ayaa waxa uu ahaa 18 jir u dhashay dalka Eeraan oo muddo dheer ku noolaa magaaladaasi.
Boolisku waxa ay intaasi ku darayaan in ninkani uu kaligii ahaa isla markaana horeyna aysan uga shakisanayn.
Ninkan ayaa u muuqda in uu is dilay, inkastoo boolisku ay sheegayaan in ay suurtagal tahay in ay toogteen ciidankii halkaa u soo gurmaday.
Dhimashada ka sokow, waxaa weerarkaasi ku dhaawacmay 16 qof, oo saddex ka mid ah ay xaaladdooda liidato.
Mar sii horreysay ayay masโuuliyiinta dalkaasi sheegeen in ay suurtagal tahay in ilaa saddex nin oo hubeysan ay ku lug lahaayeen weerarkaasi.
Weerarkan ayaa imanaya kadib markii todobaadkii hore uu wiil dhawr iyo toban jir ah oo toorey ku hubeysani uu weeraray dad rakaab ah oo saaran tareen.