Waxaanu ku caweynayn aniga iyo saaxiibkay Maxamed Aadam, Hudheel ku yaalla badhtamaha caasimada Hargeysa, oo lagu magacaabo Kulmiye , hudheekani wuxuu caan ku yahay dhalinyarada ayaa inta badan habeenkii hor fadhiista, anigiyo saaxiibkayna waxaanu ka mid ahayn dadkii goortaas ku sugnaa, shaah aanu dalbanay ayaanu cabaynay , dad dhalinyaro u badan baana fadhiyey, waxaaa dhagahayagu ay maqlayaan oo kaliya buuqa dadka iyo sawaxanka gaawaadhida, inkastoo dhallinyaradu koox koox u fadhiyeen oo midba midka kale sheekaysanayey haddana suurto gal may ahayn in qofku ogaaddo waxaa hareerihiisa ka socda.
Si lama filaan ah waxa noo soo garab istaagay wiil yar indhihiisa ilmo ka soo dareerayso, waa 9 sanno jir, diif iyo daranyo badani ka muuqato afkiisana luunku ku wareegsan yahay, Intaan naxay, ayaan waydiiyey sababta uu u ooyayo iyo cid dishay, wuxuu noogu jawaabay:
โCidna imay dilan laakiin waxaan la ooyayaa gaajo, calooshana I xanuuntay markaan waayey wax aan cuno.โ
Anigiyo saaxiibkay ayaa kursidii aanu ku fadhinay kor uga soo boodnay shaahii aanu cabaynayna dhulka iska dhignay, wiilkan yar oo lagu magacaabo Khadar ayaa sidoo kale baala daymoonayey markii intuu noo sheegay, iyadoo aad moodo in cid kale oo uu la socoy sii jaleecayo, isla markiiba waxaan suโaalay in cid kale la socotay iyo in kale, wuxuuna noogu fal celiyey, haa, haa, haa walaalkay oo gaajaysan baa isna halkaa ku dhuumanaya, waanu ka xishoonayaa in uu dadka hortooda imaado,
u yeedh baanu nidhi, isla markiiba wuu noogu yeedhay, waase mid aan waxba ka weynaynba, isna waxa lagu magacaaba Cabdiqaadir. Cabdiqaadir waa 10 sanno jir, oo isna sidii Khadar yare oo kale casho uu cuno raadinaya, hadal kaleba umaanu geline hudheelkii ayaan fadhiisinay waxaan uga dalbay laba casho wiilashii yar yaraa, waar carruur gaajaysan iyo caadkeede, halkiibay ku xasileen, intii cashada ay cunayeen, ayaan ka codsaday in ay isoo maraan marka ay cashada dhamaystaan igunu soo maraan Hudheelka barxadiisa oo aan fadhinay anigiyo saaxiibkay, waanay naga aqbaleen. Iyagoo faraxsan bay nagu soo laabteen.
Cabdiqaadir yare oo faah-faahin ka xaalada qoyskooda, sababta ku kaliftay in ay suuqa ka dawarsadaan iyo muddada ay hawshan ku jireen waxaa u yidhi sidan:
โQoyskaygu wuxuu ka koobnaa 9 qof oo kala ah hooyo iyo aabbe, iyo 7 carruura oo aanu ka mid ahayn, waxaanay kala ahaayeen 3 wiil iyo 4 gabdhood, carruurtayda ka noogu weyni waa 16 jir halka ka noogu yarina uu jiray qiyaasti muddo bil ah. Waanu iska faraxsanayn dhammaantayo noloshu siday doontaba ha ahaate, waxaanu ku noolayn oo aanu degnayn magaalada Hargeysa imikana aanu ku noolahay, aabbahay wuxuu ahaa nin xoogsade ah oo dirwal wuxuna wadi jiray gawaadhida waaweyn ee u kala goosha magaalooyinka Soomaliland imikana wuu wadaa, hooyadayna guriga ayey iska joogii jirtay, maalin ka mid ah ramadaantii ina dhaaftay ayuu aabbahay hooyaday ku yidhi:
โAfurka ii same.โ
Iyana waxay tidhi:
โWaam xanuunsanayaa kuumana samayn karoโ
In badan baanay murmeen, nasiib daro markii ay dhawr maalmood ka soo wareegeen ayuu la soo hadlay waxaanu ku yidhi:
โOdayaashiinii u yeedho, waan ku furayaaye maxkamadda iigu kaalaya.โ
Waanay tagtay, isla markiinaba warqadii ayaa loo soo dhiibay, sidaas baana hooyaday lagu furay, ayuu yidhi Cabdiqaadir yare, isagoo madaxa ruxaya. Kana xun waxaa ku dhacay hooyadii
Maalintii wixii ka dambeeyey, anigiyo walaalkay Khadar yare suuqa ayaanu soo galay, waxaananu bilownay in aan dawarsano, si aanu hooyaday iyo carruurtaydada ugu geyno wax ay cunaan, in kasta oo dadka suuqu joogaa ay kala duwan yihiin oo qaarna ku caayaan ama noo hanjabaan, qaarna wax nasiiyaan sidiinan oo kale.
Aabahayna markuu hooyaday furay baa noogu dambaysay! !!
Halkaa markay ay sheekadu marayso aniga iyo ninkii aanu saaxiibka ahaynba jidhkaa na dubaaxiyey, waananu ka xumaanay xaalada adag ee carruurtaas yar yari ku sugnaayeen, Khadar iyo Cabdiqaadir iyada oo noloshoodu sidaa tahay haddana kamay niyad jabin in ay waxbarashadoodii sii wataan, waxay dhigtaan mid ka mid ah dugsiga hoose dhexe dawladda, fasalka 5aad iyo fasalka 2aad, waa sida ay u sheegeene, waxaa intaa dheer oo ay noo sheegeen in ay degan yihiin hal kiro ah kana bixiso lacagtiisa ayeydood, waxaa intaa dheer carruurtan yar yari kamay soo haajirin dhul shisheeye ama waddamada aynu jaarka nahay ee waa carrruur u dhalatay dalkan Jamhuuriyada Somaliland.
Dhinaca kale waxaynu la soconaa in bulshadeenu maanta ay noqotay laba dabaqadood mid hawada sare maraysa oo fooqyo dhaadheer dhisatay oo aan arkay waxa ka hooseeya iyo qolo dhulka jiifta oo aan awood u lahayn in ay helaan adeegyadii aasaasiga ahaa ee noloshu u baahnayd.
Kolay indhiihuunu waxay qabtaan uun dadka ajaaniba ee waddanka ka dawarsanaya laakiin dadkii dalkan u dhashay guryahooda ayey hoosta ka soo xidhaan cidaan Alle ahayna baahidooda uma ban dhigaan, Illaahayna wuu karaa in uu wax walba siiyo, laakiin inaga ayaa laynagu eegayaa waxaa aynu ka yeelo, Soomaaliduna waxay ku maah-maahdaa:
โBawdyo rag maalinba mid baa qaawan.โ
Haa, way jiraan boqolaal qoys oo xaaladahan oo kale ama kasii qalafsan ku nool oo jooga dalkeena haddana aan laga warhayn, ugu dambayntii waxaan ummadda wanaaga jecel u soo jeedinayaa in ay ka soo talo bixiyaan wixii laga yeeli lahaa qoyska dan yarta ah iyo carruurtan qarka u saaran in ay noqdaan derbi jiifka si loo badbaadiyo noloshooda, dhammaanteenba masuuliyiin baynu nahay, Illaahayna waa ina waydiinayaa maalinta qiyaamaha qof kastaaba sidii uu uga soo baxay masuuliyadii la saaray, wakhtigan aad arkaysana waa sida habeenka iyo maalintu isku bedelaan.
Imisaa shalay wax haystay oo maanta dawarsada, imisa shalay dawarsanayey oo maanta tujaara, waar carruurtan yar yar aynu naxariisano cid ay anficiba Allaa oge
WQ: Kamaal Xassan Isaaq
Tell: 00252-634402758
Email. kamalcadow@hotmail.com
Hargeysa Somaliland