Kulmiye waxa uu casuumay aqoonyahano dib-u-eegayey barmaamijka siyaasadda Xisbiga

Guddoomiyaha Kulmiye, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi, ayaa casuumad casho sharaf ah u sameeyey aqoonyahanno ka shaqaynayey dib-u-eegista barmaamijka siyaasadda xisbigu ku gali doono doorashooyinka soo socda.

Aqoonyahan kala duwan oo ka kala yimi meelo kala duwan oo dunida ah iyo dalka guddihiisaba, hormoodna uu u yahay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo isagu dhawaan Kulmiye ku biiray, ayaa soo gabogabeeyey shir muddo toddobaad ah uga socday Hargeysa oo ay ku naaqishayeen barmaamijka siyaasadda xisbigu isugu diyaarinayo qorshihiisa waxqabad ee shanta sanno ee soo socda.

Kulanka casho-sharafta oo ka dhacay huteelka Summer Time xala, waxa ka qaybgalay Madaxweyne-ku-xigeenka dalka Cabdiraxmaan Saylici, Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi, xubnaha hoggaanka sare iyo weliba xubno siyaasiyiin iyo xubno kale oo ka tirsan xisbiga.

kulmiye 5jpg kulmiye kulmiye 2 kulmiye 4

bandhige@gmail.com