Waxa aynu ka wada dharagsan nahay in marka aynu carruurteena doonayno in aynu ogaano jacaylka iyo raxmada ay u qabaan waalidkood, ayaa waxa aynu ku nidhaahnaa Aabaha iyo Hooyada midkeed jeceshahay, kadibna waxa laga yabaa in Ilmaha yari kolba kii la jooga uu yidhaahdo waan jecel ahay amaba waxa uu yidhaahdo labadaba waan jecel ahay.
Akhristayaal waxa jiray qisso dhab ah oo ka dhacday Dalka Masar ayaa waxa jiray Qoys faqiira oo aan wax adduunyo ย ah aan haysan mood iyo nool toona, balse Aabah Reerka iska lihi waxa uu ahaa Nin ehelu ciibaado ah.
Ninka reerka masuulka ka ah ayaa waxa uu Inanyar (wiil) uu dhalay ku barbaarin jiray in markasta oo la yidhaahdo yaad adduunka u jeceshahay in uu yidhaah’do ALLAH, kadibna Inankii yaraa waxa uu noqday mid qalbigiisa ay dagtay kalmadda Jacaylka ALLAH, iyada oo lagaba yaabo carruurnimada darteed in aanu waxbadan ka faham sanayn macnaha badan iyo faa’iidada ku jirta Jeclaanshaha ALLAH.
Muddo yar ka bacdi waxaa si xun u xanuun saday Odaygii Reerka ka masuulka ahaa, madamaa ay ahaayeen marka horeba reer faqiira oo aan lahayn wax dhaqaale ah, waxa dhacday in Odaygii uu tahli waayo in xataa uu waayo wax uu dawo siisto ha’yaraato ama habadnaatee, kadibna waxa uu noqday nin dhul yaala oo xanuun dishooday.
Sida cadaada inoo ah haddii aynu nahay dadka Muslimiinta ah, waxa jira in aynu soo booqano dadkeena bukaan jiifka ah, kadibna marka aynu ka anba’baxayno waxa aynu qofkii Xanuunsanayay ku maca’salamaynaa kalmada ah ALLAH ha ku caafimaadiyo, taasi oo ah duco loogu ducaynayo in Illaahay bukaanka caafimaad ugu badalo.
Inankii yaraa ee carruurta ahaa ayaa waxa uu markasta maqlaa iyada oo qofkasta oo Aabihii soo booqanayaa marka uu kasii tagaayo uu ku leeyahay ALLAH ha ku caafimaadiyo.
Kadibna Inankii yaraa waxa maskaxdiisa ku soo dhacday, ALLAHAN ay dadku leeyihiin ha ku caafimaadiyo miiyaanu ahayn midkii uu Aabahay aadka u jeclaa ee uu adigana ku odhan jiray marka lagu yidhaahdo yaad jeceshahay waxaad tidhaa ALLAAH.
Inankii yaraa waxa uu go’aansaday In uu ALLAH uu warqad u qoro kagana dalbanaayo in uu Aabihii u caafimadiiyo, inankii yaraa waxa uu u tagay Hooyadii waxanu u sheegay in uu doonayo in uu ILLAAHAY warqad u qoro uu kaga codsanaayo in uu Aabihii u caafimaadiyo, ilayn waa meel ILLAAHAY wax ka wadee Hooyadiina waa ay ka ogolaatay.
Inankii yaraa waxa uu soo qaatay qalin iyo warqad kadibna qoraal la fahmi karo in ay carruuri soo qortay oo iska qalqalooca ayaa waxa uu ku qoray warqadii isaga oo leh:
โAllahii aan jeclaayow waxaan ka codsanayaa in aad Aabahay ii caafimaadiso.โ
Kadibna waxa uu Hooyadii ka codsaday in ay gayso una raacdo meesha Boostada ee warqadaha lagu diro, iyaduna waa Hooyo Khayr lee waa ay ka aqbashay, warqadiina waxa lagu riday Sandooqa boosta taasi oo ah:
โ WARQAD KA TIMO WIILYAR KUNA SOCOTA ILAHAY SWT.โ
Nasiib wanaag Warqadii waxa uu Illaahay u gacan galiyay nimankii Boosta gaar ahaan dad xigmad iyo caqli u saxiiba, kadibna waxa ay arkeen in warqadan ay ku socoto ILLAAHAY.
Dhammaan shaqaalihii ayaa waxa ay dareemeen in warqadani ay tahay mid ka awood roon shaqada ay hayaan. Waayo waxa ay arki jireen shaqadooduna ay tahay warqad qof soo qoray oo qofkale ku socota, balse warqad si toosa ALLAH ugu socota may arkin.
Warqadii waxa la gaadhsiiyay nimankii madaxda ahaa ee Dawlada u talinayay, iyada oo la ogaysiiyay in Boostada laga helay Warqad ku socota ILLAAHAY .
Maalmo ka bacdi madaxdii Dalka ayaa Warqadii shir ka gashay,hadaba si loo arko Warqada gudaheeda waxa ku qoran ayaa la furay warqadii, kadibna waxa la ogaaday in warqadan uu soo qoray ilmayar oo far barad ah kaasi oo ALLAH ka dalbanaya in uu Aabihii u caafimaadiyo.
Intii aanay Dawladu qoraalkii warqada aanay go’aan ka gaadhin, ayaa warqadii waxaa lagu qoray Jaraa’idka dalka kasoo baxa, taasi oo la leeyahay waxaa Boostada laga helay warqad uu soo qoray Ilmayar kuna socota ILLAAHAY.
Fajac iyo amakaag ayey dadkii ka wada qadeen warqadii, kadibna waxaa ka mid ahaa dadkii Joornaalka akhristay nin ka mida Dhakhaatirta ugu waawayn Masar kaasi oo markii uu fariinta akhriyay si dagdega u raadiyay Reerkan iyo meesha uu dagan yahay.
Markii uu ninkii Dhakhtarka ahaa uu Gurigii Qoyska uu yimi , ayaa waxa uu yidhi meeyay wiilkii yaraa ee warqada ALLAH u soo qoray, kadibna waxa lagu yidhi waakan, waxaanu ugu jawaabay madaama aad ALLAH warqada u qortay ALLAHNA aniga ayuu ii soo diray.
Isla wakhtigiiba waxa uu Gurigii ka qaaday Odaygii Xanuusanayay waxaanu geeyay Dhakhtarkiisii, reerkii iyo Inankii yaraana waxa uu u balan qaaday in uu Aabahood halkan ku dawayn doono ALLAH na uu caafimaad uga baryi doono, wax lacagana aanu ka rabin.
Muddo yar ka bacdi waxa Gurigii Odayga xanuusanayay waxaa kusoo qulqulay Dawladii oo dhan, waxaana loo sheegay in uu qaaday ninkii Dhakhtarka ahaa, Dawladuna waxkasta oo ay ku tari karayso waa ay ku kaalmaysay.
Akhristayaal Reerkii waxa uu ku danbeeyay Odaygii oo Illaahay caafimaadkiisii usoo celiyay, Reerkii oo noqday mid hodana oo Illaahay risiiqiisa waasica ah uu u furay. Taasi oo ay ku heleen Kalsoonidii iyo Xuskii Illaahay ee aan marnaba carabkooda ka go’ayn.
Marka aad qisadan u fiirsato waxa aad dareemaysaa amma kusoo baxaysa, in Wiilka yari uu ahaa mid caruura isla markana aan garanayn ALLAH wax uu gudo iyo wax uu galo, balse xaqiiqda meeesha ku jirta waxa ay tahay Caqiidada iyo garashada uu ALLe u lahaa odaygu in ay tahay midaa Illaahay ku galaday, sababna uga dhigay warqadaa uu Inanka yari uu ILLAAHAY u diray.
Akhristayal waxaa fiican in aynu carruurteena ku barbaarino jacaylka iyo barashada Illaahay si aynu If iyo Aakhiraba ugu liibaano.
Xigasho, Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi.
https://twitter.com/khadar_aar
Waxa Qoray: Qareen khadar Ibraahim Aar