Hayโ€™adda MSF waxay diiday deeqaha Midowga Yurub

Kadib markii Midowga Yurub samaysteen siyaasado qalafsan oo laga xakamaynayo dadka muaajiriinta a ayaa waxay Hay’adda gargaarka caalamiga ee MSF ku dhowaaqday in ay geb ahaanba joojinayso deeqaha ay bixiyaan Midowga Yurub iyo waddamada xubnaha ka ah.

Go’aanka hay’adda ay gaadhay MSF ayaa waxa uu noqonayaa mid ay si degdeg ah u dhaqangeli doona.

Xoghayaha guud ee MSF, Jerome Oberreit, ayaa sheegay inaysan u dhaweyn siyaasadahan bani’aadamnimo, ayna tahay in laga hortago.

Dhinaca kale, muhaajiriin ka badan 200, ayaa laga soo badbaadiyay markab ku dagayay badda Mediterranean. Haweeney uur leh, ayaa ka mid aheyd dadka la soo badbaadiyay oo wax yar kadib umushay, kadib markii la saaray markab Netherland laga leeyahay oo u shaqeynayay hay’adda ilaalisa xuduudaha Yurub ee Frontex.

Waa badbaadintii labaad oo laga sameeyo meel ka baxsan biyaha jasiiradda Griigga ee Crete 24 saac guddahood. Muhaajiriinta, ayaa loo qaaday Talyaaniga.

bandhige@gmail.com