Xiisad Colaadeed oo ka jirta xadka ay wadaagaan Itoobiya iyo Eratariya

Inkasta oo ayaa xaaladu degan tahay kadib dagaalkii todobaadkii hore dhex maray Itoobiya iyo Eratariya haddan waxa wali jirta saansaad colaadeed oo ka taagan xuduudka ay laba dal wadaagaan.

Daldda Eratariya ayaa khamiistii sheegtay in ciidamadeeda ay dileen in ka badan 200 oo askar oo Itoobiyaan ah, islamarkaana ay dhaawaceen in ka badan 300 oo kale, intii uu socday dagaaal xuduudda ka dhacay Axaddii iyo Isniintii.

Wali ma jiraan warar madaxbanaan oo xaqiijinka wararka ay sheegtay Eritariya, balse waxa iyana dhinacood beeniyey warkaasi wasiikra Isgaadhssinta Itoobiya Getachew Red.

Red oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

โ€œin la joojiyey dhaqdhaqaaq colaadeed oo uu billaabay taliska Asmara, islamarkaana Itoobiya waxay diyaar u tahay inay iska caabiso wax ay u aragto cadaawadda Eratariya.โ€

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

โ€œTallaabada xigta ee aan qaadi doonno waxa ay ku xirnaan doontaa waxa taliska Asmara ay goโ€™aansadaan inay sameeyaan.โ€

Colaadda Eratariya iyo Itoobiya ayaa ah mid soo jiitantay, inkastoo heshiis laga gaadhay sannadkii 2000, haddana wali waxa jira deegaano ay ku muransan yihiin.

bandhige@gmail.com