Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa uu kulamo la qaatay Guddoomiye-Ku-Xigeenka Baarlamaanka Sweden iyo Maayirka Magaalada Stockholm

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna GuddoomiyahaWaddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” oo muddooyinkan  socdaal ku joogay dalalka Sweden iyo Finland, ayaa maanta kulamo la qaatay Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka dalkaasi Sweden Tobias Billstrom iyo weliba sida oo kale Maayirka magaalada Stockholm Karin Wanngard iyo xoghayaha golahaasi.

Kulamadan oo ahaa kuwo gooni gooni ah, ayaa ugu horreyn Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo guddoomiye-ku-xigeenka Baarlamaanka dalkaasi Sweden Tobias Billstrom, waxa ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan sii xoojinta xidhiidhka labada dal, isku xidhka baarlamaanada labada dal ee Somaliland iyo Sweden, doorashooyinka Somaliland, taabo-gelinta hanaanka dimuqraadiyadda iyo weliba is faham buuxa oo ay isla garteen sidii ay dawladda Sweden ay si toos ah uga la shaqeyn lahayd helidda Ictiraaf ay Somaliland ka hesho dalka Sweden iyo dalalka kale ee caalamka.

Ugu dambeyntiina, Guddoomiyaha xisbiga GuddoomiyahaWaddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” waxa uu sida oo kale uu iyagana kulan gooni ah uu la qaatay Maayirka magaalada Stockholm Karin Wanngard iyo xoghayaha golahaasi, isaga oo kala hadlay arrimo ku saabsan xidhiidhka golaha deegaanka Stockholm iyo goleyaasha deegaanka Somaliland, isla mar ahaantaana ay iskaga kaashan lahaayeen horumarka iyo wada shaqeynta labada dal, gaar ahaana golaha deegaanka Stockholm ay ku dhiiradaan siddii ay taageero iyo adeegyo aqoon korodhsiyeed ba ay u gaadhsiin lahaayeen goleyaasha deegaanka Somaliland.

13473775_1288447131182840_567249599_n a

bandhige@gmail.com