Waxaan qormadan kooban ugu gogol-xaadhayaa isbarshadii iyo isdhexgalkii Eng Faysal Cali Waraabe iyo Jeneraal Maxamed Xaashi Gaani.
Eng Faysal wuxuu ku dhashay Hargeysa sannadkii 1948. Waxa uu shahaadada M.SC Engineering ka qaatay St. Petersburg , Ruushka sannadkii 1973-kii. Markii uu dalka kusoo noqday wuxuu unkay shirkad yar oo la odhan jiray “Ayaan Construction Company “ oo jirtay dhawr bilood. Markii danbe wuxuu shaqo ka helay Wasaaradda Hawlaha Guud, waxaana loo beddelay Goboladda Bay iyo Bakool.
Eng Faysal waxa loo taxaabay jeelka Muqdishu sannadkii 1979-kii, markaas oo lagu eedeeyay arrimo la xidhiida maamul-xumo iyo wax-iswaydaarin. Saaxiibkii jeneral Maxamed Xaashi Gaani wuxuu ku dhashay Duusa-Mareeb, Galmudug sannadkii 1943-kii. Waxbarashadiisa ciidanka wuxuu soo qaatay Military Academy of Modena, Italy.Wuxuu tababaro kala duwan u tegay Ruushka. Wuxuu kasoo shaqeeyay Goboladda Bay iyo Bakool, halkaas oo ay isku barteen Eng Faysal Cali Waraabe. Waxa maydka jeneral Gaani laga helay Hudheel ku yaalla Imbagaati ee Kiiniya 18-kii Oktoobar 2004-kii isagoo saddex cisho sii mootanaa.
Jeneral Gaani iyo Eng Faysal waxa ka dhaxayn jiray kaftan u badan faan-qabiil iyo anigaa kaa laandheer. Jeneral Gaani wuxuu sheegan jiray in uu kasoo jeedo tafiirtii NUUR IBNA MUJAAHID “Sahib Al-Fath AL-Thani, oo ah “Master of the Second Conquest of Harar “ NUUR IBNA MUJAHID wuxuu guursaday Marwadii uu ka dhintay Imam Ahmad ibn Ibrahim Al-Ghazi “ Axmed Guray “.
Qabiilka Mareexaan Sade waxay sheegtaan in uu Imaam Axmed Guray iyo NUUR IBNA MUJAAHID ay kasoo jeedeen beesha Mareexaan. Waxa inta u dheer, adeerkii Mohamed Siyaad Barre oo ah Aabaha kacaanka Soomaliyeed. Engineer Faysal Cali Waraabe wuxuu kaftanka Gaani kaga fal-celin jiray in uu asaguna kasoo jeedo Duriyadda Reer Sheikh Isxaaq “ Ahlul-Bayt”, kuna abtirsado Saldanada Garxajis ee Guuleed Suldaan. Waxa kale uu ku tiraabi jiray in Reer Abtigii Nuux Ismail leeyaheen Daaraha ugu dhaadheer Xamar iyo Hargeiya iyo Maraakiibta ugu waawayn ee u kala gooshta Cadan iyo Berbera. Eng Faysal iyo jeneral Gaani waxa dhex-maray sheekooyin u dhigma kuwii Abnawaas iyo Beenowaas. Waxa kaliftay iyagoo joogay magaaloyin aan lahayn maaweelo iyo madadaalo.
Siyaad Barre wuxuu Jeneral Gaani u magacaabay Taliyaha Guud ee Gobolada Waqooyi iyo Taliska Qaybta 26. Waxaa awood buuxda u siiyay xasuuqa “Reer Sheekh Isxaaq “. Jeneral Gaani markii uu Hargeysa yimid 1981-kii, wuxuu la kulmay dhaq-dhaqaaq xoogan oo ay hormood ka ahaayeen Samo-falayaal “ Volunteers” la baxay UFO. Waxay taageero ka haysteen ganacsatada, odayaasha, dhallinyaradda iyo haweenka Reer Hargeisa.
Jeneral Gaani wuxuu u arkay kacdoon ku lidi ah jiritaanka taliska Maxamed Siyaad Barre. Wuxuu go’aansaday in uu marka hore la kulmo xubnaha fir-fircoon ee UFO, una sheego in ay kacaanka la shaqeeyaan. Si uu qorshahaas u fuliyo , wuxuu u baahday cid isku xidha isaga iyo UFO. Wuxuu xasuustay saaxiibkii Eng Faysal Cali Waraabe oo ku faani jiray in uu Amiir ka-yahay Hargeysa. Markii uu waraystay, waxa loo sheegay in Eng Faysal ku xidhan yahay Xamar, aabahii Cali Waraabena ku maqan yahay Muqdishu . jeneral Gaani wuxuu u duulay Muqdishu , waxaanu ku guulaystay in uu soo daayo Eng Faysal , Hargeysana keeno.
LA SOCO: Qoramada danbe waxaan kusoo qaadan doona hawlahii loo egmaday Eng Faysal, shirku la galay UFO ee ka dhacay Guriga Axmed Xuseen Caabi, Xaafada Shidka, Dugsiga Sheekh Bashiir, Ogos 1980-kii oo ku beegnayd bishii Ramadaan. Labadii basaas, Adan Waali iyo Cabdi Laangadhi.
Drs Hoodo Yusuf, London, UK.