Wararka laga helayo Dila ayaa sheegay in sagaal qof ay ku dhinteen daadad ku soo rogmaday dooxa dhex mara Dila.
Daadadkan ayaa waxay ka dhasheen roobab badan oo ka curtay deegaanka gobolka Awdal oo ilaa iyo shalay daโyey.
Dad goob jogayaal ah oo aanu la Xidhiidhnay ayaa noo xaqiijiyey in dadkaasi ay ku dhinteen Sagaal oo labba ka mid ah Maydkoodii la helay hala todobadii kalena lagu daba jiro raacdadoodii.
Dhanka kale isku socodka Gobolada Awdal iyo Maroodi-jeex ayaa xidhan kadib markii ay wada Dil ay biyuhu qaadeen.
Maamulka gobolka Awdal ayaa waxay haatan kus sugan yihiin halkaas oo ay wadaan gargaarka degdega ee ay u baahan dadka daadadku waxyeeleeyeen.