Qormadii 2aad waxaan ku iftiimiyay qaabkii uu Jeneral Gaani jeelka Xamar uga soo saaray Eng. Faysal Cali Waraabe oo u xidhnaa wax-iswaydaarin iyo xatooyo. Eng Faysal wuxuu yimid Hargeysa Julaay ,198kii waxaanu markiiba ku dhaqaaqay in uu ka shaqeeyo habkii uu isagu xidhilahaa “UFO” iyo Jeneral Gaani iyo Daahir Ciid oo ahaa Taliyihii ciidamadii Hangassta.
Waxaan qormadan ku qaadaa dhigi doonaa sidii u baxay magaca UFFO, ujeedooyinkii loo aasaasay iyo xubnaha hormoodka ka ahaa.
UFFO- Waa dabaysha roobka ka horaysaa ee siigada cas wadata (Wind of change), waxa magcaa loo bixiyay Jaraa’id qarsoodii ah “Secret Journal “ oo ay soo saari jireen samo-falayaal ku sugnaa Hargeysa 1978kii -1982kii.
Magaca waxa bixiyay Eng Maxamed Baaruud Cali, waxaana ku taageeray Prof Axmed Dhabacuul “Jabane “. Waxa UFFO wada qori jiray, daabaci jiray oo qaybin jiray Eng Maxamed Baaruud iyo Axmed Jabane. Waxa lagu daabaci jiray type, waxaana stencil ku rogi jirtay Caasha Xussein Qowdhan (Xaaska Jabane) oo u shaqayn jirtay hay’ada “WFP ”. Jaraa’idka UFFO waxa uu ka hadli jiray duruufaha qalafsan ee ka jiray Gobolada Waqooyiga, siiba baahiyaha aasaasiga ah sida cisbitaaladda, waxbarashada, biyaha iwm.
Waxa hoosta kaga xardhanaan jirtay odhaahda ah:
“Wargeyska UFFO wuxuu ka soo baxaa guriga Xisbiga ee qabyada ah”.
Jaraa’idka UFFO wuxuu la miisaan ahaa Warqayskii “Oral Journal “ ee uu saary Abwaan Barkhad-Cas, kagana soo horjeeday isticmaarkii Ingriiska 1957-1960.
Marxuum Barkhad-Cas wuxuu soo saari jiray heeso fara badan oo waddani ah oo isdabajoog ah. Wuxuu maalin walba hees cusub ka tiring jiray khayriyada iyo meheradaha ku yaalla faras magaalaha Hargeysa. Waqtigaa waxa British Somaliland kasoo bixi jiray saddex Wargays oo kala ahaa Qaran oo ku hadli jirtay afka xisbiggii SNL, Al-liwa oo ku hadli jirtay afka xisbigga NUF iyo War-Somali-Side, oo ku hadli jiray afka Dawladda.
Marxuum Barkhad Cas wuxuu sugaantiisa u bixiyay “Wargeyska Afraad “, isagoo wargayskiisa tilmamaayana waxa uu yidhi:
Liwa, qaran iyo warsoomali-sida,
Waxaan ahay tii afaray-naysoo,
Aryaan walba tayda waa la arkaa,
Aayaha wadanka la ii egmado,
Malaha ii akhri iyo afgaran-waayo,
Albaabadu way u furanyiin.
Jaraa’idka UFFO wuxuu la quwad iyo waqti ahaa Cajaladahii Imaam Khumeini ku af-genbiyay Mohammed Reza Pahlavi, Shah of Eeraan. UFFO waxay hordhac u ahayd kacdoonkii shacbiga Somaliland, dalashadii SNM iyo af-genbigii Taliskii Siyaad Barre.
Eng Faysal yoolkiisa koowaad waxay ahayd in uu wanjalo “UFFO” iyo aqoonyahanda soo saara.
Qormadda 4aad waxaan ku soo bandhigi doona aqoonyahanada hormood ka ahaa “UFFO”, shirkii ka dhacay xaafada “Shidhka “ Hargeysa Ogos,1981 iyo faramahii Jeneraal Gaani u soo dhiibay Eng. Faysal Cali Waraabe.
Drs Hoodo Yusuf, UK, London.