Dadweynaha Daarfuur oo afti u dareeray

Dadweynaha Gobolka Daarfuur ee ku yaalla Galbeedka Suudaan ayaa waxay u dareereen afti ay dadkiisa u qaadayaan in uu sii ahaado shanta qeybood uu hadda yahay, ama in uu noqdo gobol maamul qudha leh.

Codbixinta maanta ayaa qeyb ka ah hannaanka nabadeed ee ay xooggaga mucaaradka ku doonayaan ismaamul goboleed siyaasad ahaan ka madax bannaan dawladda Khartuum.

Balse waxa walaac laga muujinayaa kalsoonida lagu qabi karo aftida, maadaama ay dagaalo ka socdaan qeybo ka mid ah Daarfuur, isla markaana aan la diiwaangelin boqolaal kun oo dad barakacayaal ah.

Balse Madaxweynaha Suudaan, Cumar Xasan Al-Bashiir oo ay ย dacwadi ka taalo Maxkamada Caalamiga ah ee Dembiyada ayaa waxa uu ku adkeystay in afti xor ah ay ka dhacayso gobolkaasi.

Aftidan ayaa waxa go’aan looga gaadhayaa mustaqbalka siyaasadeed ee gobolka Daarfuur, kadib 13 sanno oo uu halkaasi ka socday dagaal wajiyo badan lahaa, ayna ku dhinteen dad lagu qiyaasay 300,000 oo qof.

Xooggaga mucaaradka ayaa muddo dheer dalbanayay in awood goboleed la siiyo si meesha looga saaro faragalinta ay xukuumadda Khartuum ku hayso arrinta lahaanshaha dhulka ee gobolkaasi.

Balse kooxihii marka hore doonayay aftidan ayay hadda u badan tahay in ay qaadacaan, ayaga oo sheegaya in aanay si madax bannaan ku dhici doonin.

Maraykanka ayaa sidoo kale walaac xoogan ka muujiyey aftidan, waxaanay sheegeen in aftidan aan loo tixgalin karin mid cadaalad ku dhacaysa, ayna wax u dhimi doonto hannaanka lagu xasilinayo Daarfuur.

In ka badan laba milyan iyo badh qof ayaa weli ku barakacsan guddaha Daarfuur, waxaana dad ka badan boqol kun ay guryahooda uga qaxeen dagaalo soo cusboonaaday sannnadkan, sidaaana waxa sheegtay Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Al-Bashir ayaa sheegay in barakacayaasha ay codkooda ka dhiiban doonaan aftida, balse xooggaga mucaaradka ayaa sheegaya in dadkaasi aan la diiwaangelin.

bandhige@gmail.com