Warar laga soo xigtay Ha’yada caafimaadka ee MSF ayaa sheegtay ku dhawaad 300 oo muhaajiriin ah ay waxyeelo kasoo gaadhay kadib markii booliska Macedonia u adeegsadeen sunta dadka ka ilmeysiisa iyo bambooyinka qiiqa, wakhti ay dadkaasi ka isku dayeen in ay xoog kaga gudbaan xuduudka u dhexeeya Macedonia iyo Giriiga.
Sarkaal ka tirsan MSF ayaa sheegay in 200 oo muhaajiriin ah laga daweeyay dhibaato dhanka naqaska ah, halka 30 kale laga daweeyay dhaawacyo kasoo gaadhay rasaasta cinjirka ah.
Dhallinyaro muhaajiriin ah ayaa ku tuuray dhagaxaan booliska Macedonia kadib markii ay ka horjoogsadeen in ay dumiyaan derbiga xuduuda ku yaalla si ay u gudbaan dhinaca Giriiga.
Dabeyl halkaasi ka jirtay ayaa sababtay in sunta ay booliska adeegsadeen ay gaadho xero qaxoonti oo ku taalla dhanka Giriiga oo ay ku noolyihiin 11 kun oo qaxooti ah, kuwaasi oo halkaa ku xayiran tan iyo markii ay dalalka loo yaqaano Balkan ay xidheen marinkii muhaajiriinta ugu gudbayeen Waqooyiga Yurub.