Waxay ahayd goor casar ah, waxaan socday wadada kasoo dhaadhacda Radio Hargeysa ee loo yaqaano Togdheer, magaranayo in bas aan raaco aan waayay iyo in meel gaaban aan ku socday ee waa halkay riyadaydu ka bilaabantay. Markaan marayo halka ay ku kulmaan wadada cusub ee Goljano iyo wadada Togdheer ee loo yaqaano Kaabadda wax loogu bixiyay isgoyskaas Kaabadda magaranayo, laakiin dadka qaar aan waydiiyay maalin ayaa waxay ii sheegeen in ay meesha kaabad wayn ay ku ooli jirtay, cidii ku samaysay kaabaddda iyo sababta loogu sameeyay midna maan sii daba galin sababtoo ah kaabaddu haddeer meesha kumaba taalo ee magaceedii ayaa ka hadhay.
Qofkii arkay ayaa arkaye waa isgoys caana jihada bari waxa kaxiga suuqa wayn ee Gobonimo, koonfur waxaa u socota wadada Toghdeer, galbeed waxaa u socota wadada cusub ee Goljano, woqooyina waxa usocota wadada ka timi IDAACADA. Dadka baska la socda ee kayimi xaafada Idaacada ama xaafada Xero-awr dadka qaar kamid ah ayaa ku daga goobtaas wiilasha baska la socdaa way yaqaanan waxaanay rakaabka ku yidhaahdaan yaa kudagaya Kaabadda.
Waa isla isgoyskii waxa wadada dhinaceeda galbeed meesha dooxa u dhow taagan laba wiil oo dhallinyaro ah oo kuwa gaadhiyada dadka u masaxa aan u maleeyay sababtoo midkood ayaa marada gaadhiyada lagu masaxo garabka u saarnayd iyo nin aan umaleeyay in uu Hindi yahay oo timo jilicsan oo madaw leh, labada wiil midkood ayaa aad u xanaaqsan wuxuu ku doodayaa in uu isagu inta ugu badan helay, ninkii Ajnabiga ahaa wuu iskaga tagay hase yeeshee labada wiil wali way murmayaan, sida dhaqanka u ah Soomaalidu way neceb tahay in ay daawadaan laba qof oo murmaya waa la dhexdhexaadiyaa, laba nin oo dadka wadada marayey ka mid ah ayaa kuweecday ana waxaan ku noqday saddex, waxaan dhexgalnay labada wiil meeshaasina waa halkaan sirta ka helay.
Labada wiil mid ka mid ah ayaa wuxuu ii sheegey in uu jiro guri dunsan (kharaabad) oo Goljano kuyaala kaasi oo aan dib loo dhisin ilaa dalka lagu soo noqday wuxuu ii sheegay in ay galab kasta tagaan oo ay kasoo guraan dhagaxaan aad u yar-yar oo cad cad sida quruuraxana u eeg oo guriga hareerihiisa ka buuxa kadib waxaanu ka iibinaa nin Ajnabi ah, waxaan u qaatay in aanu la socon wiilku in aan arkay ninka uu sheegayo. Wuxuu iisheegay gurigu in uu kuyaalo meel taag ah ama buur lamood ah guriga waxaa aqal Soomaali kadhex dhistay nin suufiya, waxaanu ninkaasi guriga iyo agagaarkiisa kamaqan yahay Salaada casar kadib ilaa Maqribka, waa waqtiga ugu haboon ee aad soo arki karto gurigan iyo dheemanta dhex ceegaagta.
Maalintii dambe waxaan goโaan ku gaadhay in aan raaco wiilka oo soo ogaado waxa ka jira dheemanta Goljano, waxaanu si dhuumasho ah ku tagnay gurigii dunsanaa, gurigu wuxuu leeyahay dayr aad ubalaadhan hase yeeshee waa dayr ay ka muuqato diif iyo daranyo badan waxaa ku yaala godad iyo daloolo badan oo kasoo gaadhay rasaasta noocyadeeda kala duwan oo ku dhacday dagaaladii lagaga soo horjeeday dawladii Maxamed Siyaad Barre guriga laftiisu malaha jiingada sare, malaha daaqado mana laha albaabo, intuba way ka maqan yihiin.
Waxaa igashay cabsi ah in ay miino meelahan ku aasan tahay oo lugaha iga jarto, marna waxaaban ka baqay in walxaha qarxa meelahan lagaga tagay aan gacanta la helo oo gacmaha i jarto, hase yeeshee wiilka ila socdaa wuxuu u socdaa si kalsooni leh waayo maalin walba meesha wuu yimaadaa, islamarkiiba wuxuu bilaabay in uu baadho dhagaxaanta uu rabo ee dartood uu meesha u yimi, intuu wiilku dhagaxaanta raadinayo aniga waxaa igashay qiiro waxaan xasuustay dalka markii lagu soo noqday siduu ahaa, in dhammaan guryaha oo dhami sidan ahaayeen, waxaan xasuustay in la odhan jiray meesha raad maray hala maro, waxaan xasuustay in aan ku cayaari jirnay rasaasta noocyadooda kala duwan oo sida xaabada cuntada lagu karsado u taalay dhulka, waxaan xasuustay in wiilashii aan isku xaafada ahayn qaar kamid walxaha qarxaย ay lugaha iyo indhahaba tireen ilaa maantana aan arko iyagoo qaarkood gacmo beelay qaarkoodna lugaha belay, waxaan xasuustay in cusbitaalka wayn ee Hargeysa uu ahaa cusbitaalka kaliya oo isagoo dunsan lagu shaqayn jiray dhakhaatiirtu ay aad u yaraayeen hadana lagu faraxsanaa magaalada dacal ilaa dacal looga iman jiray.
Farmasi daawada laga helaa aanu jirin ama uu aad u yaraa, dugsiyada tacliinta lagu dhigto waxa aan ku fadhiisan jirnay daasado oo ay ahaayeen bilaa daaqado, bilaa albaabo qaarkoodna ay bilaa jiingad ahaayeen, waxaan dhex galay xasuus aad u qiiro badan oo aad moodo in aan maanta dhex taagan ahay 1991-KII ilaa 1994-KII intii u dhaxaysay. Waxaan u fiirsaday meesha maanta Hargeysa iyo dalka intiisa kalaba ay marayaan sida nabad-gelyada, caafimaadka, waxbarashada iyo horumarka dhinaca tiknoolajiyada laga gaadhay.
Anigoo aan hal dhagax meesha ka qaadan ayaa waxa isoo dul istaagay ninkii Suufiga ahaa ee guriga ku jiray, wuxuu i qabtay garabka wuxuu igu yidhi:
ย โKumaad ahayd?.โ
Anigoo aan ka jawaabin oo naxsan ayaa waxaan arkay xaaskayga oo garabka i haysa oo i leh Axmed Salaadii Casar waa la adimay ee kac Masaajidka kusoo tuko. Markaliya ayaan neef wayn iga soo booday oo waxaan arkay in aan jiifo gurigayga markii aan kasoo baxay Salaadii Casar ayaan is waydiiyay armaa gurigaa dunsan (kharaabada) ah uu yahay mid dhaba oo uu ku yaalla Goljano.
Cidii gurigaas aragta ha ila soo xidhiidho.
Waxa Qoray: Dr. Axmed Yaasiin