Faarax-goray geela maanta ka hadhsan maayo, oo wuxuu uga baqayaa inuu wabax-taraaro, oo ka gudbo soohdintii uu daaqi jiray. Wax uu marba wooho, wooho, yidhaahdo oo geela u dhawaaqoba, markii geelii soo gaadhay dacalka aydii uu daaqi jiray, daaqsinkii wanaagsanaana weli ka horreeyo, oo ay casar-gaaban tahay, ayuu xero u soo gaafay. Xerada wuxuu muska u saaray, dhanka hawd ee kob dugsoon, oo uu ugu talo-galay laba qorshe oo muhiim u ah. Ta kowaad, waa haddii gaade ka soo galo in geelo dhug yidhaahdo oo dido. Ta labaadna, waa inuu geelu ka dugsado dhaxanta jiilaalku wato, ee dayra-dhaafka ah. In kastoo iminka ay tahay bishii qorrax-dheeraha, oo raacsan kaliilnimo, dhaxantiina kacday, haddana geelu kama maarmo in xeradiisu dugsi gunta ku hayso. Haddii xeradii uu ka soo arooray, ay ahayd weerar-ku-daac ay markiiba colka ku soo duulay foodda is-darayeen, xeradan uu iminka u dhigay waa weerar-ku-daal, ay colka isu imanayaan isagoo si fiican uga tabaabushaystay.
Markuu xeradii dhammeeyay, edeggii nirgahana soo adkeeyay, qorraxdiina dhacday ayuu ku soo wareegay geelii oo intuu hubiyay in rimaydii iyo awrtii goolasha ahayd dhan yihiin, ayuu cabbaar dhex-joogay. Markii shaacu madoobaanayey, ayuu geelii soo xereeyay, oo intuu kadinka xerada iyo edegga is dhex-taagay nirgaha edegga u duway. “Idigso; Idogso,” ayuu yidhi, kolkaasay nirgihii xaggiisa u soo baydheen, markuu geelii oo dhan iyo nirgihiiba ku hubsaday xerada ayuu jiitinta u jiiday! Oo baar-qabkii ina-Saqaafna ku hor dabray. Habeenkaa waa-san ayaa u beryay, kolkii ay barqo-yar ahayd oo geelii diirsadayna waa maaleen, oo ku ekeeyeen kobihii geed-midhoodka, gahaydh-dha, xagarka, bilcilka, lebida, raydab-ta iyo derrinta lahaa ee uu daaqi jiray.
Kolkii geelii xasilay, ee raanta isu wada jeediyay, ayuu Faarax-goray u wardoon-tegay, bal wax ku soo kordhay geelashii uu kaga arooray halkan, wax guuray iyo wax kale. Cabdi-gaas iyo Cali-mahadna maanta waa laba nin oo geela la wada joogaya. Cali-mahad weli wuu faraxsan yahay, oo wuxuu ku faraxsan yahay kabihiisa maaska ah ee shalay loo soo tolay. Sidii shalay ayuu marna raadkiisa u daawanayaa, markuu socdona u dhegaysanyaa jiiiq-da ka baxaysa kabihiisa. Cabdi-gaas wuu u sheekeeyaa, oo mar-marna u soo dhuuntaa oo bajiyaa Cali-mahad. Sidani, waa tababar iyo carbis ku lammaan nolosha geel-jirennimada, Cabdi-gaasna waa ka dabeecad duwan yahay geel-jiraha faciisa ah ee dhibaateeya kuwa ka yar-yar, waa u naxariis badan yahay ina-adeerkiisa yar, oo keligood ayay is-weheshadaan.
Faarax-goray, dad waxay isugu soo horreeyeen Jaamac-dhagar oo ay isku gedo yihiin, oo qorraxda ka hagoogaty. Haddii la is nabdaadiyay, Jaamac-dhagar, wuxuu u sheegay Faarax-goray in aan belo kale dhicine, uu libaax dad-qaad ahi ka qaatay wiil yar geelashii reer Fagaase ee xeryohoodu u baalleeyeen geelasha. Wuxuu u sheegay in wiilka yari rajay ahaa, oo geela la socday. Habeen hore ayaa qaalin dhalaysay, oo geela ka yara-dambaysay, ay hore u arki waayeen. Kolkaasaa mid habaar-qabaa, yarkaa laba dhengedood ku dhuftayoo yidhi doon hashii, walcan-kaa wase! Yarkiina duddaduu ka wareegay, isagoo ooyaya. Golihiina kuma soo noqon Iyana uma yeedhine, muska geela ayuu soo galoo, sow waa dhan-qalmay! Dabadeeto halkaasaa libaax ka qaatayoo, dab duddada la orde, oo waxba waaye! Barqadiibay madixiisii heleenoo, kolkaasay qaydkiisii yaraa ku duubeenoo, halkaa ku aaseen, intuu meel halkaasa faraha ku fiiqay. Qaalintiina sow meel-ba ma jirine, halkan bannaysinka geela ka yara horraysa ayay taagnayd, ayuu Jaamac-dhagar war ku soo koobay.
In kastoo, Faarax-goray u wer-weray labada inan ee uu geela ku wado, haddana marna ma gar-waaqsan ayaantii uu Dhudi oo xambaarsan Cali-mahad, dhirbaaxada far-ba meel dhigay, ee intuu xanjeerka u furay, oo ka dhuftay Cali-mahad oo laba jir ah, iyana saddexdeediiba maqashiiyay! Marna ma gar-waaqsan, in kala eeri-dhabanka Cali-mahad iyo hooyadii Dhudi aanay soo noolaynayn oo u soo celinayn awrkii dib-jiray ee waraabuhu cunay. Marna ma gar-waaqsan, inuu sababteeda lahaa oohintii iyo beer-caddaadkii ku dhacay in ka badan laba-caana-maal, laba beer oo la soo kala dheegay. Marna ma gar-waaqsan, in uu ka mas’uul yahay burburka qoyskiisii wanaagsanaa, iyo kudaalka barakiciyay Dhudi ee ka dhigay in ay u caymaddo magaalo aanay wax kaga horreeya ogayn! Marna ma gar-waaqsan, inuu Dhudi baday in ay qarbad dhabarka ku dhaamiso oo u dhaamiso dhiggeed oo dhaashan.
Faarax-goray iyo Jaamac-dhagar dhiillo weyn uma arkaan, inanka yar ee libaaxu qaatay. Yaab! Waa maxay dhiillada ka weyn wiil yar oo dibadda loogu eryay libaax dad-qaad ahi! Waa maxay dhiillada ka weyn, in neefka geela ahi ka qiimo-bato naf maydkeedu ku qiimaysan yahay boqol neef oo geela.
La Soco
W.Q: Maxamuud Axmed Oday
moxamud_oday@yahoo.co.uk
Burco, Somaliland