Nin Abwaana baa yidhi :
Afku erayga khayrka leh
haddii aanu odhanayn
inuu aamusaa u wacan”
Nin kale oo aanu saaxiib nahay oo la yidhaa Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Fahiye “Shamax” ayaa isna laga hayey mar uu nin u jawaabayey
“Yey kaa engaginoo lagaa laabin agabkee imikaad u dhawdee istayqfurala maad odhan.”
Waayadii hore Soomaalidu dhaqan wanaagsan bay lahaan jirtay, haddase waxa soo kacay qaar aan haadba haysan oo bilaa xuduud ah.
Hees ka mid ah heesaha aan maqli jiray ayaa iyaduna tidhaa:
“Cilmiga ha laguu dhigee caqliga kaasho baa la yidhi.”
Mid kale anigu waxaan islahaa aqoontan casriga ah iyo horumarkani bulshada waxbay u soo kordhin doonaan, waxase ayaan daro ah in dhallinyaradii jaamacaddaha ka baxday ee la islahaa wax dadka iyo dalkooda wax u taraya ayey soo tabin doonaana ayaa xaalkoodu noqday jaantaa rogan (been abuur, cay, aflagaado, war aan sal iyo raad toona lahayn) iyo xag-xagasho u badan hugri.
Soomaalidu waxay odhan jirtay:
“Gadhow ku sii daayee gafuur dhaaf.”
Allaylehe kuwanaa dabarka goostay, iyadoo taasi jirto haddana qofka wax qoraya waxa la gudboon in uu ka fiirsado waxa uu ummadda u soo gudbinayo.
Maalintii Jimcihii ee 8dii bishan aynu ku jiro waxaan websaydka Hadhwanaag, ka akhriyey nin lagu magacaabo Abokor Cumar Cismaan, oo laba maqaal soo wada qoray oo labadaba ku caayey ama aflagaadaynayey Maayarka Hargeysa. Waxaanu soo qoray qoraal aan macno badan xambaarsanayn in kasta oo uu u muuqday nin dhallinyaro ah, haddana murti baa ahayd:
“Nin yari intuu geed ka boodu talo ka booda.”
Inkastoo aan u arkay Abokor shakhsi nacayb taasna looma baahna, waxaan xasuusin lahaa in ay xaaraan tahay in qof bini’aadam ah sharaftiisa meel kaga dhacdo diinteenda suubani ma oggala.
Lacagaha la lunsaday iyo waxaad ka sheekaynaysana dalku hanti dhawr buu leeyahay wixii la lunsado iyo wixii laga shakiyaba hanti dhawrkaa inoo qaabilsan, ta kale ee aad tidhi:
“Dalka Iswidhan buu qaxoonti ka qoran yahay Maayarku.”
Kolay warkaasi adiguu kugu kooban yahay , Waase eray su’aale adiga shaqadu Maxay tahay?, kolay socod barad baan kuu arkaa anigu, laakiin meel wanaagsan ka bilow nolosha xumaan horumar laguma gaadhee.
Waxa kale oo aan ku faa’iidaynayaa saddexda nooc ee bini ‘aadama shakhsiyadoodu u qaybsanto waxaanay kala yihiin sida soo socota:
- Qof dadka uun ka sheekaya(Tusaale ninkii hebel baryahan wuu lacagaystay, hebelkii kalena wuu dhuubtay, heblaayo waa la furay, hebelkii kalena wuu guursaday, hebelkii kalena wuu dhoofay Qofka caynkaas ah Soomaalidu waxay u taqaanaa maangaab.
- Qof dhacdooyinka uun ka sheekeeya (Tusaale, arax baa halka ka dhacay, Ruushkaa Maraykan u hanjabay, daad baa qaaday dadkii dooxa ag deganaa I.WM. Qofka caynkaas ah Soomaalidu waxay u taqaana, meel dhexaad.
- Qof fikrado cusub keenta (Tusaale qof waxyaabo cusub ku soo kordhiya dunida, ama horumar balaadhana gaadhsiiya ummaddiisa) qofka caynkaas ah Soomaalidu waxay u taqaanaa “wax garad” ama hal-abuur .
Hadaba adigu waxaad noqotay kuwan dadka uun faalaynayee bal dib iskugu noqo.
Dhinac kale Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Caydiid “Soltelco” haddaan waxyar kaaga taabto intii uu xilka hayey wuxuu ku talaabsaday horumar la taaban karo , haday noqoto bilicda caasimada oo uu hagaajiyey, marka loo eego cidihii ka horeysay, wadooyinkana daa hadalkooda intaas oo wado oo cusub buu soo kordhiyey, tusaale wadadii ugu dambaysay ee laga dhisayey degmada 26-ka Juun oo isku xidhi doonta Boqol iyo kotonka iyo Goljano .
Meelaha qaar markaad marayso waxaad arkaysaa islaamo u ducaynaya oo leh Maayarkani Cabdiraxmaan waa dal dhaweeye oo magalaadii buu isku soo dhaweeyey.
Waxa taariikhda u gashay oo aan la dafiri karin in uu noqdo ebid Maayarkii ku dhiiraday in ay suurta gasho oo ay socoto rakibaada qalabtkii wadooyinka oo isu jira dhowr warshadood oo rakibaadoodu socoto, markay hawshaasi dhammaato Margeysa iyo Somalilandba ka haqab beeli doonaan wadooyin casri ah haddii eebbe idmo.
Waxaa haatan bilaabmay hawlo baaxad leh oo lagu qurxinayo Hargeysa sida wadooyinka hareeradooha oo la dhigayo marmar iyo dhirayn qurux badan oo lagu xusuusan doono.
Waxyaabaha yar yar ee dhimana waxaan Illaahay ugu baryayaa in uu fududeeyo, waanan uga mahad celinaynaa Maayarka hawsha adag ee u qarankiisa u qabtay taariikhdaana xusi doonta haddii aad adigu xusi wayday. Adiguna haku mashquulin wax aan shaqadaada ahayn.
Waxaan hadalkaygii ku soo afmeeray:
“xaashee nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaab.”
WQ: kamaal Xasan isaaq
00252-634402758
Email. kamalcadow@hotmail.com
Hargeysa Somalilad .
Muwaadin dalkiisa iyo dadkiisaba jecel.
(MDDJ)