Wasiirka Arrimaha Dibedda oo beeniyey warar uu baahiye wargeyska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah Dr. Sacad Cali Shire ayaa waxa uu ka jawaabay war uu baahiyey wargeyska Afrika oo nuxurkiisu ahaa in wasiirka dawladda Jarmalka ee horumarinta iyo iskaashiga caalamiga ah Dr. Gerd Muller uu baajiyay safar uu ku iman lahaa Hargeya toddobaadkii tagay, kadib markii uu wax xidhiidh ah ka waayay dawladda Somaliland.

Wargeysku, wuxuu sheegay in wasiirka oo marayay dalalka Kiiniya, Jabuuti iyo Tansaaniya uu ka noqday dalka Jabuuti, kadib markii uu dawladda Somaliland ka waayay wax xidhiidh ah oo ku saabsan laba qodob oo ay saraakiisha wasiirka u qaabilsanayd hab maamuusku dalbadeen oo ahaa inay dawladda Somaliland soo diyaarisoย  warbixin ku saabsan mashaariicda ay dawladda Jarmalku ka hirgelisay Somaliland iyo goobaha ay dawladdu doonayso in uu Wasiir Ger Muller booqdo.

Hase yeeshee Wasiir Sacad Cali Shire, oo shalay la soo xidhiidhay wargeyska Geeska Afrika, ayaa sheegay in wasiirkaas Jarmalka ahi aanu la soo xidhiidhin wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, waxaanu Wasiir Sacad Cali Shire yidhi:

โ€œWasiirka Jarmalka ahi aniga ilamuu soo xidhiidhin, cid kale oo Wasaaradda ahna lamuuย  soo xidhiidhin,anaga ayaa jecel inuu nala soo xidhiidho oo uu dalka yimaado, fursad qaaliya ayeyna inoo noqon lahayd. Laakiin fursadaas maanu dayicin, maxaa yeelay inaga ayaa caalamka u baahan oo doonayna inaynu qadiyada Somaliland ka dhaadhicino.โ€

Wasiirka Arrimaha Dibedda oo hadalkiisa sii wata ayaaย  yidhi:

โ€œSomaliland waa dal madax-banaan, oo shurudihii dawladnimo buuxiyey, oo Caalamka ka mid ah, balse doonaya in Ictiraafka ka dhiman oo qudha inuu helo, waxaana dhab ah inay Somaliland buuxisey shuruudihi dawlad looga baahna, oo si wanaagsan ula dhaqanta Wadamada Jaarka iyo kuwa Caalamkaba, waxayna hadda Somaliland aduunka uga marti tahay Ictiraaf caalami ah.โ€

bandhige@gmail.com