Waran-cade waxa uu soo saaray wareegto lagu amrayo Hay’addaha Dawliga ah iyo kuwa madaxa-banaan in aanay u adeegin qof aan haysan kaadhka muwaadinka iyo ka qaxoontiga

Wasiirka Wasaarada  Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Waran-Cadde ayaa waxa uu maanta soo saaray waareegto lagu amrayo dhammaan Hay’addaa Dawliga iyo kuwa madaxa-banaan  oo lagu wargelinayo in adeegyada ay bixiyaan ee uu qabanayaan muwaadiniinta ee ka mid yihiin Sharciyada dhulka, Liisanada baabuurta, Iskuulada, Jaamacadaha, Cisbitaalada, Hudheelada, Xawaaladaha, Macradada Baabuurta Lagu Iibiyo Ama Lagu Kireeyo iyo dhamaan wixii adeega ee laga fulinayo dalka in lagu xidho kaadhka Aqoonsiga Muwaadinka iyo kaadhka qaxoontiga si loo sugo qofka adeega  loo samaynayo cidda uu yaay iyo waxa uu qabto.

Wareegtadan  oo  dhamays Tirana waxay u dhignayd sida tan:

KU: Dhamaan Hay’addaha Dawliga ah iyo kuwa madaxa-banaan xarumahooda

OG: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

UJEEDO: Wareegto Wasiir NO: 01/2016

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudduhu

Markuu Arkay:                          baahida loo qabo in la kala saaro Muwaadinka iyo Dadka Ajaanabiga

Markuu Arkahy:                        baahida loo qabo ilaalinta Nabadgalyada Dalka iyo Muwaadiniinta reer Somaliland

arkuu garawsaday:                  in ay lagama maarmaan tahay in dhamaan Hay’addaha Dawladu iyo kuwa madaniga ahba in ay ku dhaqmaan meeelmarinta iyo fulinta shuruucda Dalka.

 

Wuxuu Amrayaa

Laga bilaabo Maanta oo taariikhdu tahay 01/04/2016 waxaa lagu wargalinayaa Dhamaan Hay’addaha Dawliga ah iyo kuwa Madaxa banaan in Adeegyada ay bixinayaan ee ay u qabanayaan Muwaadiniinta haday tahay Sharciyada Dhulka, Liisanada Baabuurta, Iskuulada, Jaamacadaha, Cisbitaalada, Hudheelada, Xawaaladaha, Macradada Baabuurta lagu Iibiyo ama lagu kireeyo, iyo dhamaan wixii Adeega ee laga fulinaayo Dalka gudihiisa waxaa waajib ah in lagu  xidho Aqoonsiga Muwaadinka ee (ID card-ka Muwaadinka), si loo sugo qof Adeega loo samaynaayo cida uu yahay iyo waxa uu qabto. Dadka Ajaanibka ah ee ku sugan Dalka gudihiisa iyagana waxaa lagu xidhayaa Aqoonsiga Dal ku jooga ay bixiso Waaxda Socdaalku (Immigration), sidoo kale cidii sidata Baasaboor iyo Dal ku gal(entry Visa) aan wakhtigiisu dhicin qofkii aan sidan Aqoonsi Cidii adeeg u fulisa waxa uu noqonayaa Dambiile Qaran waxaana laga qaadayaa Talaabo sharciga waafaqsan.

Sidoo kale dadka ku dhex safaraya Dalka Gudihiisa waa in lagu xidhaa Aqoonsiga Muwaadinka ee (ID Card-ka), isla markaana shaqaalaha ka shaqeeya dhamaan xarumaha Ganacsi iyo xarumaha Dawladu waa in ay haystaan Aqoonsiga Muwaadinka ee ID Card-ka, cid kasta oo shaqo siisa qof aan haysan Aqoonsi waxa uu noqonayaa dambiile.

Sidaas darteed, laga bilaabo taariikhda kor ku xusan waxaa waajib ah ku dhaqanka wareegtadan.

 

Allaa Mahad Leh

Cali Maxamed Waran-cade 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha