Barta aan ku leeyahay Baraha Bulshada waxan ku so bandhigay Laba qormo Oo maalmihii u danbeeyay dood adag ka dhaliyay Social Media-yaha, labada qormo Oo Kala Ahaa Muse Bihi Oo Askari Police ah Oo shaqadiisa gudanaya ku xidhay amarkayga ayaad diiday sida ay Inoo sheegeen qoyska Askarigu & Video aan so share gareeyay Oo Muse Laftiisu ku sheegay Gobolka Gabiley in uu yahay Gobolka ay ka so baxaan Tijaarta Somaliland 50% Sidoo kale Waxa uu yidhi Gobolkan aan ka so jeedaa waa Gobolka ugu Codka badan Somaliland Ee lagu Kala baxo Marka la tartamaayo.
Intaa Kadib Waxa dhacday dood adag Oo dadka qaar si caadifadaysan uga hadleen, Muse wuxu u sharaxan yahay Madaxwayne Qaran wuxu cod ka raba bulsho dhan 4 million ilama haboona Gudomiye Muse in uu isku Soo koobo Dalka Oo Gabiley kaliya ku qanco Dalkuna wuu ka balaadhan yahay Gabiley.
dad aan ka mid ahay Hadii ay ku qanci waayaan Hogaaminta Muse maaha in qalad laga fahmo maxa yeelay Dalku Waa Democracy Qofka bani,adamka ahna ILLAAAHAY wuu kareemayay waxanu siiyay Maskax uu wax ku garto & Caqli uu wax ku doono waxna ku diidi Karo si xor ah.
Dadka qaar doodoodu waxay ahayd Dumar baad tahay waxna kaama galin Siyaasad, arinta Musena Kama hadli kartid, taas waxan u arka dood Raqiis ah Siyaasada Dalka & Hogaanka Wanagsan Ee aynu u baahanahay sida uu Guud ahaan nolosheena u saamaynaayo ayuu si gaar ahna wuxu u saamaynayaa nolosha Haweenka & Caruurta xaqna waxay u leeyihiin in ay ka hadlaan Siyaasada Dalka Ana Waan ka hadli karaa Oo farta ayaan ugu Fiiqi karaa Umadayda Hogaamiyaha Wanagsan Ee Wax ka Qaban Kara yoolka ay higsanayaan hanka himilada & hadafka ay nolosha ka leeyihiin Hogaamiyaha ka rumayn Kara isbedel dhab ahna abuuri Kara, Sidoo kale waxan xaq u leeyahay in aan ka hadlo Oo Dadkayga ugu diggo Hogaamiyaha Kalitaliska ah Ee aan hanan karayn Dalkan & Dadkiisa Ee dib u dhac & horumar la,aan aan ku tuhmaayo.
Wakhtigii ay dhacday fidnadii lagu intaxaamayay Asaxaabta Waa Dagaalkii la baxay Safayn Goobtaas Waxa ka kacay Dumar taageersan Sayid Cali, halka ay Caasha Umul Muuminiin & Haween kale ILLAAAHAY raali ha ka noqdee ay ka so baxeen shirkii iyaga Oo dadka ku boorinaysa in Cali laga so hor-jeedsado sheegayna Hogaaminta Calina in aanay kalsooni ku qabin.
Dumarku wax way diidi Karan waxna way dooni karaan fikirkooda wanagsana way so bandhigi karaan maxa yeelay Waa qayb Bulshada ka mid ah.
Islaamkuna sidiisaba wuxuu Qof walba xaq u siiyay in uu dhiibto fikradiisa & sida ay wax ula muuqdan, in uu naqdiyo ama khilaafo fikrad Qof kale qabo, Urur kale qabo ama Guud ahaan Cid kaleba ay qabto xataa haday tahay Madaxda Wadanka u sareeya.
Diinta Islaamkuna iyada Oo xornimada fikir dhiibashada dadka ku dhiiri galinaysa ayaa waxay ku sheegtay naqdinta loo Soo jeediyo Madaxda ama Hogaamiyaha in ay tahay ta ugu Fadliga badan Jihaad la gallo, Nabigeenii Suubana (NNKH) mar la waydiiyay Jihaadkee ugu Fadli badan wuxu ku jawaabay “Kalmad xaq ah Oo la gaadhsiiyo ama laga ag-yidhaaho Hogaamiye xad gudub badan”
Wakhtigana waaka aynu ku sheegno Kaligii Taliye jeelka & xadhigu ka so horeeyo.
Quraanka Kareemka ahina waxabuu Umada Nabi Mohamed (NNKH) ku amaanay in ay yihiin Dad wax isku sheega Oo aan ka Waaban in ay Wanaga is Faraan waxaa Qaladka ahna iskaga Digaan, waana ka ILLAAAHAY (SWT) ku leh Suurada AL-cimraan aayada
(١١٠ (كنتم خير امةٍ اخرجت للناس تامرون بالمعروف وتنهون عن المنكر وتؤمنون باالله ولو ءامن اهل الكتٰب لكان خيراً لهم منهم الموءمنون واكثرهم الفٰسقون)
Waxad tihiin Umad la Soo saaray ta ugu khayrka badan Maxa yeelay waxad is fartaan Wanaaga Waxanad isku diidaan Xumaanta.
Gunaanadka Qormadana waxan ku eeyahay qolooyinka New Kulmiye Ninkii u hanwayn Hogaanka Dalkoow Hankaagu ha dhaafo Reer Hebel
Naciima Galiixe