Human Rights Watch waxay ku eedeysay dawladda Masar in ay jidh-dil u gaystaan maxaabiista

Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Right Watch ayaa sheegaysa in jidh-dil loo gaysto maxaabiista mid ka mid ah xabsiyada ugu dhibka badan ee dalka Masar.

Maxaabiista ku jira xabsigaTora ayaa u sheegay hay’adda in la dilo, cunnada loo diido, laguna xidho qolal aanan lahayn daaqado, lagana hor istaago in ay helaan dawooyin.

Hay’adda Human Right Watch waxay sheegtay in la aaminsan yahay in xaaladahan ay sabab u ahaayeen dhimashada ugu yaraan lix qof oo u xidhnaa arrimo la xidhiidha siyaasadda sannadkii la soo dhaafay.

Saraakiisha dalka Masar ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan eedeynta lagu xusay warbixintaasi.

Jeelasha Masar ayaa waxa ka buuxa oo ay dawladdu soo xidh-xidhay kooxaha ururka Ikhwaanal Muslimiin iyo kooxo kale oo Islaaminiyiin xag-jir ah.

bandhige@gmail.com