Madaxweynihii hore Israa’iil Shimon Peres oo geeriyooday

Madaxweyne hore Israa’iil Shimon Peres ayaa geeriyooday isagoo da’diisu tahay 93 jir.

Shimon Peres oo ahaa Siyaasiga rug caddaaga ah ee reer Israa’iil isla markaana hadda ka hor ku guuleystay billadda nabadda ee nobel.

Peres ayaa waxa la dhigay cusbitaalka labo usbuuc ka hor, xilligaasi oo uu soo ritay xanuunka faaligga.

Shimon Peres ayaa waxa uu ka mid ahaa jiilkii ugu dambeeyay ee siyaasiinta Israa’iil ee u soo joogay aasaaskii Israa’iil sannadkii 1948-kii.

Waxa uu la soo shaqeeyay 12 xukuumaddood oo israa’iil soo martay, labo jeer waxa uu noqday Raysal- wasaare, xilligii ugu dambeeyayna waxa uu noqday madaxweynaha israa’iil.

Sannadadii ugu horreeyay, waxa Peres loo arkayay dagaal ooge balse 1990-meeyadii waxa uu door muhiim ah ka qaatay heshiis siyaasadeed oo israa’iil ay la gashay Falastiyiniinta.

bandhige@gmail.com