Xasan Al-Banna: Dheemankii Qarniga Q. 5aad (WQ: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub)

Bud-dhigga Ikhwaanka ‘Manhaj’

Sixid (Qormadii hore waxa aynnu ku sheegnay in hoggaanka Ikhwaanku sagaal xubnood ahayeen ama imaamka iyo siddeed ka dambeeyey, sidaa darteed hal xubin baynu ilduufnay; Maxamed Mahdi Caakif oo ahaa hoggaankii toddobaad. Saaxiib magaciisa ku soo ururiyey Xaaji Madad baa fariin igu soo diray boggayga Faysbuugga, ina saxay. Mahad korkiisa ha ahaate.)

Siddeedan qodob ee soo socda waxa u xariiqay Imaamka oo kolku asaasayey dhaqdhaqaaqa bud-dhig ugu dhigay:

  • Dacwad Salafi ah: qaab-fikir iyo habdhaqan ku salaysan kii la ammaanay ee saddexdii qarni.
  • Dariiqa Sunniya: waddo waafaqsan tubta sunniga ee ku salaysan fikir tolmoon oo loo qaado sidii ay u fahmeen inta ku abtirsata dhabbadan sunnigu.
  • Suufinnimo xaqiiqo ah: Suufinnimadu xilligii hore waxa ay ahayd mid la ammaanay oo ujeedkeegu ahaa; “Tarbiyeynta nafta, nadiifinta qalbiga, ku sugnaanta akhlaada wanaagsan, ka fogaanta xaaranta…..” Horseed waxa ka ahaa culimo iyo akhyaar la ammaanay oo aan la ceebayn; Abu Qaasin Junayd, Abu Maxamed Ruwayn, Abu Cabbaas Al-Adami, Abu Isxaaq Ibraahin, Abu Qawaaris Shaah iyo rag la wakhti ahaa.

Afartii imaam ee madaahibta inoo bud-dhigay qudhooda ammaan baa laga hayaa ay ammaanen Suufiyada. Sheekh Taymiya isna waa ammaanay, iyaga warkooga daa; Suldaankii Culimada Cisi ina Cabdisalaan, Nawawi, Qasaaligii hore.

Xilli dambe ayaa la falsafadeeyey oo lagu daray intii lagu ammaanay in aan ahayn, loona leexiyey khurafaad aan diinta sal ku lahayn, laakin bilowgeedii hore waxa ay ahayd mid la ammaanay culimadii ugu waawaynayd ee xilligaa noolana ammaaneen. Imaam Banna tuu sheegayana wataa hore ee la ammaanay.

  • Hay’ad siyaasiya: in la diyaariyo dadyow u heellan hoggaamin, lehna aqoonteed, xirfaddeed iyo kartideedba.
  • Unug jidh ahaan dhisan: sida aqoon ahaan la iskaga dhisayo in xirfad ciidannimo la iskaga dhiso.
  • Aqoonta maaddiga iyo dhaqanka: in la helo dadyow ka dhisan labada aqooneed; dhaxalka ‘diinta’ iyo dheefta ‘maaddiga’ oo aan la kala qaadin. Sidoo kale la helo dadyow dhaqan leh oo aan dhaqankoogi iska xoorin.

Ikhwaanka iyo Siyaasadda

Ikhwaanku kaliya inta ay hammiyeen lama aanay seexan ee waa ay ka dhabeeyeen yoolkoogi, waxa ay yeesheen hoggaamiyaal caalami ah oo dalalkooga madax ka ah ama ka soo noqday; Rajab Dayib Orudgan madaxweynaha Turkiga Korreeye hadima oo dhan haka dhowre ayaa ka mid ah ragga lagu galladay ee ka dhabeeyey qaabdoonistii Banna. Cabdi-Ilaah Kiraan raysalwasaaraha Marooko ayaa isna ka mid ah dhaqdhaqaaqan. Najmudiin Bakaar oo raysalwasaare hore uga noqday Turkiga ayaa ah hannadada soo maray dhaqdhaqaaqan.

Cali Cismaan Daah oo madaxweyne ku xigeen ka soo noqday Suudaan ayaa isna ka mid ah, Ismaaciil Haniya oo Falastiin ka soo noqday raysalwasaare ayaa isna ka mid ah.

Maxamed Mursi Sarreeye haka soo furto gacanta gafsanahee, wuxu taagay dawlad bilawgeeda dhallinayaro gadoodday dhaliyeen. Haddana wala ogaa sidii jalafooyinka ay ugu dhigeen dhaqdhaqaaqyo Muslimiin ahi oo ay raggi xukunka ka tuuray u soo raaceen una soo maalgaliyeen, Ilaah baa ka abaaline. Turaanturyinkiisuna waxa ay ahayeen qaar ka imanayey la qabsi la’aanta hoggaamintan mar ku soo botada ahayd, isna wuxu ka mid ahaa raggi dhaqdhaqaaqan ku abtirsada ee jagada madaxweyne soo qabtay.

 

La soco qaybta lixaad……

Talo iyo tusaale ba waa xaggina

 

Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan-Rakuub

Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Tell: Telesom: 063 440 85 03. Somtel: 97 08 515

Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com

Rakuub.wordpress.com