Saami-qaybsiga Soomaalilaand waxa ay Soomaalilaand ku tahay Beelaha Bari iyo Galbeed

 

Dawladnimadu waa wax wada lahaansho, ma ah wax isa siin

 

Dharaar baa imman doonta

Dadka Sool iyo Awdal ee

Aadanow hagrateen

Raadcadodu adkaatoo

Lagu raadsho ileys[1]

 

Mohamed Hashi Dhamac (Gaariye), Allow kuu naxariiso, Amiin Amiin Amiin

 

 

Mohamed A. Askar 

March 2016

Rag caddaalad waayaa sidii cawsha kala yaacye”[2], waa qayb ka mid ah gabay uu tiriyay Alla ha u naxariistee Faarax Laanjeer oo ahaa gabayaa Soomaaliyeed. Waxa aan u soo qaatay tuducdan gabayga ah, xaalka Soomaalilaand ee maanta oo iila eekaaday waxa uu abwaankani  ka hadlayo. Caddaaladu waa shay lagama-maarmaan u ah nolosha oo dhan. Mar kasta oo wax wada lahaanshaha dadku hoos u daadagana, baahida caddaaladu waa ay sii korodhaa. Tusaale ahaan, todobada iyo badhka bilyan ee adduunka ku nooli waxa ay u baahanyihiin in ay ku wada noolaadaan caddaalad, halka sagaalka boqol ee milyan ee Afrika ku noolina ay u baahanyihiin caddaalad taa ka sii badan. Marka ay timaado dad  hal wadan ku wada noolna, baahidooda caddaaladu way sii badataa oo labada caddaaladood ee aan kor ku soo sheegayba way ka badantahay, sababtu wax kale maaha ee waxa soo dhawaaday oo batay wax wada lahaanshihii iyo waliba wax is yeelidda haddii ay xumaato. Caddaaladda looga baahanyahay inta magaalo wada degan ama qoys aabo, hooyo iyo carruur ka koobanna ka sii badan.

Haddaba in badan baynnu maqalnaa dadka oo ka hadlaya caddaalad ee waa maxay caddaaladi horta? Maxaynu uga baahanahay caddaaladda? Caddaaladda siyaasaddu waa mid noocee ah? Caddaaladdu sideedaba waa sinnaansho ay dadku u sinnaadaan helidda xuquuqdooda iyo ciqaabta ku gaboodfalka wixii la wada dhigto ee sharci ah. Dabcan waxa kale oo caddaaladda ka mid ah, ka wada qayb qaadashada sammaynta wixii caddaaladdaa lagu ilaalin lahaa oo ah sharci iyo ciddii sharcigaa fulin lahayd oo ah dawlad. Adduunyadu waxa ay hore isula garatay in caddaaaladda noocaas ah loo baahanyahay oo ayna cidina la’aanteed noolan karin, haddii ay dhacdo in ay noolaatana ay meeshaa caddaalad darro taalo natiijadeeduna tahay burbur iyo baaba’.

Inkasta oo caddaaladda aan ka hadlayo si guud loo qaadan karo, haddana halkan waxa aan si gaar ah ula jeedaa caddaalada la xishiidha saami-qaybsiga xubnaha golaha wakiilada Jamhuuriyadda Soomaalilaand. Aragti ahaan, aniga caddaaladda siyaasaddu way igala duwantahay ta markaaba laga yaabo in ay qofka madixiisa ku soo degdegto ee ah, in tiro ama dhul wax lagu qaybsado. Anigu, fikirkaa ma qabo ilamana saxsana. Siyaasaddana labadaa uun wax laguma qaybsado e, waxa jira siyaabo kale oo badan duniduna ku shaqayso.

Bal hadda aan soo qaaddano dhawr tusaale oo aan ku iftiiminayo in aan tiro iyo dhul uun wax lagu qaybsan ee ay jiraan habab kale oo siyaasadeed oo loo qaybsado waxa la wada leeyahay. Aan ku horreeyo Baarlamaanka Middawga Yurub. Baarlamaanka Yurub tiradiisu waa 751 xubnood oo si toos ah looga soo doorto 28ka dal ee xubnaha ka ah Middawga Yurub[3]. Tollow haddaba waa su’aale, siday wax u qaybsadaan? Ilayn iyaga ayaa inoo keenay dawladnimada iyo dimuqraadiyaddan aan la daala dhacsanahaye. Ma tiro iyo dhul bay wax ku qaybsadaan? Inkasta oo ay tiro wax ku qaybsadaan, haddana si buuxda looguma dabaqo sharciga in tiro wax lagu qaybsado wadamada yar yar sida Maalta, Iistooniya iyo luksanbeerg. Si loo tuso in aan Midawga Yurub laga lahayn, waxa wadamadan yar yar ee aan xusay iyo kuwa kaleba la siiyay wax ka badan wixii ay tiro iyo dhul ku heli lahaayeen. Si kale haddii aan u dhigo, waddamada waawayn sida Jarmalka oo kale ayaa oggolaaday in ay wadamada yaryar ee sida Maalta ahi ay dareemaan in aan laga lahayn yurub. Waana taa caddaaladda siyaasaddu, ee maaha anaa kaa tiro iyo dhul badan ee waxa aan doono doon.

Labadan waddan ee aan soo qaatay waa Jarmalka iyo Maalta e, uguma kala tiro badna baarlamaanka Yurub si la mid ah sida ay u kala tiro badanyihiin ama u kala dhul wayn yihiin. Jarmalku waxa uu ka dad badanyahay 190 jeer tiro ahaan wadanka Maalta, halka dhul ahaana uu ka waynyahay in ka badan 1,130 jeer[4]. Haddaba, Marka ay reer Maalta ku leeyihiin 6 xildhibaan Baarlamaanka Yurub waxa ay ahayd in uu Jarmalku ku lahaado 1,140 xildhibaan haddii tiro la eego halka ay tiradaasi aad uuga sii badanayso haddii dhul la eegona. Laakiin si ay reer yurub wax u wada lahaadaan isla markaana inanka reer Jermal iyo inanka reer Maalta ay si isku mida ugu arkaan in ay Yurub tahay wax ay wada leeyihiin oo aan midna laga lahayn, Jarmalku wuu tanaasulay waxana uu qaatay 96 xildhibaan. Tirada dadka reer Maalta ee ka qayb gashay doorashooyinkii Baarlamaanka Yurub ee 2014kii oo ahayd 74% waxa ay aad uga badnayd ta Jarmalka oo ahayd 48% taasina waxa ay markhaati u tahay in aan inanka reer Maalta laga lahayn Yurub ee uu isagu wax dheeryahay inta kale[5]. Waana taa caddaaladda siyaasadeed ee wax lagu wada yeelan karaa sida aan qabo.

Dad badan baa laga yaabaa in ay is yidhaahdaan, dee annagu ma reer yurub baannahay ee bal aan soo qaato dawladdii mudowgii Soomaalilaand iyo Soomaaliya ee 1960. Sidee loo qaybsaday wixii la wada lahaa ee la isku darsaday? Maxaa se ka dhashay sidii wax loo qaybsaday? Baarlamaankii Soomaaliya ee 1960 waxa uu ahaa 123 xildhibaan tiro ahaan, waxana reer Soomaalilaand looga qoondeeyay 33 xildhibaan[6]. Waxa mar qudha la waayay saamayntii siyaasadeed ee ay ahayd in ay ku yeeshaan 33kaa xildhibaan siyaasadii Soomaaliya ee wakhtigaasi. Wax kaleba ha joogaane, waxa ay saamayn ku yeelan waayeen go’aamada culculus ee u baahnaa saddex daloolow laba dalool (2/3). Taasi macneheedu waa in aanay xildhibaanadaa Soomaalilaand habayaraatee wax saamayn ah ku lahayn shaqada Baarlamaanka oo ay joogidooda iyo maqnaanshahoogu uu isku mid ahaa. Intaa uun kuma ay ekayn wax qaybsigii foosha xumaa ee waxa reer Soomaalilaand loo dulmay sida ay maanta cid gaar ahi u dulmiday intii kale ee reer Soomaalilaand, waxana laga qadiyay, caasimaddii, madaxwaynihii, ra’isal wasaarihii, taliyayaashii ciidamada booliska iyo milatariga, gudoomiyihii maxkamada iyo waliba wixii wasiirro naf lahaa sida wasiirka maaliyada, wasiirka waxbarashada, wasiirka arrimaha dibada iyo wasiirka qorshaynta qaranka.

Maxaa haddaba ka dhashay saami-qaybsiga noocan ah oo, waliba haddii tiro iyo dhul la eego, noqon karayay mid cadaalladda u dhow haddii aanu cadaalladba ahayn? Waxa ka dhashay saluug iyo qanacsannaan la’aan aanay dadka reer Soomaalilaand ku qancin dulmiga meesha ka dhacay. Halkan waxaa xusid mudan in dad badan oo lagu tirinayay in ay ka mid yihiin kuwa dulmiga gaystay, ay reer Soomaalilaand saluugooda iyo dulmiga lagu la kacayba gar u arkayeen. Nasiib darro se, way aamuseen si la mid ah sida maantaba ay Soomaalilaand dhexdeeda uga aamusanyihiin in badan oo dulmiga dhacaya arkaysaa. Isku soo duuduub oo dulmigaa iyo caddaalad darradaasi ka dhacday Soomaaliya 1960 waxay horrseeday burbur keeney khasaare naf iyo maalba leh oo ilaa maanta laga soo kaban la’ yahay. Haddaba su’aashu waxa ay tahay, Soomaalilaand oo dib u heshay wixii ay lahayd, wax ma ka baratay dulmigii ay aragtay waagaa ee xagga saami-qaybsiga? La soco jawaabtu waa xaggiinna.

 

Saskii iyo argaggixii ay reer Soomaalilaand ka qaadeen dulmigaasi waa ta keentay in ilaa maanta loogu taag la´yahay in ay Soomaaliya dib wax ula qaybsato. In dadka reer Soomaaliland la dhibaateeyay ama la laayay ma aha sababta ugu wayn ee ay ugu dhici la´yihiin in ay Soomaaliya mar kale wax la yeeshaan, taa bedalkeeda waa arrimo siyaasadeed oo saami-qaybsigu kow ka yahay. Waxa ay Soomaalilaand is tustay in aanay marna caddaalad siyaasadeed ka helayn Soomaaliya. Kuma dhaliilayo kumana ceebaynayo reer Soomaalilaand in ay sas ka qaadaan Soomaaliya, gar baanan u arkaa in ay dib isku xoraysay haddii wax la wada yeelan waayay. Waxa kale oo iyaduna taa la mid ah, sababta ay reer Buntlaand u diideen heshiiskii dhex maray Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo dawlad gobolleedyada ay sheegto in ay maamusho ee ku sahabsanaa habka ama qaabka ay u dhacayso doorashada Soomaaliya ee 2016 ee looga gudbayay habkii hore ee 4.5. Sababta ugu wayn ee ay Buntlaand u diiday heshiiskani ma ah sida ay had iyo goor dadka warbaahinta noocyadeeda kala duwan uga sheegto ee ah in aanay 4.5 oo hadda wax lagu qaybsadaa aanay dadka iyo dalka Soomaaliyeed midna dan u ahayn. Si taa ka duwan, Buntlaand waxa ay saluugtay waxa ay ku helayso habka saami-qaybsi ee ah 4.5.

Soomaalilaand iyo Maanta

Ma rabo in aan cid niyad jabiyo, aniga laftaydu waan jecelahay in ay Soomaaliaand guul gaadho oo ay waliba aqoonsi caalamiya ka hesho beesha caalamka, haddii ay noqonayso wax la wada leeyahay. Laakiin taasi meesha kama saarayso in aan sheegno wixii dhaliilo jira. Mana qabo in aan mar walba isugu sacabbo tunno goolal aynaan dhallin. Wixii doonaaba ha sababee Soomaalilaand ma ay samayn horumarkii loo baahnaa xagga siyaasadda, marka la eego inta ay jirtay. Bal u fiirso, waxa ilaa maanta qabyo ah oo aanay reer Soomaalilaand wali ka heshiin 25 sanno kaddib, wixii dadku wada lahaayeen oo ahaa dawladnimada.

Haddaan yara taraaro, waxa kale oo waxyaabaha qabyada ah ka mid ah maamulka iyo maamul wanaaga oo aan la korin muddadii ay Soomaalilaand jirtay, musuqmaasuqa oo aan dagaal dhab ah lala galin, shaqa la’aanta oo aan marna si dhab ah qorshe wax ku ool ah laga yeelan, kobcinta garaadka da’ yarta iyo tayada aqooneed oo aan cidiba ilaa maanta is waydiin oo waataa gidaar walba jaamacad laga furay, Isla xisaabtan la’aan heer walba leh, xarumuhii dawlada oo aan sidii la rabay iyo si u dhaw toona u shaqayn, dee wad uun. Waa yaab in wax badan oo dawlada looga fadhiyay ay wali qabyo badani ku jirto, waxa se ka sii yaab badan dadkii cashuurta laga qaadayay ee ay ahayd in ay dawladda la xisaabtamaan oo aan la hayn kaalintoodii. Dawladnimada iyo wax qabadkeedu ka wayn  doorasho mar walba dib u dhacda oo dirqi iyo muran lagu qabto, nabad lagu wada noolaado, guryo la dhiso, xaflado la qabto, bukaanno la booqdo, shir jaraa’id oo la qabto iyo waliba dastuur iyo garsoor aan midna si buuxda loogu dhaqmin oo lagaga kalsooni badanyahay reeraha.

Aan u soo noqdo saami-qaybsiga Soomaalilaand oo ahaa ujeedada maqaalkan. Soo noqnoqoshada arrinta saami-qaybsiga, muranka maanta iyo waliba xal la’aantiisa 25 sanno kaddib oo aan runtii u arko nabar siyaasadeed oo aan wali la bogsiin ayaa waxa ay ka mid ahaayeen waxyaabaha igu dhaliyay in aan maqaalkan qoro. Haa waa run, arrinta saami-qaybsigu waa arrin xaasaasi ah oo laga yaabo in ay xanaf iyo xagxagashoba keento, ogow laakiin waa arrin muhiim ah oo, xal ka gaadhisteeduna ay lagama-maarmaan tahay si loo muujiyo wada lahaanshaha Soomaalilaand isla markaana looga hortago xasillooni darro xagga ammaanka ah oo laga yaabo in ay arrintani horseedo. Waxa aan qabaa in aanay arrintan saami-qaybsigu intaa in ka badan sii huursanaan karin oo ay u baahantahay xal ku dhisan tanaasul, aqoon, waaya-aragnimo laga shidaal qaadanayo wixii la soo maray iyo waliba ka fiirsasho badan oo laga fiirsado oo aan lagu ordin doorasho ay rag kursi isku eryanayaan sidii hore u dhici jirtay iyada oo ay wax walba huursan yihiin. Waxa kale oo ay doodaydu tahay, in arrinta saami-qaybsiga oo meel la saaraa ay ka muddantahay doorasho Soomaalilaand ka dhacda iyada oo aan wax la wada yeelan.

Way fiicnaan lahayd in aan soo dul maro, si kor ka xaadis ah, inta jeer ee ay beelaha Soomalilaand wada dagaa wax qaybsadeen, waxa ay qaybsadeen waxa uu ahaa iyo waliba waxa qaybtaa lagu saleeyayba, laakiin ma samayn oo idinka ayaan idinka tagay, qoraalka oo aan ka baqay in uu dheeraado awgeed. Aan ku ekaado tan ugu danbaysay ee baarlamaanka iyo sidii wax loo qaybiyay. Qodobka 12aad ee habka qaybinta kuraasta ee xeerka doorashada golaha wakiilada ee tirsigiisu yahay Xeer NO. 20-2/2005, waxa uu qorayaa in sidan soo socota waxa loo qaybsado;

  1. “Gobolka Hargeisa 20 kursi
  2. Gobolka Togdheer 15 kursi
  3. Gobolka Awdal 13 kursi
  4. Gobolka Sanaag 12 kursi
  5. Gobolka Sool 12 kursi
  6. Gobolka Saaxil 10 kursi”[7]

Inkasta oo isla qodobkan ay ku caddahay in xeerkan hal mar la isticmaalayo oo markiina la isticmaalay, aan eegno dulmiga ku jiray oo mar kale la rabo in la laaqdo oo cid gaar ahi u hammuunsantahay wixii la wada lahaa. Isku darka xildhibaannada labada gobol ee Awdal iyo Sool waa 25 tiro ahaan. Shan iyo labaatankan xildhibaan waxa ay in badan ka yar yihiin kala badh iyo hal (41+1) oo ah tirada xildhibaanada ah ee ay go’aamada ugu badan ee Baarlamaanku ku ansaxaan. Bal aan idin su’aale e, maxaa looga baahanyahay 25 kan xildhibaan ee Awdal iyo Sool haddiiba la gaadhi karo go’aamo masiiriya sida in kooramku furmo la’aantood oo aanay habayaraatee wax saamayn ah ku lahayn. Aaway wax wada lahaanshihii? Sida ku cad dastuurka Jamhuuridda Soomaalilaand qodobkiisa 45aad ee ka hadlaya fadhiyada golaha wakiiladu waxa uu sheegayaa sidan ”Go’aamada Golaha waxa ay ku ansaxayaan hal dheeri xubnaha jooga fadhiga (aqlabiyad fudud), marka laga reebo xaaladaha Dastuurku ama Xeerhoosaadka Goluhu uu u jideeyo aqlabiyad kale[8]. Haddii aad ila socoto, taasi macneheedu miyaanay ahayn Awdal iyo Sooleey jooga ama ha joogina? Jawaabtu waa idinka ee bal aan eegno qodobka 53aad farqooyinkiisa 1-7 oo qeexaya awoodaha iyo waajibaadka golaha wakiilada oo haddii aan si kale u dhigo noqonaya go’aamada la gaadhi karo Awdal iyo Sool la’aantood;

 

  1. “Waxa waajib ah inuu oggolaansho Golaha Wakiilada ka helo qof kasta oo loo magacaabo Wasiir, Wasiir-ku-xigeen, iyo Madaxda Hay’adaha Dawladda, iyadoo la raacayo Dastuurka.
  2. Golaha Wakiiladu waxa kale oo uu awood u leeyahay ka doodista, wax-ka-sheegista, celinta oo sababaysan iyo ansixinta Barnaamijka Xukuumadda.
  3. Golaha Wakiiladu waxa uu ansixinayaa heshiisyada dawliga ah ee ay ka mid yihiin kuwa siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgelyo ama kuwa keenaya culays maaliyadeed oo cusub oo aan ku soo aroorin miisaaniyadda, ama keenaya soosaarid ama wax-ka beddelid qaanuun.
  4. Golaha Wakiiladu waxa uu u gudbinaya Golaha Xukuumadda tallooyin iyo tilmaamo ku saabsan siyaasadda guud ee hogaaminta.
  5. Ku-soo rogida dalka, ama qayb ka mid ah xukun deg-deg ah, waxa Golaha Xukuumaddu uu waydiisanayaa labada Gole {Golaha Wakiilada & Golaha Guuritada} oggolaansho.
  6. Golaha Wakiiladu waxa uu awood u leeyahay inuu u yeedho Xukuumadda ama hay’adaheeda iyo wakaaladaheeda, si uu wax uga waydiiyo gudashada xilkooda.
  7. Guddiyada Golaha Wakiiladu waxay awood u leeyihiin in ay Wasiirka ama madaxda hay’adaha Dawladda ama madaxda sare ee kale ee Qaranka ee hawshoodu khusayso, in ay wax ka waydiiyaan gudashada xilkooda”.[9]

 Maxaa kaaga baxay? Dee ha yaabin ee bal ila soco aan kuu soo dhaweeyo oo aan ta ugu daran kuu sheegee. Kuye, waxa ay fadhiyada golaha wakiiladu ku furmayaan kooram ahaan, joogitaanka kala badh in ka badan sida ku cad qodobka 45aad ee ka hadlaya fadhiyada golaha wakiilada farqadiisa 2aad ee dastuurka Jamhuuriyada Soomaalilaand. ”Fadhiga Golaha Wakiiladu waxa uu ku furmi karaa marka ay joogaan kala badh in ka badani, marka laga reebo kuraasida bannaanshahooda la baahiyay.[10]

Ugu danbayn, haddii Soomaalilaand lala sugayo inta ay Soomaaliyi wax noqonayso ama dib u hanannayso dawladnimadeedii oo aanay siyaasiyiinta ka dhab ahayn dib ula soo noqoshada xorriyaddii 26kii Juun 1960 ay Soomaalilaand heshay, waa in arrintaa shacabkana loo sheegaa. Haddii kale, maanta waxa la haystaa fursaddii wax lagu sixi lahaa oo waxa uu xilligiisii dhamaaday xeerkii ku meel gaadhka ahaa, taas oo keenneysa in xeer cusub la sameeyo. Sammaynta xeerkaa cusubi waa fursad wax lagu sixi karo waaba haddii la rabo in wax la saxo e. Isku soo duuduub, anigu waxa aan ku talin lahaa, si loo badbaadiyo wada jirka Soomaaliland oo an dad ka mid ah deegaanka Soomaalilaand loogu kallifin wax nabada iyo xasiloonida wax yeeli kara, isla markaana loo helo Soomaliland waarta oo la wada leeyahay in ay siyaasiyiintu shaqadooda ku daraan qodobadan soo socoda oo shacabkuna taa kula xisaabtamo. Kow, waa in Saami-qaybsiga iyo ku heshiinta waxa la wada leeyahay wax walba laga horraysiiyaa isla markaana mudnaanta koowaadna la siiyo; iyada oo aan dadka doorasho madaxa lagaga qaadin. Xagga saami-qaybsiga, waxa aan qabaa, in aan lagu salayn tiro iyo dhul toona illayn gobolna ama beelina dhexdeeda wax uguma qaybsato sida ay u kala tiro badantahay ama u kala dhul wayntahaye. Waliba aan sii xoojiyee waxa aan aaminsanahay in saami-qaybsiga dastuurka lagu qoro oo aan kolba xeer berri is beddalaya wax lagu qaybsan.  Laba, waa in gobollada Awdal, Sool iyo waliba ciddii kale ee siyaasadda aan saamaynta ku lahayn la siiyaa tixgalin gaar ah oo aanay noqon dad maqnaanshohooga iyo joogitaankoogu isku mid yahay. Haa waxa aan qabaa in wax dheeraad ah la siiyo, waxa ku jirta caddaalada siyaasadda, wada jirka ummadda iyo wax wada lahaanshaha dhabta ah. Tiradda xildhibaanada in la kordhiyaa maaha xalka kaliya ee meesha yaala, waxa wax laga bedeli karaa habka iyo tirada ay go’aamada baarlamaanku ku ansaxaan. Caqliga saxda ah iyo aqoonta siyaasadda midna ma oggola in kooramka Baarlamaanku Awdal iyo Sool la’aantood furmo dabadeedna wixii la rabo la sameeyo. Ujeedadaydu hadda maaha in reer Awdal iyo reer Sool la siiyo awood ay inta kale ee reer Soomaalilaand ku maamulaan, ujeedadaydu waa in reer Awdal iyo reer Sool la tuso in ay Soomaalilaand leeyihiin. Ujeedadaydu waa in aan arko dhallin-yarada reer Awdal iyo reer Sool oo calanka Soomaalilaand ku labista, wajiga ku sawirta oo guryaha   iyo gawaadhida ku sharaxda maalmaha la xusayo 18 may si la mid ah sida dhallin-yarada reer Hargeisa ama reer Berbara ama reer Burco.

[1] Maansadii ”Ergo”, 1992, Mohamed H. Dhamac gaariye, Alla ha u naxariisto, Abwaanka.

[2] Gabay, Faarax Laanjeer (1910-1972)

[3] http://www.europarl.europa.eu/meps/en/map.html

[4] http://europa.eu/about-eu/countries/index_en.htm

[5] http://www.europarl.europa.eu/elections2014-results/en/turnout.html

[6] Taariikh Soomaaliyeed (300 C.H.-1993), Cabdirisaaq Y. Cismaan, boga, 138

[7]  xeerka doorashada golaha wakiilada ee 2005  

 

[8] Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaalilaand 2000

[9] Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaalilaand 2000

[10] Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaalilaand 2000