Maxkamadda Sare ee Ugandha ayaa waxa taageertay najiitada hor-dhaca ee doorashadii Museveni ku guulaystay

Maxkamadda sare ee dalka Uganda oo ka garnaqaysay in natiijadii doorashadii ka dhacay bishii labaad ee sannadkan oo ay komishanka doorashooyinku ku dhawaaqeen natiijo uu markii shannaad uu xukunka ku guulaystay Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa waxay maanta ku dhowaaqday in ay natiijada doorashada tahay mid sax ah.

Inkasta oo ay Maxkamada sheegtay in ay in ay jiraan qaladaado yar-yar oo dhacay, haddana waxay sheegtay in aysan saameyn ku yeelan natiijada kama dambeysta ah ee doorashada, si ay taasi ugu cudur daarto in la nasakho doorashada.

Maxkamadda ayaa diiday codsi ka yimid Raysal-wasaarihii hore ee dalkaas, islamarkaana ahaa musharaxa Madaxweyne Amama Mbabazi.

Guddiga doorashada dalkaas ayaa 20-kii Febraayo ku dhowaaqay in Museveni uu ku guuleystay 60 boqolkiiba codadka, halka Kizza Besigye oo kaalinta labaad galay uu ka helay 30.5 boqlkiiba codadka.

Mbabazi ayaa weydiistay maxkamadda in ay nasakhdo natiijada, sababo la xiriira in guddiga doorashada aysan u hoggaansamin xeerarka doorashada dalkaas.

bandhige@gmail.com