Imaam Banna dabadii
Rabbi naxariistiisa hodanka ah haku gallade kolkii u galbaday Shahiid Banna, sidii ay doonayeen galbeed iyo intii u shaqaynaysayba; dila Xasan Al-banna dabadeed ka nasta ururkiisa ma noqon ogolaansha Rabbi. Korreeye wuxu u soo diray rag halku dhigay ka qaada oo gaadhsiiya halkaa uu maanta taagan yahay.
Ku dhawaad sagaashan sannadood oo uu maanta dhaqdhaqaani jiro wuxu noqday ka ugu faca weyn ee aqoonyahanka Muslinku tubtiisa qaadeen. Wuxu noqday ka qof kasta oo hammi ummadeed sidaa idhaa halkan baad ka heli cid kula garbisa ujeedkaaga.
Odhaahda ah Ikhwaanku waa kursi doon, waxa jawaab u ah; haa waa kursi doon lagu doonayo in lagu soo celiyo dhabbadii toganayd ee Suubbanaha. Se qof kasta oo aan marin waddadaa loo aanayn maayo unugan se isagaa qaadanaya.
Suโaasha halkaa ka dhalanaysa ee ah sooka wanaagiisaba loogu aanaynayo? Waxa u jawaab ah; wanaagiisa wuxu ku raacay tubtii xariiqnayd ee Banna, hadduu xariiqaa baal marana rabbitaankiisu raacay. Haa, rabbitaankiisu raacay oo sunnihii Suubbanaha wuu baal maray, miyaanu odhan Rasuulka xadiiska Bukhaari soo saaray; โMuslimiinta waxa u dhaxeeya waxa ay ku shuruudtameen.โ
Ilaahay SWT gadaashii wuxu keenay aqoonyahanno calankii u qaaday ย u diiday gadaashi in uu iisho. Waxa la yaab noqotay; aqoonyahanno, dakaatiro, injineero iyo waliba cilmibadhayaal caan ahi inay noqdaan qaar fikirkani saameeyo oo qayb ka noqda dardar galinta hawlaha unugga. Sida oo kale aqoon yahanno diineed ayaa iyaguna qaatay fikirkan.
Aqoon ruugga la yidhaa Xasan Nadawi oo qoraladiisa buug iyo maqaallo leh ay tiro dhaafeen ayaa ka mid ah ragga lagu galladay dhaqdhaqaaqan. Wali dhiganihiisa la yidhaa โMaada khasaral Caalam, bin xiddaadil Muslimiinโ ayaa ah mid iibsigiisu suuqa ku jiro. Taa oo muujinaysa sida ilaa xilligan loogu foogan yahay akhrinta ragga u soo saaray imaamku.
Sayid Qudbi ayaa ka mid ah suugaanlayda iyo mufasiriinta ilaa wakhtigan la gudhin laayahay qoraaladooda maanka la hadla. Miyaa la dhigaa dhulka โMacaalim Fi Dariiqโ?ย Soo wali guntiisa lama gaadhi laโa โDilaal Fil Quraanโ? Oo sidu u dhigay wali kitaab tafsiir ahi aannu u qornayn.
Mawduudi iyo dhiganihiisi โXukuma Islaamiyaโ soo ma ogid in ardayda jaamacaduhu sharaxaaddiisa takhasusyo ku qaateen? Isna dheh raggii meel gaadhsiyey dhaqdhaqaaqa.
Fiqiyaqaanka Sayid Saabiq Rabbi ha janneeye ayaa lagu ammaana fanniga fiqiga. Dhiganihiisa โFiqi Sunnahโ waa lagu maamusa sida uu u kala dhigdhigay una soo dhaweeyey fahmidda waxa uu ka hadlayo.
Callaama Yuusuf Qaradaawi waa mid ka mid ah ragga ugu aqoonta badan diinta ee qarnigan nool ama noola. Haddaan is idhaa tiri buugtiisa qoraalkanba wuu innaga qaadan. Ma โFataawa Mucaasiraโ ayeynu ka hadlanaa? Ma โFiqu Sakaatโ ayeynu ammaana? Maย โTarbiya Islaamiya Wa Madarasatu Xasan Al-Bannaโ ayeynu qaada dhignaa? Ma โFiqi Maqaasidu Shareecaโ ayeynu dul istaagnaa? Ma โCaqlu wal Cilmu Fil Quraanโ ayeynu u banbaxnaa?. Hubaashi dhammayn mayno qoraalada tufka leh ee callaama Qaradaawi inoo qoray. Rabbi haka abaaliye waa ragga fikirkani saameeyey.
Sida oo kale magacyadooda dhammayn maynno aqoonyahannada fikirkani saameyey iyo dhiganayaasha ay curiyeen, idil ahaantood Ilaahay raalli haka ahaade waa adeegayaal diinta wakhtigooga u huray. Sida uu hormoodkoogii ba wakhtigiisa ugu huray ee diinta darteed loogu dilay.
La soco qaybta tobanaadโฆโฆ
Hoos ka akhriso qaybtii 1aad ilaa 7aad:
Xasan Al-Banna: Dheemankii Qarniga- Q.8aad,
Xasan Al-Banna: Dheemankii Qarniga- Q.7aad
Xasan Al-Banna: Dheemankii Qarniga- Q.6aad
Xasan Al-Banna: Dheemankii Qarniga- Q.5aad
Xasan Al-Banna: Dheemankii Qarniga- Q.4aad
Xasan Al-Banna: Dheemankii Qarniga- Q.3aad
Xasan Al-Banna: Dheemankii Qarniga- Q.2aad
Xasan Al-Banna: Dheemankii Qarniga- Q.1aad
Facebook: Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub
Talo iyo tusaale ba waa xagginna
Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan-Rakuub
Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub
Tell: Telesom: 063 440 85 03. Somtel: 97 08 515
Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com
Rakuub.wordpress.com