WaxAan halka kan maqaalkan ugu gudbinayaa inta ay khusayso ama u damqada danaha Somaliland iyo horumarkeeda waxaanan ugu bayaaminayaa waxayaabahan hoos ku xusan.
- Waxabarashada
- Imtixaanada samayntooda
- Illaalada imtixaanka
waxa xog ogaal loo yahay oon marag iyo markhaatiba looga baahnayn in wasaarada waxbarashadu ay tahay wasaarada ugu tayada liidata xilkii ay qaranka u haysayna ka gaabisey oo ku sifowday. waxqabad laโaan, habqan iyo kala dambayn laโaan, xafiisyo qadada lagu sugo, faash la yuurur dhex fadhiya ( shaxaad ), isufiirsi aan xad lahayn iyo horumar laโaan.ย
Illaalada Imtixaanka
Waxaana taaba kasii daranย Imtixaanaadka shahaadiga ah oo maraaya meel aan la suurayn karin oo hadii dadka ubadka dhalay loo bandhigi lahaa ay ka dhiidhiyi lahaayeen waxaa ka socda goobaha imtixaanaadka.
Waxaan hubaa oo dad badani hubaan in uu imtixaankii shahaadiga ahaa marayo in macalimiintti uga shaqeeyaan ardeydii ay ilaalinayeen.
Waxaan shalay la kulmay ardayad kasoo baxday imtixaankii shahaadiga ahaa ee fasalada sideedaaad.
Waxaan gabadhii ku idhi maxaa kugu dhacay eed la ooyaysaa
waxay iigu jawaabtay:
โWaxaan ka ooyayaa immtixaanada.”
Waxaan ku idhi ma waxa laydunku adkeeyey ilaalada mise warqadii imtixaankaa lagaa qaaday
Waxay iigu jawaabtay:
ย ”Maya ee waxaan ka ooyayaaย cadaalad darada meesha taala iyo intii aan soo dadaaleyey oo qasaare iigu filaatay. ”
Waxaan ku idhi waayo maxaa sidaa u leedahay
Waxay igu tidhi:
โdhammaan ardeydii imtixaankii waa looga wada shaqeeyey intii kalena way qisheen aniguna 8 bilood ayaan usoo diyaar garoobaayey imtixaankan waana ta sidaa u dhacday.”
Bal hadaba suureeya oo miyey wasaarada waxbarashadu hanan kartaaย horumarinta iyo hagaajinta ubadkeena ileen iyadaaba u horseedaysaย musuqmaasuqa iyo wadan nacaybka.
Wasaarada waxaa la gudbanayd in ardeyda iyo ilaaladaba barashar culus la saaro oo aan loo jimcin ama loo nixin ilaaladooda si aynu usoo saarno ardey xaq iyo dadaal kusoo baastay.ย
Diyaarinta imtixaanka
Waxa sannadkan ka dhacday mid aan hore u dhici jirin waana manhajka imtixaanka lagu soo qaaday oo aan ahaynba kii ardeyda loo dhigay siiba Maadadda Diinta.
Marka ardeygii lagaga soo qaado waxaan loo dhigin 8 biloodna uu soo dadaalaayey miyaanu niyadjabayn oo aanuย nacayn waxbarasho iyo wadankaba.
Markaynu da,yartii midaa dhacsiino waxay keenaysaa inay wadanka ka tahriibaan.
Talaabada haboon in lagaga hor tago
Waxa haboon hadii tabardaradii wasaaradu halkan soo gaadhay in loo gudbiyo imtixaanaadka shahaadiga ah meel lagu kalsoonaan karo ilaaladooda siiba Hayโaddaha amiga si ay iyagu u ilaaliyaan oo ay u maamulaan ilaalada imtixaanaadka qaranka.
Guntii iyo gebabadii waxaan odhan lahaa wasiirkan cusub intaad ku meeraysanayso bilaha fasaxa aha adeer maxad wax uga qaban weydey imtixaanada fashilmay. ย Adeer halka sartu ka qudhuntay dhaliil.
Waxa qoray: Cabdi Caawiye.