Wasiirka wasaarada Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Waran-cadde ayaa waxa xafiiskiisa kula kulmay madaxda Hay’adda ARC ee fadhigeedu yahay Qadar.
ARC ayaa waxay muddo ka shaqaynaysay guddaha Somaliland waxaan inta badan caawissaa agoomah iyo dadka danyarta ah. Waxaanay dalka fulisay iyadoo qodod ceelal, caawinta dadkii abaaruhu saameeyeen iyo sidoo kale caawin laxaad leh oo ay ka qaadato xarunta agoomaha ee ay Kuwayt maamusho.
Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Madaxda Hay’adda ayaa waxay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa deeqaha iyo taageerida dadka jilicsan.
Wasiir Waran-cadde ayaa ku hanbalyeeyay waxqabadka balaadhan ee dalka ka qabteen Hay’adda ARC isaga oo sheegay in looga baahan yahay in ay intaa kasii laban laabaan isla markaana ay gaadhsiiyaan gobolada kale ee dalka.
Masuul u hadlay dhinaca Hay’adda ARC ayaa dhankood waxa uu wasiirka ka dalbaday dhankood in uu kala shaqeeyo dhinaca ammaanka, isagoona tilmaamay in uu ammaanka Somaliland yahay mid lagu faano.
Ugu dambayntii labada dhinaca waxay isla qaateen taageerid iyo horumarinta dadka danyarta ah in laga wada shaqeeyo.