Xaaji Ibraahin Askar Ismaaciil Sahal, oo qudha ka jaray sideetan sannadood, subaxnimadii shalay ahayd, (12 Abril, 2016), ayaa uu ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla magaalada Sheffield ee Waqooyiga Ingiriiska. Jidkii la wada hayay baa uu qaada.
Muddo dhawr sanno ah oo aanu isku magaalo ahayn ayaa aanu is baranay.
Marar dhawr ah oo aan la fadhiistay taariikho badan oo noloshiisa iyo midda ummadda Soomaaliyeedba khusaysa ayaa uu iiga sheekeeyay.
Waayaha uu soo maray oo aad u tiro badnaa (ganacsi, siyaasad, colaad iyo nabad iwm), muddada dheere e uu soo noolaa, xasuustiisa oo aad u fiicnayd iyo geedi-gelinta hadalka oo uu si wacan u yaqaanay oo la isku daray, ayaa sheekooyinkiisa ka dhigi jiray kuwo macno gooni ah leh.
Yaraantii noloshiisa Berbera ayaa uu ka soo bilaabay, halkaas ayaa uu ku dhaqday oo ku dhistay. Ganacsatadii adhiga dhoofin jirtay ayaa uu ahaa laga bilaabo dhammaadkii 1950-yadii ilaa horaantii 1990-yadii.
Dhul badan baa uu maray, dad badan oo Soomaali oo dhan ka kooban iyo ajnabiba waa uu yaqaanay. Dhaqanka Soomaalida, maahmaayada, suugaanta, Qurโaanka iyo diintamna waa uu ku fiicnaa. Ganacsigii dhoofka adhiga iyo dabshidkii ololihii xornimo doonka ee dhamaadkii kontomeeyadii ayaa uu isku mar wada galay. Guddoomiye-ku-xigihii laantii Berbera ee xisbigii SNL ayaa uu noqday xiliyadaas. Qayb noloshiisa ka mid ah, aadna uu uga sheekeeyo ayaa ay ahayd, nolosha Berbera sidii ay ahaan jirtay ayaa uu iyadana xoog uga sheekayn jiray, xasuustiisana aad ugu dheerayd.
Sheekooyinkii badnaa ee uu ila wadaagay waxa aan ka xasuusan ahay middan. Xaajiga waxa ay qaraabo dhaw ahaayeen Kornayl Ibraahin Koodbuur, oo mar ka mid ahaa ciidamadii xoogga dalka Soomaaliyeed la odhan jiray, mar dambena hoggaamiye dagaal oo xoogagii SNM-ta hormuud u ah baa uu ahaa. Koodbuur iyo dawladdii uu sarkaalka milatari u ahaa waxa ay kala dhaqaaqeen ka dib dhacdadii la baxday Birjeex. Waa weerarkii 11 Abril, 1983-kii ay Koodbuur iyo toban jaalayaashiisa ahaa oo hormuud uu u ahaa ay ku weerareen xaruntii Rugta Saraakiisha ee Hargeysa, halkaas oo uu ku xidhna Kornayl Cabdilaahi Askar, saddexduba maanta waa ay dhinteen ee Illaahay ha u naxariisto.
Al-muhim, Dhacdadaasi Xaaji Ibraahin Askar waxa ay u abuurtay duruuf cusub oo qalafsan. Waxa uu Xaajigu ii sheegay in xaakimkii goboladii Waqooyi ee waagas, Jeneral Maxamed Xaashi Gaani, uu u yeedhay, kana dalbaday in uu Koodbuur si uun u soo celiyo. Muddo dheer ayaa arrintaas hadalkeedu socday, waxa ayna yidhaaheen waa la cafinayaa, adiguna waa in ad amuurtaas ka hawl gashid, haddii kale khatar baa aad ku jirtaa.
Xaajigu waxa uu igu yidhi talo ayaa igu cadaatay, wax aan sameeyo na waa garan waayay. Gaani waxa uu dhahay dhakhso war iigu soo celi. Xaji Ibraahin waxa uu ii sheegay in wiil uu adeer u ahaa uu hawd u diray, Koodbuurna fariin u faray.
Ninkii waa uu gaadhay meeshii iyo ninkii fariinta loo faray, jawaabtiina waxa ay noqotay middii la filaayay. Koodbuur waxa uu soo yidhi:
โAdeer iska noqo, laakiin haddii mar dambe aan ku arko dil baa aad tahay.โ
Xaaji Ibraahim jawaabtii noocaas ahayd baa uu Gaani u geeyay, colaad hor leh ayaa u bilaabantay. Xaajigu waxa uu ii sheegay in isaga iyo ganacsato kale dhakhso loo ururiyay, jeel Muqdisho u dhawna lagu guray, intaas ka dib maxaa dhacay?
Xaaji Ibraahim waxa uu igu yidhi:
โDhawr sanno ayaa aanu godka ku jirnay, kadibna, wax lagu magacaabay cafis Madaxweyne ayaa nalagu sii daayey. Waa cafis aan la garanaynin waxa lagaa cafiyey. Markii jeelka nalaga soo saaray, ayaa nala kaxeeyay, oo xaruntii Jeneral Siyaad iyo villa Soomaaliya nalagu shubay. Markii u horaysay noloshayda ayaa aan Ina Siyaad soo hor fadhiistay. Sigaar baa uu buufinayaa, hadba bun madaw ayaa na loogu shubayaa.โ
Hadalkii baa uu bilaabay, waxa uuna nagu yidhi:
โAnigu gurigan aan fadhiyo waa u jeedaan jaalayaal, wax xabad ah oo ku soo dhacaysa miya aad arkaysaan ama maqlaysaan? Isaga ayaa isu jawaabay oo yidhi dabcan waa maya. Idinka (Odayaashii ganacsatada ahaa), ayaa guryihiina xabaddu ku dhacaysaa, idinka ayaana dhimanaaya,ย waxa idinla gudboon in aad u hawl gashaan sidii aad dagaalada la wado iyo xabadda u joojin lahaydeen. Hadal dheer oo waxaasi ka mid yihiin baa uu daldalay, markii uu dhamaystayna waa uu kacay, odayaasha ha la qaado ayaana uu amray.”
Jeneral Maxamed Siyaad guryaha gubanaaya iyo dhibta dhacaysa kol haddii aanay Villa Soomaaliya ku dhacaynin, in aanay waxba ka khusaynin baa uu dareemaayey sida hadalkan ka muuqata, ficilkiisana laga arkaayey. Sidaas darteed, ayaa uu u sugaayay ilaa ay godkiisa beladu ugu soo galaysay.
Sida la wada ogyahay, taariikhda Soomaalida iyo midda caalamkana gashay, Jeneral Siyaad Isaga oo fakad ah baa uu kaare ama taangi milatari kaga fakaday Villa Soomaaliya, kadibna, isaga oo madaxa duuban ayaa uu qaxoonti ahaan Kiiniya ugu talaabay oo dumarkii iyo carruurtii la qaxay.
Waa halkii Abshir Bacadlee:
Goblin talo adduuneey
Maxay galabba heer joogtay
Xaaji Ibraahin Askar Ismaaciil Illaahay ha u naxariisto, inagana ha inooga daba naxariisto. Maktabad gubatay oo kale weeyaan geeridiisa iyo geerida odayaasha la midka ahi. Dadkii uu ka tagay, Xuseen, Xasan iyo Foosiya ayaa aan ka aqaanaa, ย tacsi ayaa aan gaadhsiinayaa iyaga iyo ehelka kaleba.
ย Tacsidiyo quraankaan akhriyay, waa u tagayaane
Togagii janada, eebahay tiisa haw furoโe.
Inaka iyo ubadkuu ka tagay, samirku waw toos.
Tix-raac Abwaan Timacade, AHUN
Waxa qoray: ย Maxamed Haaruun