Hoggaamiyaha mucaaradka ee Koonfurta Suudaan, Riek Machar, ayaa dalkiisa ku soo laabtay si uu ula wareego jagada cusub ee ah Madaxweyne-ku-xigeenka.
Tani ayaa ah tallaabo wanaagsan oo lagu dhaqangelin karo heshiiska nabadeed ee u dhexeeya dawladda iyo mucaaradka.
Khilaafka u dhexeeya Machar iyo Madaxweyne Salva Kiir ayaa sababay in bishii Diisambar ee 2013-kii uu dalkaasi ka bilowdo dagaal sokeeye, kaasoo ay ku dhinteen tobanaan kun oo qof, sidoo kalena ay ku barakaceen in ka badan laba milyan oo qof.
Afhayeen u hadlay Riek Machar ayaa BBC-da u xaqiijiyay in hoggaamiyaha mucaaradka uu ku soo laabtay dalkiisa.
Machar ayaa hadda ku sugan xarunta mucaaradka ay ku leeyihiin bariga Koonfurta Suudaan, gaar ahaan soohdinta uu dalkaasi la wadaago Itoobiya.
Waxaa lagu wadaa in maalinta Isniinta ah uu gaadho Juba oo ay ugu dambeysay laba sanno ka hor.
Beesha Caalamka ayaa xoogga saartay sidii ay labada dhinac u meelmarin lahaayeen heshiiskii ay gaadheen bishii Ogos ee sannadkii ina dhaafay.
Todobaadkii hor in ka badan 1300 oo ah xooggaga mucaaradka ayaa la geeyay Juba, taaso oo qeyb ka ah qodobada heshiiska.
Askartaasi ayaa la filayaa in ay sugaan ammaanka Machar, kadib markii uu sidaa codsaday.
Waxa dhowr jeer oo hore burburay heshiis ay labada dhinac gaadheen, sidaa awgeed waxaa la fili karaa in is-aaminaad laโaan ay ka dhex taagnaato dawladda cusub.
Balse shacabka dalkaasi oo ka daalay colaadda ayaa rajeynaya in dawladda Ku-meel-gaadhka ahi ย si wanaagsan u shaqeyso.