Todobadii Madaxweyne ee ugu muddo xileedka yaraa qaaradda Afrik a (WQ: Sharmarke Cabdi Ibrahim “dhuux”)

Kolka hore aan salaamo saxaafadda madaxa-banaan iyo ta dawladeedba,salaam ka bacdi waxaan halkan ku soo koobayaa maqaal ka hadli doona todobadii Madaxweyne ee ugu muddo xileedka yaraa qaarada Afrika iyo waxa sababay muddo xileedkoodan kooban.

Sida ay qortay jariidada lagu magacaabo African Leadership Magazine blog oo inta badan ka faaloota arrimaha Qaarada Afrika, waxa jira Madaxweynayaal muddo xileedkoodu aad u gaabnaa oo soo maray Qaarada Afrika, sidoo kale waxay jariidadu ka faalootay waxa sababay iyo midkastaa inta uu xilka Madaxweyne hayey.

Caadi ahaan waxa aynu naqaanaa in qaarada Africa ay ka taliyaan madaxweynayaal u badan digtaytarshib oo dalalkooda ku haysta awood ciidan oo aan sharci ahayn. Waxa jira Madaxweynayaal madaxtinimadii dalalkooda ka dhigay dhaxaltooyo aan dhammaad lahayn, waxa sidoo kale jira Madaxweynayaal booba oo ku shubta codadka doorashada dalalkooda dadku dhiibtaan sidaana ku ahaada Madaxweynayaal lasoo doortay balse aan sharcigoodu sugnayn marka loo eego qaabka ay codadkii dadka ugu shubteen.

Hadaba inaga oo qodobadaas iyo kuwo la mid ah ka duulayna ayeynu halkan ku soo qaadan doonaa Madaxweynayaal muddo xileedkoodu aad u yaraa siday doonaanba ha ku noqdeen Madaxweynayaale. Bal aynu dhugano maqaalka jariidadu ka samaysay iyo sida wax u dhacaan ba.

1: Yusuf Kironde Lule: Ugaandha

Waxa uu ahaa Madaxweynihii ugu muddo xileedka yaraa ee soo mara dalka Ugaandha xornimda kadib. Waxa uu dalkaasi Madaxweyne ka ahaa muddo dhan 68 maalmood. Waxa uu dalkaas Madaxweyne ka noqday taariikhdu kolkay ahayd bishii Abril 13,1979-kii ilaa bishii Juun 20,1979-kii. Waxaana afgembiyey komishinkii la odhan jiray National Governmental Commission kaas oo markii hore u doortay Madaxweyne. Waxaanay ku eedeeyeen Madaxweyne Lule in uu sameeyey balamo aanu iyaga kala tashanin, sidaas darteed ay afgembiyeen sidaasayna xilkii kaga xayuubiyeen. Aakhirkii Madaxweyne Lule waxa uu dhintay sannadkii 1984-kii isaga oo u dhintay kelyo xanuun asiibay.

2: Jeneral Tito Okello : Ugaandha

Waxa uu awooda dalka qabsaday sannadku markuu ahaa bishii Julay 29,1985-kii. kadib intii aanu Madaxweyne Milton Obote aanu kagala wareegin awood ciidan. Jeneral Okelle waxa uu markii hore ka mid ahaa ciidankii xornimo doon ka ee dalka Ugaandha. Dawladii Obote waxay Jeneral Okelle afgembiday bishii Jeniwari 26,1986-kii. Waxaanu u baxsaday dalalka ay jaarka yihiin ee Kiiniya iyo Tanzania. ka hor intii aanu u socdaalin qaarada Yurub. Waxa uu dhintay bishii Julay 3,1996-kii waxaanay da’diisu ahayd 82 sanno jir ah.

3: Thomas Sankara: Burkino Faso.

Waxa uu Madaxweyne ka noqday dalka Burkino Faso bishii august 4,1983 ilaa bishii Oktoobar 15,1987-kii. Sankara waxa uu awooda dalka kula wareegay inqilaab ciidan. Isaga oo ahaa kabtan ka tirsan ciidan ka dalka Burkino Faso, da’diisuna waxay ahayd 33 sanno jir. Waxa uuna xukunka kala wareegay Blaise Compaore.  Markaas waxa uu bedelay magacii dalka. waxa uu ka bedelay Upper Volt waxaanu ka dhigay Burkino Faso, taas oo micno ahaan noqonaysa “land of upright men”

Sankara waxa uu aad uga soo horjeeday oo uu la dagaalami jiray gumaysigii ka jiray inta badan qaarada Afrika. Aakhiriaankii waxa lagu dilay shirqool isaga iyo koox ka mid ah ciidankiisii bishii Oktoobar 15,1987-kii.

4: Melchior Ndadaye : Burundi

Waxa uu ahaa Madaxweynihii ugu horeeyey ee si dimuqraadi ah loo soo doortay, sidoo kale waxa uu ahaa Madaxweynihii ugu horeeyey ee Burundi soo mara ee ka soo jeeda qawmiyada Huutuuga oo hoggaamiya waddamada Afrikada dhexe. Ndayaye wuxuu Madaxtinimada la wareegay bishii Julay 10,1993-kii. Kadib guushii doorashadii dimuqraadiga ahayd ee 1993kii. Waxa lagu dilay shirqool saddex bilood ka dib doorashadiisii bishii Oktoobar 21,1993-kii. Waxaana afgembi kula wareegay dalkii askartii ka soo jeeday qowmiyada la yidhaahdo Tutsiga, taas oo sababtay in muddo tobanaan sanno ah uu ka socdo dalkaa shacbiyeed ama dagaal ahli ah oo u dhaxeeya labada qowmiyadood. Waxaana dagaaladaas ku nafwaayey in ka badan 200,000 oo qof oo reer Burundi. Rabshadahaasina aakhirkii waxay soo dhammaadeen sannadkii 2005.

5: Mohamed Morsi :  Masar

Waxa uu ahaa Madaxweynihii shanaad ee soo mara dalka Masar, waxa uuna xukunka dalka la wareegay bishii Juun 30, 2012-kii. Waxa uu ahaa Madaxweynihii ugu horeeyey ee si dimuqraadi ah loo doorto ee hoggaamiya mid ka mid ah wadamada ku yaal waqooyiga qaarada Afrika. Waxa awood ciidan xafiiskiisa ugala wareegay ciidamada qalabka sida ee dalka Masar, bishii Julay 3, 2013-kii. intaas ka dib waxa dalka Masar ka curtay kacdoono looga soo horjeedo ciidanka xukunka la wareegay. Sidii loogu kacsanaa oo kale Madaxweynihii isaga ka horeeyey ee Xusni Mubarak. aakhirii Madaxweyne Mursi waxa lagu xukumay dil toogasho oo uu ilaa haatan sugaayo.

6: Roberto Guei : Ivory Coast

Waxa uu ahaa Madaxweynihii saddexaad ee soo mara dalka Ivory Coast. Guei waxa uu dalka kula wareegay awood ciidan isaga oo isla dalkaa xukumayey laga soo bilaabo bishii Diisambar 24, 1999-kii  ilaa bishii Oktoobar 26, 2000-kii. Waxa ay isku dhaceen Madaxweynihii la odhan jiray Laurent Gbagbo taas oo qaadatay in  maalmo badan kacdoona ka curtaan dalkaasi oo dadku wadooyinka xidhaan. Taas oo sababtay in xukunkii gacantiisa ka baxo oo uu galo Laurent Gbagbo. Aakhirkii waxa uu u baxsaday magaalo la yidhaahdo Goussesso oo ku taal xadka u dhaxeeya Ivory Coast iyo dalka Libeeriya. Aakhirkii waxa la dilay bishii Simtambar 19, 2002-kii.

7: Michel Djotodia : Central African Republic.

Waxa uu ahaa Madaxweynihii ugu horeeyey ee Muslim ah ee xukuma dalka Jamhuuriyada Afrikada Dhexe. Djotodia waxa uu xukunka dalka Jamhuuriyada Afrikada Dhexe qabtay bishii Maaraj24,2013-kii ilaa bishii Jeniwari 10, 2014-kii. Ka hor intii aanu qaban xilka Madaxweyne waxa uu ahaa hoggaamiyaha koox la yidhaahdo Seleka Rebel group.

Waxay ahaayen koox ciidan ah oo xukunka ka tuuray Madaxweyne Francois Bozize bishii Maaraj ee sannadkii 2013-kii. Taas oo ay ka dhalatay dagaal sokeeye oo lagu diidanaa dadkii Kiristaanka ahaa, taas oo sababtay in Madaxweyne Bozize xukunka dhigo. aakhirkii Madaxweyne Djotodia waxay bulshada caalamku ku qasabtay in uu xukunka iskaga dego ka dib markii uu dhamayn kari waayey dagaalkii ku salaysnaa diinta ee u dhaxeeyey dadka Muslimka ah iyo dadka Kiristaanka ah.

Intaas ayaan kusoo afmeerayaa maqaalkii ku saabsanaa Madaxweynayaashii ugu muddo xileedka yaraa qaarada Afrika iyo wixii sababay muddo xileedkoodan gaaban.

Dhammaad.

 

Waxa diyaariyey : Sharmarke Cabdi Ibrahim “Dhuux”

 

email: sharmarke09@outlook.com

 

lives addis ababa Ethiopia