Xornimooy, Maxaad Tahay? ….Faalo:(Xuseen Cali Nuur)

Waxaan ahay waxaan bani’aadanku marna ka maarmayn, si loo fahmo waxaan galo iyo waxaan gudo, waxa tusaale ahaan noogu filan, in annago deggan, maskax furan, oo aanay wax kale ka dhex guuxeen aad baadhiin waxaan galo iyo waxaan gudo.

Jamhuuriyadda Somaliland loogama baqaayo in cadow shisheeye marnaba ka gacan sarreeyo; waxaase loo baahan yahay in had iyo jeer laga foojignaado shirqoollada cadow ee sida jirjiroolaha midabyo kala duwan la so baxaya.

Cadowgu wuxuu ii arkaa in aan saldhig iyo udub-dhexaad u ahay, waxaanuu liqi kari laayahay horumarka aan u sabab ahay in Jamhuuriyadda Somaliland ay dadaal weyn ugu jirto sidii ay uga bixi lahayd gacan hoorsashada ka jirta dunida saddexaad badankeeda.

Waxa ii hoy iyo guri ii ah oo aan ku barbaaraa oo aan ku dhaqmay dhaqan wanaagsan, ku dhaqan sharci, is tixgelin iyo isu tanaasul. Waxaan ku kobcaa aqoon, wadajir iyo midmimo. Waxaana gaashaan ii ah dareenka kalgacal ee lay qabo iyo shacbiga u diyaarka ah difaacayga.

Waxa u baahan in degganaansho ooga fikiro, horumarka aan u hay ee dalku gaadhay. Waxaan leeyahay qof kastaa ha ka fikiro degaanka uu deggan yahay, sida uu ahaa, markii lala soo noqday madaxbannanida iyo maanta.

Waxaan hubaa haddaan xorriyo ahay in wax badan loo qaban kari lahaa Jamhuuriyadda Somaliland. Horumarkaa qaranimada iyo nolosha qaybta weyn ku kordhiyey. La iskama indho tiri karo in waxa badan oo kale la qaban karaayo horumarka dhaqan dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho.

Waxa waxqabadkaa sabateyda lagu gaadhi kari lahaa hakiyey waa Cudurka Covid-19 ee dunida ka dillaacay iyo dagaalka Yukreyn. Waxa tusaale noogu filan in saameyntoodu dhibaata Jamhuuriyadda Somaliland u gaystay.

Hase ahaatee, haddaan xornimo ahay , qofna ma dafiri karo in aan Jamhuuriyadda Somaliland ka badbaadiyey dhibaatooyinka dhaqaale- ee ku saabsan sarrifka, maciishadda iyo nolosha; marka la barbar dhigo caalamka guud ahaan dunida, gaar ahaanna dalalka aan dariska nahay. WAXAANA TUSAALE NOOGU FILAN INAN MAALIN QUDHA AAN SAF LOO GELIN SHIDAALKA.

Waxaan waxqabadkeyga fahamsanayn haddii aan XORRIYO ahay, dad aan qiimahayga garaneyn dad aan guumeysi soo marin, kuwa taariikhda shacbigeyga garaneyn. Waxa maanta aad waxtarkeyga u garanayo dadka dal shisheeye ku nool ee aan dhaqan doorsoomin.

• Haddaan xornimo ahay waan leeyahay xornimo iyo tixgalin loo baaahan yahay in dhowro.

• Waxaan ahay mid aan u dul qaadan karin sidaan doono aan u dhaqmo, oo yaan xeer iyo sharci I xakameyn.

• Waxaan madaxbannaani u siiyey qof kasta, kala xulashada wanaagga iyo xumaha; waxtarka iyo waxyeellada.

• Waxa la igu ilaashan karaa dhaqankeenna suubban ee Ilaahay na siiyey. Waxaana soo raaca sharci, aqoon iyo caqli lagu kaabo midnimo iyo wadajir.

• Waxaan halis u ahay [SILSILADDA NAGU QUFULAN EE QABYAALADDA oo halis ku ah jiritaankeyga] .

{Waxaan ahay udub dhexaadka isku kiin haya; kuna tihiin dad ku wada nool degaan idiingaar ah. Allahayow samaha na garansii. Aamiin)