Xukumadihii Somaliland miyey arki waayeen dhulka balaadhan ee Kiniisada intay Hantiddii Guud ee Dalka Iibinayeen? (WQ: Xamse Baashe “Wiyeer-yare”)

 

Waxa ahayd markii hal mar buuq iyo hadal hayn la isla dhexmaray todabadkii hore magaalada Hargeysa iyo dhamaan warfidiyeenada kadib markii gabadh haysta diinta Kaatoligu sheegtay in ay Hargeysa u joogto laba ujeedo oo mideeda kobaad ay ahayd dib u firka kiniisad mudo badan oo sida ay sheegtay gaadheysay 30 sano xidhnay, gabadhaasi waxay si kalsooni iyo indho cadaani kamuuqato warbaahinta uga sheegtay in ay ku guuleysatay ujeedadeedii koowaad ee ay dalka u timi, taas oo sheegtay in ay alabaabada u furtay kiniisadii ay sheegaysay. Waxaanay shacbiga iyo culimada dalku ogaadeen in xukumada Somaliland u ogolaatay gabadhaas ujeedadii kowaad ee ay u socotay, halka wasiirka diinta iyo awqaaftuna warsaxafadeed uu qabtay ku sheegay in xukumadu u ogolaatay gabadhaas dib u furka kiniisadaas Kaatoliga ee Hargeysa laga furay sodon-sano kadib.

Mudo yar kadib culimadda dalka illahay khayr iyo dambi dhaaf ha ugu badalee waxay xukumada iyo shacabigaba u cadeeyeen arinta kiniisadaas ee diinta Islaamku ay ka qabto, iyaga oo inoo bayaamiyey in diinta Islaamku aanay ogolayn dib u dhis ama furid meelo ama goobo diinta islaamka aan loogu talo galay in aan la ogolayn.

Hadaba su’aasha isweydiinta mudan mudo badana  maskaxdayda ka dhex guuxaysey ayaa ah, Xukumadihii Somaliland soo maray waxay inbadan iibiyeen ama xaraasheen dhulal iyo dhismayaal kamid ah hantidii maguurtada ahayd ee shacbigan iyo dalkani lahaa, Maxay u arki waayeen dhulka balaadhan ee Kiniisadani ku fadhido, taas oo hadii ay iibiyaan ama xarashaan ay ka heli lahaayeen laba waxyaabood oo waaweyn midka kowaad waa Ajar iyo naxariis dhanka rabi uga timaada waayo waxay u hiiliyeen diinteena macaan ee Islaamka, waxay u hiiliyeen umadeena iyo dalkeena Islaamka ku abtirsada, mida labaad waa Lacag iyo hanti oo aha tii ay ku badelanayeen dhulkii kale ee hantida shacabka kamidka ahayd.

Gebo gebadii weli way jirtaa dhismmihii kiniisada Kaatoliga ee Hargeysi, in albaabada loo xidhana waxa weyn kabedeli mayso mawqifka ay leeyihiin gaalada dalka imanaysa ee ku hanweyn sidii ay ku furi lahaayeen, laakiin mida guul iyo horumar dalka iyo diintaba usoo hooyneysaa waa iyadda oo gebi ahaanba la tirtiro raadka ay leedahay kiniisadaasi, taas oo shacbiguna ku ilaawi karaan, qolyahan gaalada ahina ku quusan karaan.

Mudane madaxweyne inta aanad xilka iska wareejin ka faaidee barxada banaan iyo dhulka ay ku fadhido kiniisadani oo u bedel masaajid ama dugsi wax lugu barto, taasi waxay kuu gelaysaa taariikhda horumarineed ee aad dalkan iyo dadkan ku dhexe leedahay.

Mahadsanid

Wa-bilaahi Tawfiiq

Saxafi /Qoraa Madax banaan.

Mr.Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

E-mail: Xamse18@gmail.com

Www.facebook.com/wiyeeer

Www.wiyeeryare.blogspot.com

Hargeysa/Somaliland