Xukuumadda waxa waajib ku ah fulinta heshiiskii Cali Khaliif (WQ: Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed)

Cali Khaliif Marti maaha, Somaliland waa Dalkiisii. Xukuumadana waxaa Waajib ku ah Fulinta Heshiiskii lagu soo tabcay ee 21kii Oktoobar 2017.

Asalaamu Calaykum

Dariiq aad u dheer oo guure iyo galab-carrow lahaa oo Wakhti iyo Dhaqaale aad u badan lagu bixiyay oo ay dad aad u tiro badani si toos ah iyo si aan toos ahaynba ay gacan uga geysteen ayaa Allah Mahadi haka gaadhee waxaa 21kii bishii Oktoobar ee Sanadkii 2017 heshiis buuxa ay kala saxeexdeen Xukuumadii Somaliland oo uu hormuud u ahaa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Prof.Cali Khaliif Galaydh oo gadhwadeen u ahaa Ururkii Khaatumo.

Qodobada heshiiskaasi la kala saxeexday waxay ahaayeen kuwan:

1. In la helo Cadaalad, Sinnaan iyo Nabad ku wada noolaanshiyo

2. In la ilaaliyo Jiritaanka iyo Madax banaanida Somaliland

3. In Khilaaf walbo oo jira lagu dhameeyo Wadahadal iyo jid Nabadeed

4. In la adkeeyo Midnimada iyo Nabad ku wada noolaanshiyaha

5. In dib loo furo Dastuurka si loo sugo awood qeybsi ku dhisan Cadaalad iyo Sinnaan

6. In la Qarameeyo Ciidamada Khaatumo

7. In Somaliland iyo hay’adaha deeqda bixiya ay si mid ah uga howlgalaan Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.

Heshiiskaas Taariikhiga ahaa ee ay wada galeen Xukuumadii Somaliland iyo Khaatumo waxa uu soo af jaray dhiig daadanayay, waxa kale oo uu fure u noqday Nabad iyo Xasilooni ka hana qaaday gobolada Bari ee Somaliland, waxa kale uu heshiiskaasi Sumacad weyn usoo jiiday Qaranka Somaliland oo ay boog iyo foolxumo ku ahayd jabhad ku dhex abuurnayd gudaha Somaliland.

Waxaa Xusid mudan in xiligii heshiiskaas la saxeexay ka dib in Xukuumad iyo Shacbiba lagu mashquulsanaa arrimihii Doorashada iyo hawlihii cuslaa ee is barkanaa ee Diiwaan gelinta, qaybinta kaadhadhka iyo Codayntii iyada oo waliba ay taas wehelisay Abaarihii riiqda dheeraa ee ina soo waajahay xilliyadaas.

Arrimahaas oo dhan iyo Xukuumada la doortay oo iyada qudheeda ay soo waajeheen Culaysyo badan iyo duruufo dhaqaale oo adag iyo waliba colaado beeleedyo ay ilaa imika Xukuumadu la tacaalayso ayaa lagu fasiri karaa inay sababtay dib u dhaca ama jiitanka fulinta Qodobo ka mid ah heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland.

Waxaan Xukuumada Somaliland usoo jeedinayaa inay xoogga saarto oo ay intii ay awoodi karto ay dhakhso u fuliso heshiiskaas, wixii aan duruuftu saamixi karin in imika la fuliyana ay u samayso Jadwal wakhtiyeed cayiman oo mustaqbalka ah si cadna ay Xukuumadu u soo bandhigto.

Dhawaaqyada demi weyday ee ka soo yeedhaya Prof Cali Khaliif waa qaar ay Waajib tahay muhiimna ay tahay in la dhegaysto oo loo dhug yeesho si aanuu u lumin Tacabkii balaadhnaa iyo jidkii dheeraa ee loo soo maray Guushii weynayd ee 21 Oktoobar 2017.

Somaliland ha Guulaysato

Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed