Xusuustii madoobeyd (WQ: Hibo Maxamed Ciise “Basbaaso”)

Goortu waa fiid aan iskaga dhex jiro nolol maalmeedkaygii caadiga ahaa, anoo aan dhaadaneyn baa taar laysoo direy, dabadeed si baraad la’aan ah baan gacanta ula haleelay, warkii dhiilada lahaa ee kasoo yeedhay awgii dhulkii waa ila balaadhey oo kor iyo hoos iila duuley, sarajoog iyo fadhi mid aan ku sugan aheyna garan waayey, dhabano hays iyo afkala qaad bay igu noqotey, Naxdin iyo anfariirbaan la dhacey sidii oo falaadh sumeysan wadnaha laygala abaarey.

in muddo ah markaan maqane jooga ahaa ee aanan waali iyo miyir qab midna ku sugnayn, baan markii danbe salaad u kacey, ileen hadday dhibi inagu timaado xaga Illaahay (SWT) oo loo cararo mooye waa baabacadaasoo timo laga waayey in ay cid kale wax kuu qabataa.

Shaydaanka iska naar oo tuko waa xaq taniye, bal waakaase waysadiiba garo, waa laba talaabo hore u qaad haddana gadaal usoo qaad iyo habartii raadkeeda ku noqoneysay.

Waa xaq oo nafkastaa Geerida way dhadhamineysaa awalba garaadkayga iyo maskaxdeydu si waadax ah bay uga dhaadhacsaneyd, waana waajib in ay yaqiinsadaan oo waa qawl Eebe iyo aayad Qur’aana, haddana Soomalidu waa hore waa tii tidhi geeridu nimaanad garaneyn iyo geel jirey ku fiican tahay.

Nafiisa Cali Xasan Waceys oo geerideedu isoo gaadhey April 3, 2016, waxaanu ahayn saxiibo isku dheer aan idhaahdo labada hooyadu dhashaanu iskaga hilib dhaweyn, waxay ahayd xubin Qoyskeyga ka mida halka aan ana ahaa xubin qoyskooda ka tirsan, waxaanu aheyn mataano aan kala dhammaan, saddex baa qof lagu bartaaye jid intaanu wada marney tiro iyo cadad ma leh, jidiin intaanu wada cuneyna illaahey bay u xisaabsan tahay, jabad intaanu wada galneyna lama soo koobi karo.

Waxaanu isku baraney Dugsiga sare ee Gacan Libaax sannadkii 2007-dii, waxaanu wada bilaabanay kalaaska kowaad ee dugsiga sare.

Sawirkan taariikhdiisu waa 05/2008
Sawirkan taariikhdiisu waa 05/2008

Illaahay mahadii waanu wada dhameynay, waxa noo xigey dugsiga farsamada gacanta ee Hargeysa Technical Institute kaas oo aanu in muddo ah wada dhiganey kasoo gudub, haddana, nasiib wanaag waxaanu kuwada biirney jaamacada  Hargeysa halkaas oo aanu laasaney afar sanno oo gaw ah, waxa kuu dheer waxbarashooyinka lagu qaato koorsooyinka muddooyinka gaagaaban, taasoo aanu soo qayb saney dhib iyo dheef, waayo badana aanu ka soo wada gudubney.

Muddadaa tobanka sanno ku dhawaadka ah waxa cajaa’ibaad leh in aanay maalin kaliyana Alle haka yeele aanu xurguf, xanaaq iyo hadal xumi na dhex marin. danteyda iyo horumarkayga aad bay u jeclayd uguna farxi jirtey ana sidoo kale farxadeedu waxay ahayd mid qalbigeyga qaboojisa, halka walwalkeeda iyo walaaceeduna ahaayeen kuwo aanan ka gam’in, sidaanu isaga ag dhaweyn waxaanu isla gaadhney heer aanu xaaladaha nala soo darsa isla hal jawaab  ka bixino, isku dookh iyo damiir baanu noqoney, Ul iyo diirkeed baanu noqoney, isa saameyn bani aadman is saameeyo heerka u sareysa ayaanu ka gaadhney heer aanu isha iska fahano goob kastoonu joogno.

sawirkii xusuus

Balse, gabeygii (AHUN) Xaaji Aaden Af-qalooc waa kii lahaa:

“Naftu waa tu qudha oo ma jiro taajir hadhayaaye.”

Tana waa laga tagayaaye haddana geeridu kala xanuun badan oo kala naxdin baden “Abidkiiba rag waa go’i jiree tanise waa gaw’e”.

Halkan waxaynu kusoo qaadan doonaa tixo baroor diiq ah,

Aduunyooy qiima daran

Inaad tahay hawiyo been

Inaad tahey habeeniyo maalin

Horeba waa loo ogaa

Itaal ina aadan leeyahay

Cataabiyo oohinyo Way

Ineenay wadka baajineyn

Horeba waa loo ogaa

Inaad ana ii timood

Halkaa Ooftiyo Wadnaha

Arami aan laga bogsooniyo

Falaadh iyo Eebo kulul

Inaad ila beegsatay

Caawaba waaniga arka

Inta Naarta Laga Xoreeyee

Laga dhaqey gaf oo idil

Danbi dhaaf Alla lehe

Intii Nabiga Raacdayee

Naxariista Eebana ku maneysto

Noqo,oo, Afaafkii Naciimiyo

Fardawsood Ehelkeeda Noqotaan

Alle kaaga bariney

Curintii Hibo Ciise

 

Habeen iyo maalin noolba

Heddiisu qof bay dhamaane

Hadday taadi ahaatay

Jannada hoy wacan ku yeelo

Qarbriga hawl yari ku seexo

Intii ambiyada la hoy ah

Adoomaha heer sareeya

Dhib iyo hawl laga ilaashay

Hakaa dhigo EEBAHEENU

Curintii Hal-abuur Cabdiwali Daa’uud

 

Xanuun weeyaan hadana

Marqudha maqal soo dhacoo

Masiiba siday wadeene, Miyaa

Maantana dunida Nafiisa kasoo

Xidheen, Miyaan kaftan sooryo ley

Dhaguhu dib usii maqley, Axeey

Murugadu xumaa adoon ka wanaagsanoo

Salaad wakhtigeeda taal Marqudha an

Ka daalinoo iimaanku biley aheyd

Aheey murugadu xumaa, Maalintu

Nagu fool xumaa, adoo dunidani is

Bidey ka gaadhey inteeda bilan sugaya

Inteeda mudan, Qadarka dhacey fool xumaa

Axeey Murugadu badnaa, Masiibadu

Kula xumaa, Mirtey miratey miyirkaygiiyo xusuuso

Horlaan galnee, Adoon axadkaa ka mudan

Akhlaaq iyo diin ka wacan , Ma arag abikedy walee

Wanaaga Allaa baxshoo, Ciduu rabo oof sadee

Aheey murugadu xumaa, Qadarka dhacey fool xumaa

Galabtoo way naga tagtee, Murugaanu la ciireynaa

Curintii Mabruuka Aadan Muxumed

Waxaanu illaahay uga baryaynaa isagey raxmadiisu waasac tahaye in uu xawdkii janadda ka waraabiyo, danbigii iyo daalkii adduunyadana, naxariis iyo jano ay ku ilawdo in uu siiyo anagana samir iyo iimaan saadiqa naga siiyo, kuwii janadda ku kulma Allow naga yeel.

AAMIIN………..AAMIIN………… AAMIIN………….AAMIIN

Akhristaha sharafta lahow fadlan hakala bakhaylin ducada, intii ay aqoon isku lahaayeena waxaan ka codsanyaan in ay cafiyaan.

 

Hibo Ciise Maxamed

Hibafaakhir@gmail.com