Khudbadihii Askarta Q2aad (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Khudbadan wuxuu Maxamed Siyaad Barre jeediyey markii ay dagaalyahannadii USC ugu galeen Madaxtooyaddii Muqdisho. Khudbadan waxa toos uga dhadhamaysa in uu daad ugu galay Madaxtooyaddii uu ummadda ku kadeedi jiray. Waa dhaqan lagu yaqaano Askarta madax noqota in ay marka hore qiiqa isku qariyaan, marka dambena ay dabinta dhexda ka qaniinaan.

Khudbadii ugu dambaysay ee Maxamed Siyaad

Maxamed Siyaad wuxuu hadalkiisa ku bilaabay:

โ€œWaxa fiican in aynu garano dantaynu waxa ay tahay, maxaase aynu nahay. Waa in aan marka hore isku eegno muraayad, kadib eegno wuxuu yahay wejigeennu. Waxa aan hadalkaasi u leeyahay dhawr arrimood dartood,ย  xabbada dhacaysay, maah nin ladan ama nin dal shisheeye joogaa maaha inย uu dadka ku laayo, waxase ka sii fool xun kuwa sida xun wax u bilili-qaysanaya. Waxa aan la yaaban ahay nin intuu xafiis-dawladeed galay waraaqihii dibedda ku daadiyey, xaguu u socdaa muxuu ka helayaa, yuuse siinayaa waraaqahaasi. Micnaheedu waxa weeyi wuxuu awood u waayey in uu warqadaha qaado oo uu ajaanib u geeyo, wuxuu u jeedaa in ay suuqa ka gurtaan. Waxa ka sii xun dadka masaakiinta ah ee xabbada lagu wareeriyey, ee la boobay.โ€

Isagoo khudbadii sii wata waxa uu yidhi:

โ€œMarka Xamar laga baxo jiho kasta waxa daadsan dad masaakiin ah, waxa aan leenahay waar dadka guryahooda u daaya ha eryinaye, oo ka daayo xabbada, boobka, qaxa iyo waxa kan foosha xun. Dad islaam ah yaad tihiin, Soomaali ayaad tihiin, sharaf iyo karaamo ayaad lahaan jirteen. Xitaa in aad Islaamnimada ka baxdaan waa xaaraan, waxa loo baahan yahay in aad caqli yeelataan, Ilaahay wuxuu caqliga inoo siiyey in aan ku fikirno, qalbigan wuxuu in oo siiyey inaan ku naxariisano. Waxaan leenahay dadka masaakiinta ah, ee aan waxba qaadan karin, ee carruurta ah, Habraha ah, odayaasha ah, dumarka ah, ka daaya dhibta. Iyagana waxa looga baahan yahay inta aydaan qaxin taxadir badan yeesha. Ilaahay โ€œSCโ€ qofkii dhiminaya meel uu kaga baxsadaa ma jiro, waa in ay gurahooda joogaan.โ€

Markii uu khudbadii dhameeyey ayaa la saaray heestii โ€œTawrada tan barakaysan, tallaabadii ay qaadee dadweynaha daryeeshe tabar iyo taagba garabkeenaan taaganahe.โ€

Waraysigii ugu Dambeeyey ee Maxamed Siyaad laga qaado..Qโ€ฆ1aad

Waraysigan waxaa Maxamed Siyaad Barre laga qaaday bishii May 30-keedii sannadkii 1987. Waxaa ka qaaday Uthman Mirghani oo ka tirsanaa wargeyska Al-Tadamun ee Af-Carabiga ku soo baxa, waxaana lagu qaaday Muqdisho.

ย Al-Tadamun: Mudane Madaxweyne, waxaa ka soo wareegtay hal sanno markii aad gashay shilka gaadhi oo uu kaa soo gaadhay dhaawac kugu kallifay in aad sariir jiifto muddo. Maxaad hadda dareemaysaa, ma ka soo kabsatay saameyntii shilkaas?

Siyaad Barre: Waxaan rumeysan ahay, iyadoo mahadda uu iska leeyahay Ilaahay, in aan ka soo kabsaday shilkaas ama ugu yaraan tani waa sidaan dareemayo. Waxaan dareemayaa xoog iyo in aan awood u leeyahay in aan guto waajibaadkayga oo caadiyan ah kuwo aad u badan. Tusaale, maanta waxaan kormeeray shirar, waxaana ka shirnay arrimo guddaha ah ilaa laga gaadhay 04:30 galabnimo, welina waxaan dareemayaa in aan leeyahay nashaad iyo firfircooni laakiin waxaa laga yaabaa in aad aragto saameyntii shilkaas oo ay ka mid tahay gariirka gacantayda.

Al-Tadamun: Mala-awaal iyo warar ku saabsan caafimaadkaaga ayaa soo kordhayey ilaa iyo shilkaagii, kuwaas oo gaadhay heer ay jaraaโ€™idka qaar tebiyaan in aadan awood u lahayn in aad gudato howlahaaga Madaxweynenimo. Iyadoo tani jirto ayaa haddana waxaa laguu doortay Madaxweyne toddoba sanno ee soo socota bishii Diisambar. Ma u aragtaa kordhinta laguu kordhiyey xilliga aad haynayso kursiga in ay jawaab u tahay mala-awaalkaas?

Siyaad Barre: Haa, waa in ay u ahaataa. Ilaa iyo markaan shilka galay waxaan u watay hawlahayga si caadi ah, qof kasta oo la socdana wuxuu sheegi karaa in aan awood u leeyahay hawlahayga in aan guto iyo in kale. Mala-awaalka ku saabsan caafimaadkayga weli waa la baahiyaa, laakiin wax qiime ah ma laha. Kuwa baahinaya wararka noocaas ah waad dad ka soo horjeeda taliska Soomaaliya, waxayna jecel yihiin in ay faafiyaan been-abuurka. Saxaafadda reer galbeedka waxay qaadataa wararka noocaas ah iyadoo sababtu tahay inaysan awoodin in ay xaqiijiyaan ama iyagoo doonaya in ay baahiyaan wararka xasaasiyadda leh. Ma jiro Madaxweyne aan bartilmaameed u ahayn been-abuur iyo mala-awaal inta uu xilka hayo. Ilaa iyo inta aan xukunka hayo, wararka noocaas ah way socon doonaan, weyna soo bixi doonaan marba marka ka dambeeya, laakiin taxliilka ugu dambeeya ayaa dhextaal u noqon doona arrimaha gudaha ee ummadda iyo aragtida caalamka ee xaaladda.

Al-Tadamun: Maxay yihiin waxyaabaha muhiimadda kuu leh sannadaha soo socda, gaar ahaan muddada toddobada sanno ah ee xilka laguu kordhiyey?

Siyaad Barre: Ma jiro wax is-beddel ah oo weyn oo ku jira ahmiyaddeyda. Tan ugu weynse waa in la sii wado halgankii aan ku raadineynay horumarka dhinac walba. Waxa aniga muhiimka ii ahi waa in lagu guuleysto horumarka dhaqaalaha, siyaasadda iyo dhinaca bulshada, lana darsaa sida horumarku ku suurageli karo, loo qeexaa dalalka nagala shaqayn doona arrimahaan, lana tixgeliyaa sidaan ugu guuleysan lahayn barnaamijyadeenna. Haddii aan helno caawimaadda dibedda waan ka mahadcelinaynaa, laakiin arrinta noogu weyn waa inaysan noqon in aan eegno helitaanka gargaarka, balse waa in aan xoogga saarno waxaan annagu ku guuleysan karno. Qaramada iyo ummadaha waxaa lagu dhisaa dadaalkooda, laguma dhiso hadal. Ummaddaha qaar mararka qaarkood waxay nagu eedeeyaan siyaasaddeenna, laakiin taasi nama quseyso, waayo taariikhda ayaa caddayn doonta in siyaasadaheenna iyo ujeeddooyinkeenna shaqada iyo horumarka ay sax yihiin.

Al-Tadamun: Bishii la soo dhaafay waxaad ku dhawaaqday xaalad degdeg ah si aad wax uga qabataan abaarta ku dhufatay Soomaaliya. Xaaladdu weli runtii ma xun tahay?

Siyaad Barre:ย Wararka aan helayo waxay muujinayaan in waxoogaa roob ah uu ka daโ€™ay dhulalka badankood, laakiin roobkani waa mid aan ku filnayn kaddib muddo dheer oo ay jirtay abaar. Roobku sidoo kale ma uusan dhammaynin geerida xoolaha, gaar ahaan kuwa abaartu tamardareysay. Sidaas oo ay tahay saameynta ay leedahay roob laโ€™aantu iyo baahida biniโ€™aadamka waa mid socota, gaar ahaan markay noqoto cunnada iyo qalabka caafimaadka ee la siinayo kuwa abaartu saamaysay.

Waa in hadda dadkaas la siiyaa cunno iyo qalab caafimaad ugu yaraan saddexda bilood ee soo socota. Waxaan hadda qaadaynaa daraasad ku saabsan khasaaraha dadka iyo duunyada, gaar ahaan khasaaraha xoolaha. Soomaalida gaar ahaan ku nool gobollada dhexe, bariga iyo koonfurta waxay ku tiirsan yihiin xoolaha nool, sidaas daraadeed dhibaatadu way sii socon doontaa.

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Somaliland

calicoomay@hotmail.com

La Soco Qaybaha Dambeโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆ