NERAD waa ayo? Maxayse u qaabilsan tahay Qaranka? (WQ: Maxamed Yaasiin Cabdiraxmaan)

Wax kasta iyo Hayโ€™ad kasta oo ka jira dalka Somaliland isla markaana Dawli ah, ha madax banaanaato ama ha ku hoos jirto Dawlada dhexe e waxay u xil-saaran tahay shaqo gaar ah .

Sida ay Wasaaradaha Maaliyadda, Caafimaadka, Beeraha iyo Ganacsiguba u qabtaan shaqooyin gaar ah oo muhiimadooda leh ayey Hayโ€™adda NERADna u leedahay shaqo ay u madax banaan tahay qiime weyna ugu fadhida amuuraha Deegaanka iyo Aafooyinka la soo gudboonaada.

Sannadkii 2005 markii la doortey Baarlamaanka Somaliland (Golaha Wakiiladda) waxay hir galiyeen oo ay Abuureen muddo sannad kadib ah oo kubeegnayd 2006-dii Hayโ€™ad muhiim u ah Deegaanka Somaliland oo magaceeda la yidhaa Hayโ€™adda Cilmi-baadhista Badbaadinta Deegaanka iyo u diyaar garawga Aafooyinka oo marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano NERAD ( National Environmental Research and Disaster Managementย  Preparedness Authority ).

Gollaha Wakiiladu isagoo tix galinaya soo jeedinta Madaxweynihii markaa waddanka Xukumayey iyo warbixinta Gudidda Beeraha, Deegaanka iyo Xoolahaย  ay horkeeneen Gollaha Wakiilada, ujeedaduna ay ahayd Abuurid Hayโ€™adda Cilmi-baadhista Badbaadinta Deegaanka iyo u diyaar garawga Aafooyinka isla markaana u madax banaan hawlaheeda shaqo. Wuxuu soo saarey Xeer uu ku abuurayo Hayโ€™addaas sidoo kalena qeexaya waajibaadka iyo nidaamka ay u hawl galayso .

Isla Wakhtigaas Wakiiladu waxay Xeerka NERAD Ku soo lifaaqeeen in la laaley Xeer kasta oo ka hor imanaya Shaqada iyo Hawsha ama burinaya hawlaha ay Hayโ€™addani u xil-saaran tahay.

Waxa sidaa ku dhashey Hayโ€™ad qiimo weyn ugu fadhida badbaadinta Deegaankaย  iyo ka soo war bixinta khataraha ku soo wajahan.

Muddadaas waxa la filayey isbedel ku yimaada habka loo helo warbixinta iyo xaalada uu deegaanku ku sugan yahay maadaama oo la abuuray Hayโ€™ad khaas u ah hawlaha khuseeya Deegaanka iyo Aafooyinka ka dhalankara mustaqbalka Deegaanka Somaliland, ha noqdaan xaaladaha Abaaraha, Fatahaadaha, Macaluusha iyo Wixii la mid ka ah bee.

Waxa sidoo kale rajo weyn laga qabay in ay hiil u noqon doonto oo ay Garab istaagto Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyigga oo wakhtigaas taag iyo tamarba yareyd (Dareyd ).

Hay,adda NERAD hadda waxay jirtaa muddo 10 sanno ah waana wakhtigii uu deegaanka Somaliland soo marey marxaladihii ugu adkaa ee uu abid wajaho.

Nerad waaย  maxay xilkeedu, awoodeeduse halkay gaadhsiinan tahay?

Hayโ€™adda Cilmi-baadhista Badbaadinta Deegaanka iyo u diyaar garawga Aafooyinka ee NERAD waxay leedahay awoodo iyo shaqooyin u gaar ah isla markaana aanu xeer ama sharci u diidayaa jirin.

Wajibaadka NERAD waxa ka mid ah:-

  1. Diyaarinta siyaasadda qaranka ee ka hortaga masiibooyinka iyo diyaargarowa aafooyinka, Masiibooyinka dabiiciga ah, waxa ka mid noqonaya Abaaraha ku habsaday waddankeena maanta ee galaaftey dad iyo xooloba, waxa kale oo ka mid noqonaya masiibooyinka ka dhasha daadadka iyo fatahaadaha, sidoo kale waxa ka mid ah aafooyinka ama waxyaabaha kale ee deegaanka ka dhaca sida dhul-gariiradda iyo folkaanayaasha oo aan waddankeena ka jirin marka laga reebo Gobolka Awdal magaaladiisa Boorama gaar ahaan buurta Saw la yidhaahdo oo gariirta sannadkii ama labadii sanno Isla qodobkan waxay awood u leedahay ama waajibaadkeeda ah in ay sameyso oo ay dajiso Istaraatiijiyadii (hab iyo hanaan ) lagu hirgalinayo siyaasadaas.
  2. Waxa ay awood u leedahay waajibaadkeedana ah in ay ka sameyso daraasad meelaha ay masiibooyinku ka dhacaan si loo dajiyo Istaraatiijiyad iyo nidaam lagaga gaashaanto haddii ay masiibadu mustaqbalka laga yaabo in ay soo noqoto. Tusaale ahaan waxay daraasada ka diyaarin kartaa Gobolada Abaaruhu ka dhaceen ee Somaliland ha ugu sii darnaadaan goboladdaย  Awdal iyo Selel.
  3. Waxay awood u leedahay maamulidda Sanduuqa Dhaqaalaha ee ka hortaga iyo u diyaargarowga Aafooyinka sidoo kalena waxay abuuri kartaa Keyd cunto oo mustaqbalka lagaga gaashaanto Aafooyinka (sida Abaaraha, fatahaadaha, daadadka waxyeeleeya iyo dhaawaca soo gaadha deegaanka, beeraha iyo dhul-gariirada Ilaahay inaguma keenee).
  4. Hay,addu iyadoo kaashanaysa laamaha ay khuseyso sida Wasaaradda Deegaanka waxay awood u leedahay in ay sameyso daraasad muujinaysa sababaha iyo waxyaabaha keena aafooyinka iyo masiibooyinka deegaanka (Abaaraha ama Dhul-gariiradda) si ay u bixiso Digniin mustaqbalka oo muujinaysa in laga sii diyaar garoobo aafada ka dhalan karta masiibadaas hadii ay dhacdo.
  5. Waxa waajibaadkeeda ka mid ah in ay cadeyso kuna dhawaaqdo goobaha ama gobolada ay aafadu ka dhacdey si loo ogaado baaxada ay aafadu leโ€™eg tahay.
  6. Waxay awood u leedahay in ay diwaan-galiso nooc kasta oo kaalmo, deeq ah oo laga helo qaadhaan bixiyeyaasha Caalamiga ah, Hayโ€™addaha Samafalka ee Gudaha iyo Dibeddaba.
  7. Hay,adani waxay qeexaysaa masuuliyadda iyo waxyaabaha ay qabtaan hayโ€™addaha ku hawlan barnaamijyada wax ka qabadka aafooyinka, waxaanay sameynaysaa Xafiis kumeel gaadh ah oo ka dhaxeeya NERAD iyo Hayโ€™adda ku hawlan Gargaarka Degdega ah.

Hadaba waxa is waydiin leh haddii NERAD waajibaadkeedu yahay qodobadaas iyo kuwa la mid ka ah shaqadeeduna ay sidaa muhiimka u tahay halkee ayeyย  ka galeysaa Gudidadda Gurmadka Abaaraha ee la magacaabey ee uu Madaxweyne-ku-xigeenku Guddoomiyaha u yahay.

Waxa jira Qodob ka mid ah Xeerka lagu aas aasey Hayโ€™adda Cilmi-baadhista Badbaadinta Deegaanka iyo U diyaar garawga Aafooyinka ee NERAD oo odhanaya:

โ€œGuddiga Qaranka ee Aafooyinku wuxuu ka koobnaanayaa Madaxweynuhu cida uu u igmado iyo Todoba ka mid ah Wasaaraddaha Qaranka oo ay ka mid yihiin Wasaaraddaha Deegaanka, Beeraha, Caafimaadka, Macdanta iyo Tamarta, Kheyraadka Biyaha, Xanaanada Xoolaha iyo laba Xubnood oo ka kala tirsan labada Golle Baarlamaan (Wakiilada iyo Guurtidda), Hayโ€™adda NERADna waxey noqoneysaa Xoghaynta Guddidaa.โ€

Hadaba NERAD ma ahayd Xoghaynta Guddida Gurmadka Abaaraha? Jawaabtu waa Maya.

Waxa sidoo kale jira Guddi kale oo lagu magacaabo Guddida Maareynta iyo Diyaargarowga Aafooyinka (GMDA) oo ku cad Xeerka NERAD lagu Abuuray sannadkii 2006 ee Xeer NO:35/2006, Guddigani waxay ka kooban yahay

  1. Guddoomiyaha Hay,adda NERAD ( Guddoomiye )
  2. Agaasimeyaasha Guud ee Todobadda Wasaaradood {ee ay ka mid yihiin Wasaaraddaha Deegaanka, Beeraha, Caafimaadka, Macdanta iyo Tamarta, Kheyraadka Biyaha iyo Xanaanada Xoolaha}
  3. Madaxda Hayโ€™addaha Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeysa
  4. Hayโ€™addaha Caalamiga ah.
  5. Iyo Hayโ€™addaha aan dawliga ahayn ee waddaniga ah (LNGOs ).

Waxa xusid muddan in aanay Guddidani si haboon u shaqeyn sababtoo ah waxa jira galdaloolooyin muujinaya dayacnaanta iyo qayrul masuulnimada shaqada ay u xil-saaran yihiin.

Haddii waddankeena shuruucda iyo nidaamka aynu dhigano si fiican oo daacadnimo iyo waddaniyad ka muuqato loo dabaqayo loona hir galinayo, waxyaabo badan oo hadda aynu dhaafi kari laanahay waynu ka gudbi lahayn .

Dhibaatada ina gaadhey iyo abaaraha soo noqnoqdaa waa kuwo ka dhashey qorshe laโ€™aan, sababtoo ah Ilaahay wuxuu Quraanka Kariimka ah ku sheegay:

โ€œIn aanu Qoomna ka badalin sida ay yihiin ilaa oo ay iyagu isbadel la yimaadaan.โ€

Oo ay sameeyaan sidii hore ee ay ku sugnaayeen si ka duwan .

Waxa halkaa inooga cad in aanu Ilaahay wanaag inaga kaxaynayn ilaa aynu inagu iska kaxayno mooyee, sidaas oo kalena haddii aynu waddo qaloocan hayno ama aynu bilaa qorshe hore u ahayn waxa fiican in hadda qorshe aynu ka yeelano Aafooyinka iyo Masiibooyinka dhici kara mustaqbalka oo aynu ka faaโ€™iidaysano nimcada iyo kheyraadka faraha badan eeย  uu Eebbe (SW ) inoogu deeqay.

Waxa muhiim ah in Daraasado Cilmiyeysan aynu qaadno oo aynu ku ogaanayno xaalada guud ee Deegaanka Somaliland, isla markaana ku abla-ablayn karno (Analysis) waxyaabaha ay macquulka tahay in ay mustaqbalka ina soo wajahaan, si aynu Istaraatiijiyad iyo siyaasad aynu kaga gudubno u sii abuurno (diyaarino).

Waxa kale oo muhiim ah oo lagama ma maarmaan ah ย in dib loo eego halka ay ku dambeysay Hayโ€™addii Cilmi-baadhist Badbaadinta Deegaanka iyo u diyaargarowga Aafooyinka ee NERAD, waxa ay hadda ku hawlan tahay, hore waxay u soo qabatey, Digniin hore oo ku wajahan In waddanka Abaaro ama Masiibooyin ka dhacayaan ama khatar kale oo inagu soo wajahan miyey hore bixisay, wax qaraar ah oo muddadaas 10-ka sano ah ee ay jirtey oo ay soo saartey ma jiraa?, Muxuu ku saabsanaa hadduu jiro? Intaasiba waa mid aynu xaq ugu leenahay cid kasta oo ka masuul ah Hayโ€™addaas.

Sidoo kale waxa iyana is waydiin leh Gudida Gurmadka Abaaraha ma jiraa Nidaam ama qorshe dajisnaa oo ay raaceen si ay u wajahaan baaxada masiibada abaartu leโ€™eg tahay, tiro-koob cadeynaya dadka iyo duunyada ku waxyeeloobay abaaraha oo ay soo saartey NERAD, haddii aanu jirin maxaa u sabab ahaa?

NERAD Miyey ku dhawaaqdey talaabooyinka ay haboon tahay in la qaado si dadka iyo duunyadda dhibaatadu ku habsatey gargaar loo gaadhsiiyo ?

Marka intaa laga yimaado door intee leโ€™eg ayey NERAD ku lahayd gurmadka iyo xaalada gargaarka dadkii iyo duunyadii ay ku habsatey Abaartu.

Maxaa qorshe ah ee hadda u yaala si aanay tan oo kale u dhicin?

Hore waxaynu u soo xusnay in NERAD waajibkeeda ay ka mid tahay Diyaarinta siyaasadda Qaranka ee ka hortaga masiibooyinka iyo diyaargarowa aafooyinka, iyadoo laga duulayo qodobkaas ma jireen wax mabaadii ah (Principles ) oo la raacey ย lagana soo xigtey Hayโ€™adda NERAD si dhib yar loogu wajaho masiibada Abaarta .

Waxa kale oo aynu kor ku soo xusney inย  NERAD waajibaadkeedaย  ay ka mid tahay maamulidda Sanduuqa Dhaqaalaha ee ka hortaga iyo u diyaargarowga Aafooyinka, sidoo kalena abuurida Keyd cunto oo mustaqbalka la isticmaalo markey Aafooyinku dhacaan.

Waxa is weydiin mudan maxaa loo sameyn waayey Sanduuqa dhaqaalaha ee ka-hortaga iyo u diyaargarowga Aafooyinka ama Masiibooyinka Ilaahay mar dambe inaguma keenee.

Nooc kasta oo ka mid deeqda ay bixiyaan Qaadhaan bixiyeyaasha, Hayโ€™addaha Samafalka ee Guddaha iyo Dibedaba waxa diwaan-galinaysa Hayโ€™adda NERAD, balse hadda qaadhaankii Guddida Gurmadka Abaaraha loogu deeqay yaa diwaan-galinayey yaase xogteeda haya ma NERAD mise cid kale?

Yaa waajibaadkaas lahaa ?

Haddii jawaabtu noqoto NERAD, door kuma lahayn digniina kamayn bixin, wax Istaraatiijiyad ah ama nidaam ah oo la raacana may soo bandhigin si loo wajaho baaxada ay Abaartu ku keentey deegaanka, dadka iyo xoolahaba. Miyaynaan waajib iyo xaq ugu lahayn in lala xisaabtamo oo la weydiiyo waxa ay shaqadeedu tahay, waxa ay ku hawlan tahay, sannadkii inta warbixinood ee ay soo saartay muddadaa 10 ka sanno ee ay jirtey iyo ย wixii u qabsoomey .

Akhriste adigaan kuu daayey Goโ€™aanka.

 

WQ: Maxamed Yaasiin Cabdiraxmaan

Bartey, Cilmiga Deegaanka { Bsc. Environmental Science},University of Hargeysa }

Now Undergraduate of Urban Management at CSI, Hargiesa, Somaliland

Kala soo xidhiidh : Email .Yaasiin9111@gmail.comย  Tel: +252 63 4141263ย  Telesom

ย 

Tixraac :

  1. somalilandlaw.com/National Environment Research and Disaster preparedness

ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  (NERAD)Agency Law โ€“ Law No: 35 of 2006.

  1. NERAD Website ( http://neradsomaliland.com.)