Xukumadda Jabuuti ayaa ku dhawaaqday in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu ku guulestay doorashada madaxtinimo ee ay dadka reer Jabuuti shalay u dareereen.
Sida lagu sheegay war saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jabuuti Geelle ayaa helay 86.68 boqolkiiba codadkii ay dadku dhiibteen, isagoo ku guuleystay wareeggii hore ee doorashada.
Murashaxa labaad ee ku soo dhow oo ah Cumar Cilmi Khayre oo ka tirsan dalalla mucaaradka ee USN ayaa helay 7.32 boqolkiiba.
Murashixiinta kale ayaa iyana kala helay:ย Maxamed Daaโuud Shixin 2.28% Maxamed Muuse Cali 1.53%,ย Xasan Idiris Axmed 1.39%,ย Jamac Cabdiraxmaan Jaamac 0.79%.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa waxa uu xilka qabtay laga soo bilaabo tan iyo 1999-kii, waana Madaxweynihii labaad ee uu dalkaasi yeesho tan iyo markii ay xorriyadda ka qaateen dalka Faransiiska sannadkii 1977.
Boqolkiiba 20 dadka Djibouti ayaa ku nool saboolnimo hooseeysa, sidaaasna waxa sheegtay warbixin ay faafisay Bangiga Adduunka,.
Qaar ka mid ah asxaabta mucaaridka ayaa waxa ay qaadaceen doorashadan, halka kuwo kalena ay ku tilmaameen mid ku dhacday cadaal darro.