ZAAD Iyo E-DAHAB waa adeegyo aan laga maarmi karin! (WQ: Naasir Saleebaan ‘Naasir-gargaar”)

Sida aan wada ogsoonahay waxa bulshada Somaliland ku habsaday sicir barar iyadoo lacagta shilling Somaliland uu qiimaheedu hoos u dhacay tan iyo waqtigii xukuumadda xisbiga kulmiye talada la wareegay.ee 2010, iyadoo marwalba marka ka danbaysay lacagtu sii qiimo dhacaysay ilaa markii la soo daabacay lacagta noodhka 1000 $ 5000 kun ee shiling Somaliland iyadoo ay dabar go’day lacagtii noodhka ahayd ee 5,10,20,50.100 shilling Somaliland.

Badanaa waddan kasta dawladdiisu   waxay culayska saartaa  siday lacagtooda u tayayn lahaayeen, waddamada hore u maray ee  warshadaha iyo wax soo saarka  dhaqaalaha  leh way ku dhacdaa in sicir barar ku dhaco iyagoo Waddamada iyo daafaha dunida u dhoofiya alaabada kala duwan sida dalalka Japan, Egland, Russia, China iyo Nigeria.

Waddamo badan oo qaaradaha Adduunka ka mida maaha  sicir bararku mid ku cusub  dunida iyo Somaliland toona, waddamada wax soo saarka dhaqaalaha Leh  siyaabaha ay ula  tacaalaan  sicir bararka ee lacagta qiimo loogu yeelaa waxa tahay

  1. sell foreing exchange assets and buy their own currency, markaa lacagahaa qalaad ee ay iibiyaan waxay sababtaa inay qiimaha lacagtooda kor ugu soo qaadaan hoosna u ridaan lacagta dollar ka ah
  2. Higher interest rates, waddamada hore u maray waxay had iyo goor central  bankoodu kaantaroolaa dhaqdhaqa lacagta waddanka, iyagoo kaydiya si ay kor ugu soo qaadaan kobcinta dhaqaalaha dalka, iyagoo wax soo saar badan ( productivity growth economic and political stability ) sameeynaya,  runtii siyaaba badan ayay loola tacaala  sicir bararka taasi oo central bank ku  joojiyo in wax lacaga soo daabacdaan.

Anigoo kusii dheeraanayn waddamada hore u maray, aan u soo laabto Somaliland maanta warshado  wax soor leh oo  ay Adduunyada u dhoofiso malaha waynu wada ogsoonahay in sicir bararka lala taacalo oo lacagta noodhka shilling Somaliland la isticmaalo waxay inoo tahay sharaf lacagteenana qiimo u yeelno.

Dawladdii siilanyo ee maamulkii hore ayaa sabab u ahaa sicir bararka Somaliland ka dhacay markii lasoo daabacay lacagta noodhka   dabargooyay noodhkeedii hoose laha, Xukuumadda maanta ee  Madaxwaynaha u yahay Mudane Muuse Biixi Abdi  looma nisbayn karo arimahan sicir bararka, laakiin waxa lagu wareejiyay dal aan waxba dhex oolin oo madhan iyo  ummad midnimadoodii daciiftay oon isku duubnayn, haddii qofka masuul looga dhigo guri madhan oo u baahan in la qalabeeyo muddo ayay ku qaadanaysaa, Marka horta Madaxwayne Muuse Biixi waxaan  ilaahay uga Rajaynayaa in Xilkaa   ilaahay ku Asturo Hawlaha Qaranka Somaliland ilaahay u fududeeyo,  waa qof wanaagsan oo qalbi fiican oo Ilaahay Dulqaad siiyay jecelna in uu dalkiisa iyo ummadiisa wax ugu qabto. Haddaba waxaan Madaxwaynaha u soo jeedin lahaa dhibaatooyin badan ayaa xukuumaddii xisbiga kulmiye maamulkii hore kaa  horeeyay ee Madaxwayne Siilanyo maamulkiisii hoose ka tageen ayaa jiray,  in  Shirkadaha  waawayn ee ganacsatada  Somaliland ay kaga cabanayeen  qaarkood tusaale ahaan, iyadoo ay sida Shirkada Telesom ee Adeedga telefoonada gacanta bixisaa  ku cabanayeen Sanado badan in Cable-ka bada hoosteeda mara in ay beriga keenaan, runtiina cadaalad-daro ka tirsanayeen maamulka kulmiye ee Xukuumaddii Madaxwaynihii kaa horeeyay  sida uu Caddeeyay Wasiir ka Tirsanaa Xukuumadda hore  xisbiga Kulmiye Mudane Abdilaahi Geel-Jire inuu ka mid ahaa waqtigaa gudida hawshaa gashay sheegayna in cadaalad-daro jirtay markii loo diiday Shirkadda Telesom ayna xaq u lahayd sida muwaadiniinta  Shirkadaha  kale. Waxa hadda jirta in aad maalmahan aad loo hadal hayo hakinta xadiga lacagta la iskugu diro ee Adeegga Zaad ee Shirkadda Telesom & E-dahab ee shirkadda Somtel,  amaro cusub aad ka soo saartay Heshiisyana wada gasheen Shirkadaha bixiya adeegda kor ku xusan,  iyagoo fuliyay Amarkii Madaxeynaha iyo Guddoomiyaha Bankiga dhexe Mudane Maxamed Cabdi Dhoobale,  idinkoo dhamaan Xukuumad iyo Bank iyo Shirkadaha Telesom iyo Somtel ku dadaalayseen sidii sicir bararka looga bixi lahaa iskuna af garateen.

Haddaba, Madaxwayne kolay waad ogsoontahay in dollar dalka soo gali jiray yaraaday iyo sida lacagtii dollarka ahayd ee kasoo noqon jirtay  Xoolaha   Dalka Yemen loo dhoofin jiray aanay jirin iyo lacagta Dekedda ka soo xeroon jirtay waayadii hore, iyadoo hadda gacanta ku hayso Shirkadda DP.World dollar Dekedda ka soo baxa.

Haddaba iyadoo yaraanta dollar soo gali jiray Dalku haddana in badan  ku dadaasheen sidii ummada reer Somaliland sicir bararka uga yarayn lahaayeen  Bulshada iyagoo suuqa dollar u iib gaynayaan si qiimaha shilling kor ugu soo qaadaan, laakiin uu ka awood batay Bank Guddomiyahaa Bangiga dhexe Mudane Maxamed Abdi Dhoobale iyo Agaasimaha Guud mudane Abdilahi Xasan Aden, iyagoo ganacsatada kale duwan ee  Somaliland la kaashaday, iyadoo Bulshada danyarta ah ay dhibtu taabatay inta abaaraha iyo sicir bararku ku habsaday, waynu wada dareemi karnaa xanuunka, ilaahayna ha inaga saareee dalkuna wuxuu u bahan yahay  in laga shaqaysiiyo lacagta waddanka qiimaheeda, idinkoo la kaashanaya Cid kasta oo aad ku tuhmaysaan inay wax idin kala qaban karto.

lacagta Somaliland haddii la kaydsato oo suuqa laga yareeyo oo qiimaha dollarku hoos ayuu u dhacayaa, waa haddii la helo lacag dollar ah oo lagu soo xareeyo, wax soo saar malaha Somaliland oo shay kasta waddamada dibadaha ayaan ka soo iibsanaa, waxa ugu yar ee xataa aan beeran karno sida khudrad hadday tahay kalluun, milix ayaa dollar lagu soo iibiyaa, Markaa Madaxwayne dalkan Somaliland waa ( Barwaaqo Baahan ) run ahaan  Isticmaalka labada Adeeg ee Zaad & E-dahab waxay danyarta reer Somaliland u fududaysay gurmadka deg-degga ah oo qof kasta faa’idadeeda iyo faa’iida daradeeda waxa dareemaya  Bulshada baahan  ee danyarta ah, hadday miyi iyo magaalaba joogaan, waad ogayd siday Abaarihii Dalka soo maray Gurmadka loogu gaadhsiin jiray Adeegga Shirkadaha Telefoonadu bixiyaan ee lacagaha la iskugu diro, markaa waa adeeg loo baahanyahay ilaa hadda oo aan Bulshada Somaliland ka marmayn, markaa waxaan kaa sugaynaa in aad  Boogihii hore ee maamulkii tagay aad  dhaydo oo sinaantii, midnimadii iyo wada jirkii ku soo celiso Dalka, laakiin  ha raad-raacin Wasiiradii hore amarada iyo  cabudhinta  Xukuumaddii hore Ganacsatada reer Somaliland qaar ku  hayeen , Mudane Madaxwayne  Shirkadaha dalkana hoos u eeg oo dhegayso cabashadooda oo  waxay tabanayaan si loo helo Xal.

Qalinkii: Naasir Saleebaan (Naasir-gargaar)

Horseed001@gmail.com