WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-224/102018, ku asteeyey In maalinta 17 October ee sannad walba loo asteeyo in ay noqoto Xuska Maalinta Geesiyaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
ย Wareegto Madaxweyneย
Maalinta Geesiyaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland
ย Markaan Arkay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
ย Markaan Tixgeliyey:ย ย ย ย ย ย ย Go’aanka Shirkii Golaha Wasiiradda Jamhuuriyadda Somaliland, Shir Lr. 23aad ee 18/10/2018;
ย Markaan Dersay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย Ahmiyadda ay Qaranka u Leedahay Xuska Maalinta Geesiyaashii naftooda u soo huray halgammadii kala duwanaa ee xornimada dalka, sida halgankii Daraawiishta, Kacdoonkii Culimada, Aqoonyahanka, Suugaan-yahanka iyo Halgankii Hubaysnaa ee SNM;
ย Waxaan go’aamiyey;
In maalinta 17 October ee sannad walba loo asteeyo in ay noqoto Xuska Maalinta Geesiyaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
ย
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL.
ย
—
Naasir Yuusuf Daahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland
Line: 518390
https://www.facebook.com/XafiiskaAfHayeenkaMadaxtooyadaJsl?ref=hl